12 January, 2010

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda M/weyne Rayaale oo maanta Golaha Wakiiladu cod u qaaday ansixintooda

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda M/weyne Rayaale oo maanta Golaha Wakiiladu cod u qaaday ansixintooda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyay afar Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee Somaliland.
http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/sets/72157623070338599/show/
Fadhigii maanta ee Golahaas oo uu guddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa la horgeeyay Wasiirada Wershadaha,Boosaha iyo  Isgaadhsiinta, Macanta iyo Biyaha iyo Ganacsiga.

Wasiiradan ayaa ka dib markii Golaha laga hor akhriyay taariikh-nololeedkooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo iyo aqooneed, waxa mid kastaba la siiyay daqiiqado kooban, si uu uga hadlo xilkiisa iyo waxa uu filayo. Waxaanay dhammaantood ballan-qaadeen inay xilkooda u gudanayaan si daacadnimo ku dheehan tahay.

Intaa ka dib, Wasiiradan oo uu wehelinayay Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha guud Cabdirisaaq Cawil Bucul, ayaa loo qaaday cod.

Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil ayaa codkii loo qaaday waxa diiday ansixintiisa 3 mudane, waxa ka aamusay 1 Mudane, waxaana ogolaaday 43 Mudane. Sidaas ayaanu ku ansaxay.

Wasiirka Wershadaha Axmed Cali Warsame Ubaxle, ayaa waxa ansixintiisa ogolaaday 42 Mudane, waxa diiday 2 Mudane, waxaana ka aamusay 3 mudane. Sidaas ayaanu ku ansaxay.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sh. Cabdi Maxamed, waxa ogolaaday ansixintiisa 42 Mudane, waxa diiday 2 mudane, waxa ka aamusay 3 mudane. Sidaas ayaanu ku ansaxay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Maxamuud (Sandulle) waxa ogolaaday 45 Mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 2 mudane. Sidaas ayaanu ku ansaxay.

Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha guud Cabdirisaaq Cawil Bucul waxa ogolaaday 46 Mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 Mudane. Sidaas ayaanu ku ansaxay.

Wasiiradan maanta la ansixiyay ayaa qaarkood muddo dheer ku shaqaynayeen xilka loo magacaabay iyaga oo aan Golaha la horkeenin amaba aan la ansixinin.

Sidoo kale, waxa Golaha Wakiilada maanta ka bilaabmay Doodda Xeerka HUbka fudud.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: