WASIIRKA XANAANADA XOOLUHU TUU KEENABA TAN KALE KA DARAN
Ka dib markii sacuudi Arabia xayiraada ka qaaday xoolaheenii mudada tobanka sano ka badan xayiraa ee ay bilaabantay iibintoodii ayna ku xigtay inay berbera si toos ah uga dhoofaan xiligii lagu jiray moosinkii arafada aad ayaa loogu diirsaday loona soo dhaweeyey iyadoo xooluhu yihiin lafdhabarta dhaqaalaha dalka waxaana bilaabantay yididiilo cusub iyo rajo cusub iyadoo magaalada xeebeeda berbera ay isla markiiba saamayn toos ah ku yeelatay,Waxaa markiiba shaqo helay dad badan oo bilaa camal ahaa, haw badnaadaan dhalinyarada dugsiga sare dhamaysay ee shaqo la,aantu haysay kuwaasoo awal wadada keliyi ee u furani ahayd inay tahriibaan laakiin markii xoolihii la furay qaar badan oo ka tirsani waxay shaqo yoomiye ah ka heleen maxjarka guud ahaana waxaa is bedel ku dhacay noloshii magaalada berbera iyadoo dhaqdhaqaaqa ganacsigu kordhay taasoo la odhan karo waxay saamayn ku yeelatay xataa dhankii hotelada magaalada oo qaarkood waa hore albaabada loo laabay bushaarad aawadeed.
Horaa loo yidhi nimco waliba nusqaan leh warkii yididiilada lahaa iyo farxadii lagu soo dhaweeyey xayiraad ka qaadisteenii xoolaheena waxaa nusqaan ku noqday wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland oo hortaagan inay si habsami leh u socdaan hawlaha dhoofka xooluhu, wuxuu hore u sheegay war aad looga yaxyaxay oo ma hadho reebay ka dib markuu ku dhawaaqay warbaahinta caalamkana ka sheegay in neefka adhiga ah ee Somaliland culayskiisu yahay 12kg, run ahaantii haday jirto dawlad dadka u damqanaysaa waxay ahayd inuu xilkiisa ku waayo waxaan ka xumahay in aan taasi dhicin wuxuuse hadalkaas kula baxay mr kiiloo iyadoo la ogaaday maangaabnimadiisa iyo damqasho la,aanta dadkiisa, wasiirka oo ahaa dhaqtar xanaanada xoolaha ah mudo dheerna ka shaqeyn jiray hawlaha caafimaadka ee dhoofka xoolaha ma hayso aqoon daro xoolaheena ah ee waxaa haysa ayaa la odhan karaa axmaqnimo iyo danaysi gaar ahaaneed oo ka indho saabtay inuu si qoto dheer uga hadlo qiimaha xoolaheenu ku leeyihiin sayladaha wadamada carabta ah ee xoolaha loo dhoofiyo
Iyadoo taasi jirto oo weli la hibanayo hadalkiisii xanafta badan reebay kolkii xoolaha la furay wasiirku wuxuu judhadiiba bilaabay in maxjarkii berbera ee shirikada aljaabiri dhistay ka noqdo maareeye guud (General manager), waxaan taas u leeyahay wuxuu si toos ah u fara geliyey hawlihii caafimaad ee ay gacanta kula jireen dhaqaatiirta xoolaha Somaliland, wuxuu doonay inuu u dhaxeeyo shirikada aljaabiri iyo ururka dhaqaatiirta xoolaha ,wuxuuna dhaqaatiirtii xoolaha ula dhaqmay sidii dad maqaawil oo ah, taasoo keentay in dhaqaatiirtu kala garan weydo cid ay u shaqeeyaan oo xataa isaga laftiisa markii ay weydiiyeen cida ay u shaqeeyaan uu u kala cadayn waayo isagoo qaarkoodna isla arintaas ku xidhay sida Dr maxamed xuseen iyo Dr daa,uud nuur oo mudo jeelka ugu jiray, sideedaba qofka baniaadamka ah wax baa xidha oo dabar iyo hogaan u noqda waxaana ugu horeeya sharciga, diinta, wadaniyada, dadnimada iwm qofkii intaas laga waayaa wuxuu ku talaabsanaya wax kasta oo uu doono mana jirto xuduud iyo xakame xidhayaa talaabooyinka is xigxiga ee wasiirku qaadayna waxay muujinayan inuu kalsooni ka haysto madaxtooyada cid kalena aanu waxba iskaga tirinayn, waayo qayladiisu maalin walba way taagan tahay, markii uu cid walba soo jiidhay wuxuu marayaa inuu dhaqaatiirtii xoolaha ku yidhaahdo waxaa tihiin cashual labour markii xoolo yimaadaan shaqeeya dhakhliga aad soo saartaana waxaa ka qaadanaysaan wax ka yar 10% inta kale lama yaqaan meel ay tagto qasnad dawladeedna kuma dhacdo wasaarada maaliyadana xisaabta uguma jirto calaa neefkii adhiga ahaa maxjarku wuxuu ka qaadaa $ 7.5 shuraako lagu yahay qolada maxjarka iyo wasiirka dhaqaatiirtii xaqa u lahayd ee ka shaqeynaysey wuxuu ilaa imika u kala sheegi kari la yahay inay wasaarad u shaqeeyaan iyo inay shirikada aljaabiri ku shaqeeyaan wuxuu ku yidhi xaq ma lihidin, hadii shaqadu joogsato mushahar ma lihidin, hadii xoolaha aad talaalaysaan wax idin yeelaan xuquuq iyo xaq midna ma sheegan kartaan, cid ay uga ashkadoodaan iyo cid wax ka dhegaysanaysaana midna ma jirto khaqaatiirtii iyo dadkii qaabilsanaa caafimaadka xoolaha wuxuu ula dhaqmay sidii muqaawilkii wadamada carabta la keeni jiray ee wadamada indho yarta laga soo daad guray jiray
Dibindaabyada wasiirku intaas oo keliya kuma koobna dhawaanan wuxuu u guntaday siduu uga joojin lahaa xoolaha ay debeda u dhoofiyaan shirikadaa wadaniga ah sida Indho deero, Gacma dheere, Yuusuf Quule, Ina Nabad diid kuwaasoo mudo dheer ka soo ganacsanaysay dhoofinta xoolaha una haysata sharci iyo liisan ay ku dhoofiyaan, waxay indhaweydba ka cabanayeen qaabka loola dhaqmo markay xoolo keenaan maxjarka berbera ee shirikada aljaabiri gacanta ku hayso waxay in badan ka cawdeen in xoolahoodii oo diyaara dib loo dhigay baadhistooda caafimaad halka kuwo kale Burco iyo Hargeysa laga dalbaday oo Aljaabiri leeyahay laga horeysiiyey baadhistooda, Sida la wada fahmi karona maxjarka waxaa gacanta ku haysa shirikada Aljaabiri oo lafteedu ah shirikad xoolaha dhoofisa markaa cid kale inay maxjarkooda xoola ka dhoofsato oo weliba suuqa kula tartanto raali kama ahaanayaan sharcigii lagu kala hagi lahaana ma jiro
dibu dhaca ku yimi xoolihii shirikadaha ee dhoofiyey markii dawladii waxba ka qaban weyday cabashadoodiina laga hoos qaadi waayey waxaa loogu sii daray mid kale taasoo ah in qaarkood loo hanjabo oo loo cago jugleeyo waxaana ka mida kuwa ay taasi ku dhacday shirikada indho deero oo wasiirku ugu hanjabay inuu xeryahooda berbera ee adhiga lagu xerooyo gubi doono waxaana ayaamahan laga dayrinayaa masuuliyad darida wasiirka iyo saamaynta ay ku yeelan karto ganacsiga xorta ah ee dhoofinta xoolaha taasoo wasiirku doonayo inuu shirikada Aljaabiri keliya ku koobo dhoofinta xoolaha Somaliland isagoo u diiday kana hor istaagay shirikadihii wadaniga ahaa ee mudada dheer xoolaha u dhoofin jiray sayladaha debeda
Waxan qoraalkayga kaga baxayaa wasiirka xanaanada xooluhu wuxuu af kala qaad ku noqday cid kasta oo u heelanayd furitaanka xoolaheena waxaana loo baahan yahay in si dhab ah loo derso oo dibu eegis loogu sameeyo, sida ka badbadinta ah ee uu kugu talax tegay awooda wasiirnimo ee uu ku magcaaban yahay, iyadoo dhanka dawlada aad moodo inay raali ka tahay ayaa loo baahan yahay in dadka shacabka ahi gaar aahaan reer berbera inay hoos ugu daadegaan oo u dareemaan hadimooyinka iyo jariimadaha wasiirku ku curyaaminayo habsami u socodsiinta hawlaha xoofka xoolaha, waxaana lagama maarmaan ah in si dhaqso ah loo soo kala gaadho oo la dhex galo wasiirka oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ka kooban dad muwaadiniin ah oo isugu jira dhaqaatiir dulmi tirsanaysa oo leh xoogayagii iyo cilmiyagii ayaa shirikad ajinebi loo garbaduubay iyo ganacsado leh waxaanu nahay muwaadiniin xaq u leh inay xoolo dhoofiyaan oo laga hor taagan yahay halka shirikadii ajinebi loo kooto loogu xidhay ee weliba loogu heelan yahay iyo dad masaakiin ah oo iyagu xoog maal ah kuwaasoo leh xoogayagii ayaa la duudsiyey oo wax aanan geyin ayaa nalagu sanduleeyey hadaba isweydiintu waxay tahay muwaadiniintu ma heli doonaan cid ka dhegaysata cabashadooda wasiirkuse ma heli doona cid ku tidhaahda wasiirow afaaro aan lagu dirsan ayaad gashee faraha kala bax waqtiga ayaa inoo kala sheegi doono
La soco qaybta 2aad
Maxamed cali ibraahim
Jaangoan2001@hotmail.com
BERBERA
No comments:
Post a Comment