05 May, 2010

Halkan Ka Daawo Sawiradii Soo Dhawaynta Dr Gaboose



Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Gaashaanka Ku Dhuftay In Mudaharaad Khasaare Keenay Uu Ka Dhacay Magaalada Burco

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/1_10.jpg

(Burco) Kulmiye.org- Gudoomiyaha OlalahaEe Gobolada Bari Ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa gaashaanka u daruuray war maanta laga baahiyay laanta afka soomaaliga ee Bbc-da, kaas oo sheegayay in taageerayaal ka kala socday xisbiyada Kulmiye iyo UDUB ay isku dhaceen isla markaana ay burburiyeen gaadiid tiro badan

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/2_5.jpg

Dr. Gaboose waxa uu xusay in magaalada Burco si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana ay ku dhamaatay jawi nabadgalyo, balse waxa uu su'aal geliyay halka ay Bbc-du ka keentay mudaharaadka iyo rabshadaha lagu burburiyay gaadiidka isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa war aan sal iyo raad toona lahayn.http://www.oodweynenews.com/uploads/images/4_2.jpgSidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu galabta siiyay laanta afka soomaaliga ee Bbc-da waxaana hadaladiiisii ka mid ahaa "Sida aad la socotaan idaacada Bbc-du waa idaacad culus oo ay dadka badankoodu u arkaan in ay tahay dhexdhexaad, warka maanta Bbcd-da waxa uu ahaa mid xaqiiqada ka fog, waayo waxa aanu dhagaysanay in ay maanta magaalada Burco rabshado ka dhaceen, waxa kale oo uu ku jiray in gawaadhi faro badan la burburiyay, in dad badan la dhawaacay.http://www.oodweynenews.com/uploads/images/14_2.jpgAnigu waxa aan ahaa masuulkii watay waftigii, waxaanan u nimid in aanu xafiisyadayadii olalaha doorashada wakhtiga lagu dhawaaqi doono furno oo aanu barnaamijkayaga siyaasadeed dadka u sii sheegno, oo aanu ku wacyigelino diiwaangelinta, markaa waxa nalagu soo dhaweeyay gaadiid aad u tiro badan waxa ay Bbc-du heli kartaa ilaa dhawr boqol oo qof oo sitay kamarado isla markaana soo dhaweyntayada aad u duubayay socdaalkayaga iyo soo dhaweynta dadka.http://www.oodweynenews.com/uploads/images/18.jpgAnigu ilaa hada ma hayo intaa uu gaadiidku isdaba socday iyo ilaa halka xaflada aan ka khudbadaynayay oo ay waliba ka khudbadeeyeen dad aad u tiro badani meel ay laba qof isku riix-riixaysay, in kasta oo aanan la yaabayn in xisbiga talada haya ee UDUB oo xaflad aanu hudheel hargeysa ku yaala ku qabsanaynayn uu khalkhal geliyay isla markaana la gubay taayiro,"http://www.oodweynenews.com/uploads/images/5_5.jpgDr. Gaboose oo la waydiiyay bal in markii ay gawaadhida soo dhaweynta waftigiisa ka qayb galayay ay keentay isku dhac iyo mudaharaad ayaa yidhi "Haba yaraatee anigu iyada oo ay dhagaysanayaan intaas oo boqol oo kun qof ma garanayo cid isku dhacday, gawaadhidii soo dhaweyntayada ka qayb qaatayna dhexda ayaan ugu jiray, fagaarihii laga khudbadaynayay waxa ay ahayd magaalada Burco oo soo dhadhaaqday markaa garan maayo cid naga soo horjeedo laakiin waxa aan kuu sheegi karaa in ay dadkaasi wada ahaayeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye isla markaana ay si habsami ah u dhagaysanaayeen khudbada, laakiin anigu waxa aan u qaatay in uu ahaa mashruuc khaldan oo loo isticmaalay hay'adaas culus.http://www.oodweynenews.com/uploads/images/8_2.jpghttp://www.oodweynenews.com/uploads/images/7_2.jpg

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/9_2.jpg

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/10_2.jpg

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/11_3.jpg

Ta ugu xumina waxa ay ahayd laba eray oo uu yidhi wariyuhu (Wariyaha Bbc-da uga soo warama Burco) waa ta koowaade waxa la burburiyay buu yidhi gawaadhi faro badan, waxa aan ka codsanayaa in uu hal baabuur oo Number leh oo la burburiyay in uu keeno, waxa kale oo uu yidhi dad faro badan ayaa dhawaacan, waxa aan ka codsanayaa in uu hal dhakhtar oo Burco jooga in uu keeno oo dhaawaca la geeyay, idinkana (Bbc-da) waxa aan idinka codsanayaa in aad burco la soo xidhiidhaan oo meesha dhibaatada intaa le'egi ay ka dhacday ayaa xog u doonataan, dhibaatadan uu wariyuhu sheegayna waxa aan filayaa in ay uu ku khaldamay ee ay ka dhacday magaalo kale."http://www.oodweynenews.com/uploads/images/13_1.jpg

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/15.jpg

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/19.jpg

http://www.oodweynenews.com/uploads/images/12_4.jpg

Xig: Oodweyne.com


No comments: