Xaal loogama baahna oo qofka deelqaaf dhaw ku simbiriirixda , gobannimona leh ayaa ku qabsooma , markase ay arrintu heer aan ficil mooyee hadal daweyn gaadho, xaalku meesha maba yaallo. War saxaafadeedkii Madaxweynaha ee idaacadaha ka baxay shaley, Bulshada Somaliland sidii dhallaanka ayuu ugu sheekeeyey, wax waalan oo aan waxba kala garaneynna wuu ka soo qaadey, Waxaanu ku dhiirradey in uu u iib-keeno siyaasadda odhaneysa Mujaahid Axmed Siilaanyo oo Guddoomiyihii ugu Muddada dheeraa hoggaaminta SNM, Eng. Maxamed Xaashi, Xubin Guddigii Fulinta SNM , kana mid ahaa Asaasayaashii SNM, Mudane Saleebaan Mxamuud Aadan, Waa federaal, Saraakiishjii Nabadsugidda Afweynana waa muwaadiniin !! Ganacsatadii Somaliland waa federaal, Al-Jabirina Waa muwaadin, Sharikadaha Shidaalka Somaliland waa federaal, Totalna waa Somaliland, Sharikadda indho-deero waa federaal. Maxjarka Aljaabirina waa waddani!!
Waxaan filayaa in ay ku soo afjarantey war saxaafadeedkan hadal dambe oo Maamulkan laga qoro. qurbajoogga , Madax-dhaqameedyadii Awdal ee lagaga horjoogsadey inay xaqiiqo raadin u tagaan jasiirdo la sheegey in qarsoodi loo iibiyey laguna amrey in ay waraaqdii dhaqdhaqaaqa uga soo qaataan madaxweynaha, caaqil ka mid ahaan ilaa imika ku xidhan yahay arrintaasi, waanu ka raalli gelineynaa , waana nasiibdarro dalka ku habsatey. Qurbejooggu haddii aanay maamulka ka jeedion oo kaga fillaanin quudinta Bulshada inteeda badan, Maamulku nabad iyo degganaansho ma ku fadhi lahaa kolka ay waalidka carruurtu , baahi ugu dhabato !! Mas'uul kasta oo Xil ummadda u haya , Bulshada ayuu u adegaa oo qaab cashuuro iyo adeegyo musharkiisa ku bixisa, Aragtida Maamulkan iyo Mafhuumka uu Madaxnimada qabo, labaduba wey qaldan yihiin !!
Qaskan Madaxtooyada dabada ka riixeysey ee isla kooxdii lixda bilood ee Mudda Kordhinta Dlka muranka dheer ku gelisay aloostey waqtii Doorasho wax aan ahayn laga dhegeysan karin Maamulka, qaraxyada iyo Dilalka mas'uuliinta Ciidanka ee aan cid loo qaban, Dilka askarta boolisku ka geysteen wajaale oo looga jeedey in beeshaasu gasho khilaafkii dhex taagnaa labada beelood si ay u ballaadhato rugcadda dagaalku oo Ciidan gaar ah loo diro halkaas wax xasuuqa!! tirada oon lagu darin in mishanku dhicisoobo oo la qbto ayaa nasiib wanaag dhacdey , waxaanu ahaa kii labaad ee loo diro wajaale, sida ay odeyaal xogogalah oo beesha ahi sheegeen !!
Cidkasta oo uu ku gafey warsaxaafadeedka Madaxtooyadu shaley, waxaan qabaa in aan jawaab-celini habbooneyn ee ay go'aan qaadasho ummadeed gaadhey imika intaan Madax iyo Aqoon -yahan nool imika aan la waayin , oo qarax ama dil cid loo qaban waayo dhicin in laga furfuro Dalka Maamulkan doonaya in uu taariikhda ummaddan tirtiro, dalka wada xaraasho, wax uu ka dhimo mooyee aan waxbana ku soo kordhin. Ma waalla ummaddduye, kildhi ayey Madaxa kula jirtey, imikase, waa lays ogaadey oo beeni raad ma leh !! Somalilandna wax afartameeyo odey oo laga istaadho Madaxtooyadu afduubto ka weyn. Wax laga xumaado waxa ah in aan danta Dalka iyo Dadka midna ahayn ajendaha Maamulkan xadhigga iyo hanjabaadda aaminsan oo ummddu ka tallaal baxdey beri hore.
Dr. Cali Cabdi Muxumed
No comments:
Post a Comment