14 January, 2010

Waftigii Gudoomiyaha Oo Guulo kasoo hooyay Safarkoodii


 
Guddoomiye Axmed Siilaanyo  oo la kulmay Mudane Donald Payne iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka
 
silanyo payne1 by you.  
(Washington DC, Somaliland.ORg) Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo hadda booqosho rasmi ah ku jooga dalka Maraykanka ayaa maanta kulammo la yeeshay Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
                                   silanyo payne
Kulanka Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad dibaddeedka Afrika ee maamulka madaxwayne Obaama, ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Baarlamaanka Marakanka ee loo yaqaano Capitol Hill ee magaalda Washington, halka kulanka masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu iyo waftiga KULMIYE uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
silanyo payne and dr mohamed2 by you.
 Arrimaha ay ka wada hadleen waftiga Guddoomiyaha KULMIYE  iyo masuuliyiinta Maraykanku waxay ahayeen kuwa ka turjumaya xidhiidhka iyo danaha aasaasiga ee labad geesood iyo barnaamijyada iskaashi ee ay Somaliland iyo Maraykanku kawada shaqeeyaan.
 
Qodobadii shirka lagu soo qaaday waxaa ugu waawaynaa dhawr arrimood. Waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo ay labada geesood tilmaameen in loo baahan yahay in doorashada aanay mar denbe dib u dhicin, dhamaan qaybaha siyaasadda ee Somalilandna ay kawada shaqeeyaan sidii ay doorasho xor ah oo xalaali uga dhici lahayd Somaliland. Waxay kaloo werwer ka muujiyeen degenaansho darada ku soo korodhay Golaha Guurtida ee Somaliland oo loo arkay inay keeni karto  inuu heshiiskii seddexda xisbi ee ku jahaysnaa doorashu burburo, taasi u horseedi karta dalka khalkhal siyaasadeed oo cusub.
 
 silanyo payne and dr mohamed by you.
 
Waxay kaloo kawada hadleen khataraha xagga nabadgalyada ee ku soo kordhaya mandaqada Geeska Afrika. Wuxuu Guddoomiye Axmed Silaanyo tilmaamay in  shacabka Somaliland ay hawl adag iyo tacab badan u soo galeen nabadgalyada ka jirta Somaliland, loona baahan yahay in dawladda Maraykanku ay gacan wayn ka gaysato difaacidda iyo sugidda amaanka Somaliland. Waxayna masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in ay Somaliland ka taageerayaan kor u qaadidda tayada garsoorka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka, laakiin loo baahan yahay in Somaliland la timaado maamul dawladeed hufan.
 
 Waxaa iyana ka mid ahaa arrimaha ay labada geesood lafagureen kaalmada xagga hurumarka ee dawladda Maraykanku siiso Somaliland. Wuxuu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Siilaanyo, ka codsaday dalka Maraykanku inuu kordhiyo gargaarka hurumarineed ee ay u fidayaan Somaliland si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ee dalka sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Waxaa kaloo Axmed Siilaanyo uu waydiistay dawladda Maraykanka inay ka caawiso Somaliland sidii dalku u yeelan lahaa wadooyin isku xidha magaalooyinka waawayn ee dalka.   
 
 
Ugu denbayntii waxay dawladda Maraykanku u diyaarisay shir wayn oo Guddoomiye Axmed Silanyo iyo Dr. Maxamed Cabdillahi oo kaga xogwarami doona xaaladda Somaliland soona bandhigi doonaan barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE uu ku hogaamin doono dalka haddii ay talada dalka ku guulaystaan,  oo dhici doona maalinta khamiista ah. Waxaan ka soo qayb geli doona shirka masuulyiin ka socda qaybaha kala geddisan ee dawladda Maraykanka sida Wasarradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Mucaawinada Dibadda, Wasaaradda Difaaca hay'adaha fidinta dimuqraadiyada ee Maraykanka , warfidiyeeno iyo shaciyaqaano caalami ah. Waxa shirkaas isugu iman doona dad tiradoodu aad u badan tahay.

Washington DC, USA
KULMIYE

No comments: