07 May, 2010

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay arrimaha Doorashada iyo Kaadh-qaadashada

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay arrimaha Doorashada iyo Kaadh-qaadashada

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Saxansaxo ayaa ugu baaqay inay Shacbiga reer Somaliland ka qayb galaan qaadashada Kaadhadhka Doorashada Madaxtooyada ee dhawaan ay Komishanka Doorashooyinku bixin doonaan, waxaanu sheegay inay tahay Fursad qaali ah oo u baahan in laga faa'idaysto, maadaama aynu muddo dheer sugaynay inay dalka ka qabsoonto Doorashada Madaxtooyadu.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu sheegay in dhamaan qaybaha ay khusayso Doorashadu ay si mug leh uga qayb galaan, dadkana ugu wacyigeliyaan qaadashada Kaadhadhka cusub ee lagu bedelayo Kaadhadhkii hore ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, si loo helo Doorasho xor ah oo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaan ugu baaqayaa Shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay ka joogaan Dalka guddihiisa inay qaataan Kaadhadhka cusub ee Diiwaangelinta Codbixinta Doorashada Madaxtooyada ee bisha tobankeeda ay Komishanku ku tallo jiraan inay kaga bedelaan Dadkii isu diiwaangeliyey Doorashada Madaxtooyada, waxaanu tibaaxay inay fursadani tahay mid haboon in siddeeda looga faa'idaysto, maadaama aynu u oomanayn muddo dheerna sugaynay inay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyadu.

Waxaanu sheegay in haddii laga faa'idaysan waayo Jaaniskan ay adag tahay sida ay fursadani dib ugu soo marto Shacbiga reer Somaliland. Sidaa darteedna waxaan ugu baaqayaa Dadweynaha iyo dhinacyada ay khusayso Doorashadu in ay ka wada qayb galaan qorshaha uu Komishanku ugu diyaar garoobayo inay dalka ka dhacdo Doorashadu Madaxtooyadu wakhtiga ay u qabteen inay qabanayaan Doorashada oo ah bisha June ee inagu soo aadan" ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Komishanka Doorashooyinka ayaa la filayaa inuu dhawaan ka bilaabo Dalka bixinta Kaadhadh cusub oo lagu

bedelayo Kaadhadhkii hore ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada ee ay Dadweynuhu qaateen sannadkii ina dhaafay, taas oo khaladaad galay awgeed keentay in Doorashada Madaxtooyadu dhawr jeer dib u dhacdo, iyada oo Komishanka cusubi uu xilligan ku tallo jiro in Doorashadu Madaxtooyadu ka dhacdo bishan June ee inagu soo aadan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: