12 January, 2010

Ciidan madaxtooyada ee gudaaya habeen badhaka maxay soo qabtaan?

Ciidanka madaxtooyada ee habeen badhka gudaaya, wax hala iska weydiiyo!

 Khilaafka guurtida, miinooyinkii Burco iyo sheekh dhexdooda iyo hubka la soo dhoobey Xawaadle su'aalo badan baa ku xeeran oo badhitaan u baahan.

 Khatar intee le'eg buu ku suganyahay wadanku?  Marka hubka intaas le'eg si hawlyar kolba meel loo soo dhigaayo oo in u qarxo un hawshiisii ka hadhay, ruux dadweynaha ka mid ah baa kolba soo sheegey baanu maqleynaa. Meedey dawladii iyo ciidamadii sirta iyo amaanka ee ogaan lahaa inta aan lagu guuleysan in goobahaas la soo dhigo?

 Waxa jabouti laga wadaa mashruuc lagu daabacaayo kaadhadhkii dadku qaateen xiligii diiwaan gelinta kuwa la mid ah, dhowaana waxa lagu soo butaacineyaa wadanka gudihiisa, si khalkhal loogu geliyo doorashada, waana qodob ka mid ah shaxda lagu khalkhal gelinaayo doorashada.

waxa aad dhowaantan maqasheen nin xamar ka yimmi oo watey 10 kaadh oo ah kuwii diiwaangelinta, taasna ujeedadeedu ahayd in kommissionka lagu khalkhal geliyo hawlahooda shaadheynta serverka si ay uga noqdaan, ninkaas oo isna markii hore laga soo direy jabouti oo via xamar ka soo galay Hargeisa.

Waxa aad maqasheen miinooyin culus oo la dhigey wadada Burco iyo sheekh u dhexeysa, wiil yarina soo sheegey, immikana hub culus oo xawaadleh la dhigey baa inoo xigetey oo ruux dumar ah oo hooyo ahi soo sheegtey.

Waxa aad maqasheen markab xoolo buka iyo kuwa bakhtiyey la soo saarey oo kuweenii lagu dhex milaayo, dawladiina oggolaatey in la raro markabkaas, halkii maxkamad laga saari lahaa.

Bal dadweynow horta aan is weydiino su'aal muhiim ah, kuwa hubka intaas baaxad le'eg soo urursadey ee dhigey goobahaas, waa khatar aad u weyn oo ifineysa in wadankaba la haysto, oo si weyn la inoogu dhexjiro, haddaba, su'aashu haboon in aynu isweydiinaa waa, Meedey dawladii shaqadeedu ahayd in ay soo ogaato argagaxisada intaas le'eg iyo hubka intaas baaxad le'eg dadka ku haysta wadanka gudihiisa ka hor inta aan goobaha loogu talo galey aan la dhiginba? Waayo? Kuwa soo dhigey wey ku guuleysteen hawshoodii iyadoo aan hore loo ogaanin,  qaraxii un baa xigga markaas, immika dadkii  waxa ku furan cabsi (terror) werwerna waa u dhamaadey, balse waxa haboon in ay su'aalo badan isweydiiyaan dadweynuhu, oo goleyaashu ka hadlaan, oo isweydiiyaan khatartu inta ay le'egtahay iyo xidhiidhka ka dhexeeya miinooyinkan iyo khilaafka guurtida lagu soo dhextuurey!

Waxa aad arkeysaan in khatarta jirta lagu majaro habaabinaayo ummadda khilaafka guurtida si ay ugu mashquulaan, halkii su'aasha ugu weyni ahaan lahayd maxay dawladu uga hadli laadahay khatarta nimanka hubeysan ee hadba meel wax dhigaaya, hadii aanay iyaduba fulin falkaas.

Dadka reer S/land waxaan hore ugu sheegey immikana aan ugu celineyaa Riyaale in looga taliyo meel kale, khatarta u soo wataana ay sii soconeyso, , doorashona khalkhal gelinaayo ilaa iyo maalinta ay dhacayso ee ugu dambeysa hadii ay la gaadho, markaas taladeydu waa goleyaashu maxkamad ha ku soo ogaan oo hala taago Riyaale, dembiyo ku filan oo qaran dumis ah  baa loo hayaa.

Xisbiyada, goleyaasha iyo dadweynuhuna waxa la gudboon in ay dawlada weydiiyaan iyakuna isweydiiyaan kuwa miinada dhigaaya iyo hubka intaas le'eg waxa dood looga furi waayey, ciidanka sirta iyo poliskuna shaqadooda u gudanwaayeen?

Waxaan ku talineyaa in la dabagalo ciidanka ilaalada madaxweynaha u gaarka ah ee habeen badhkii soo gala magaalada sida lawada sheegey, marna safar aan la garaneynin ugu baxaaya Boorame ama Burco waxa ay soo qabtaan ama soo fuliyaan, waaberigana ku soo noqda madaxtooyada, kuwaas oo dad badani dhowrjeer kala sheegeen, waxaan ku rajo weynahay in markaas dilalka iyo miinooyinka raad loo heli karo.

Amina Hagi Mohamoud (Goljanno)

Amina_991@hotmail.com


No comments: