21 January, 2010

“SOMALILAND KENYA OO JAARKEENA AH AYAAN TIDHI MA NAQAAN “MUUSE BIIXI CABDI.

"SOMALILAND KENYA OO JAARKEENA AH AYAAN TIDHI MA NAQAAN "MUUSE BIIXI CABDI.

Gudomiye kuxigeeka   Xisbiga  mucaaradka ee Kulmiye   mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta jawaab celin ka siiyey hadaladii ka yeedhay madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyale Kuwaas oo ku tilmaameen in hadalada ka yeedhay madaxweynuhu ay yihiin kuwo ayaan daro ah .

Mudane Muuse Biixi Cabdi  oo sheegay in guul darooyin badan oo ay ku guul daraysteen in dawladu gadhsiiso aduun waynaha Somaliland ay soo cadaatay kadiba markii ay safaro badan oo xubno aan ka mid ahayn dawladu ay soo sheegeen in aan laba aqoon Somaliland taas oo ay intu u tafaxayteen sidii ay uga dhadhicin lahaayeen in ay Somaliland tahay wadan jira oo gooni isu taaga waxana uu sidoo kale ku soo qaaday hadalkiisa in uu Riyaale deedifeeyey Odaashii madaxdhaqameedyadii iyo bayacmustarkiiba, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

"Waxaa soo kordhay dagaal diimeed oo kitaabkii la isku dilaayo oo nin waliba leeyahay ana sharcgii ku taagan oo ka adag kuwii siyaasada iyo kuwii qabaailka ahaa  , waxaa soo kordhay dhaqaale badan oo qoladii budhcad badeeda ahayd  ay heleen malaayiin doller oo dawlad kasta oo aduunka u xoogwayni ay baad siinayso markaa ninka Ingiriis , Maraykan iyo Ruush baad ka qaadayo sida loogu soo celinaayo gacan maamul  oo dawlad yar oo africa ah way adagtahay, waxaa soo kordhay ciidan caalami ah oo Afqaanistaan ka soo bilaabma oo Carabta  ku soo hakada oo dalka koonfurta Somalia  soo gadha oo xitaa Puntland oo qaboobayd iminka maalin kasta dil xildhibaan laga soo sheegaayo, markaa dabkaasi kama Somaliland oo Somaliland waxay xad la leedahay oo aan dayr ku kala xidhnayn dal intaas oo qolo ka dagaalamayan , nasiib wanaag iyo dedaal badan oo aynu samaynay ayeynu wali ku nabdoonahay wali "

Mar uu ka hadlaayey Muuse amaanka iyo sida lagaga hor tagi karo aafooyinkaa aan dayrku inagaga xidhnayn ee haysta wadamada jaarkeena ah waxa uu sheegay in iskaashi midaysan uun lagaga hor tagi karo waxaanuu yidhi

"Hada waxaa la inaga rabaa dedaal badan oo kii ka sii badan si aynu nafaheena u badbaadino se anigu waxaan qabaa in aynaan ku filaan karayn oo ilaa iskashi badan gobolka sameeyo oo iskaashi nina nin aanu ku dulmayn in arintan loo wada waajaho oo nabad lagu doono , taasi waxay ku tusaysaa in uu is buuxinaayo oo kasooni daro ay jirto "

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey khudbadii Madaxweyne Riyaale waxa uu sheegay in laba qodob oo uu sheegay in u Riyaale deedifeeyey Salaadiintii iyo madax dhaqameedkii sidoo kale uu cawda u jaray cabudhiyeyna ganacsatadi , takale uu sheegay in uu Riyale ka hadlay waxaa ka mid ahaa in uu yidhi xisbiyada mucaaradku debadaha ayay wareegaan oo Somaliland uunbay wax ka sheegaan taasna isaga oo ka jawaabayana waxa uu sheegay in waftiyo badan oo baxay oo aan xukumada ahayni ay sheegeen in aan Somalilandba ay xukuumadu ka seexatay halka ay Kenya oo dad inoogu xigtaa aanay aqoonbay Somalilandta kuwa ka shisheeyana hadalkoodaba daa, waxaanuu yidhi:

"Riyaale Laba qodob oo uu ka hadlay ayaa waxa ugu waynaa Odayaasha ,Saladiinta iyo madaxdhaqameedka wuu deedifeeyey oo waxa uu yidhi dalka waxba kuma lihidin , ganacsatada wuu deedifeyey ilayn waakan amarkayga iyo waxan ha qaateene . Waxa uu ka hadlay xisbiyada mucaaradka ah waxaanuu ku sheegay mar kal hore in ay dabadaha u wareegayaan in ay Somaliland uun wax ka sheegaan ,Taas taariikhda ayaa ka marag kacaysoo sadex qolo oo iminka baxday oo aan dawlada ahayni waxay caasimadaha ka soo wariyeen in aan maanta ka hor arin ay Somaliland leedahay oo xog waran ah oo rasmi ahi aanay soo gaadhin .Komishankaa qaranku waxay noo sheegeen in way shir saxaafadeed ku qabteen markii ay ogaaden in aan wax Somaliland ka hadlayaaba aanay gaadhin dawladaa agteena ah ee Kenya ."

Sidoo kale waxa uuu sheegay in labada Xisbi mucarad ay tagen Wadamo badan sida Bruseles oo ay madax ka socota Europianka ay kula kumee yidhaahdeena cid idinka idinka horaysay ma jirto oo sidan wax noogu sheegtaa sidoo kale waxa uu Biiixi shegay in Siilaanyo isna sida si leeg uu Maraykanka kaga yeedhsiiyey {Yes} Somaliland waxana hadaladiisii ka mid ahaa

"Labada xisbi ee mucaradka ahi waxay tegeen Brusles oo ay kula shireen madaxda Europia Union ka  waxaanay inoo sheega oo iyada oo qoraala la hayaa in ay yidhaahdeen wax sidan noogu warama oo dhibaatada Somaliland haysta nooga warama maanta ayaa noogu horaysa Sidoo kale Axmed Siilaanyo waxa kulankii uu la kulmay Donel Bay oo lahaa daraad Somaliland waa qayb ka mid ah Somaliya isna waxa uu afkiisaa ka sheegay in ay ay tahay dawlad Madax banaan"
GUDOOMIYE KU XIGEENKA XISBIGA MUCAARADKA AH EE KUMIYE MUUSE BIIXI IYO SHIRSAXAAFADEEDKIISII FADLAN RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments: