21 January, 2010

“MAANTA SAXAAFADII OO AY KA MID YIHIIN SADEX WARGAYS OO MADAXBANAAD WAXAA LOOGA YEEDHAYAA CID a OO WAA LA EEDAYNAYAA” AADAN M. MIRE “WAQAF”

"MAANTA SAXAAFADII OO AY KA MID YIHIIN SADEX WARGAYS OO MADAXBANAAD WAXAA LOOGA YEEDHAYAA CID a OO WAA LA EEDAYNAYAA" AADAN M. MIRE "WAQAF"

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaraka ee Ucid Mudane waqab ayaa isna maanta sheegay in madaxweyne Riyaale uu ku fashilamay in uu nabad galyada dalka wax ka qabto taas oo uu sheegay in saraakiishii dalka lagu dilaayo gobolak Sool sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadii ay dadki shacabka ahaa iska laynayaa taas oo uu sheegay in ay shalay iska dileen dad shacab ah magaalda Wajaale.

Mudane Waqaf waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in xukuumadii laga sugaayey in ay wax ka qabto nabad gelyada dalka ay la timid arin wayd ah oo aan lagu qanci karin taas oo uu sheegay in Gobolada Sool , Saaxil , Iyo Gabiilay  ay xaalad amaan daro ka jirto waxa uu tusaale u soo qaatay Laascaanood oo uu yidhi saraakiisha ayaa lagu dilaa, Berbera oo iyana uu ka sheegay xaala amaan daro , iyo Wajaale oo uuu sheegay in ay xukuumadu dad rayid ah ku toogatay . Mudane Waqaf arimahaas waxa uu yidhi sida tan:

"Waxaa nasiib daro ah khudbadii uu madaxweynu u usoo jeediyey dadka isagoo mudo badan aamusnaa in ay ahayd mid wayd ah oo aan waafi ahayn iyada lafteeduna ay maanta umada u horseedi karto kala qaybsanan iyo xaalad aan loo baahnayn taas oo in ay wax sii shido mooyee aan wax hagajinayn halkii laga doonayey in arimo fara badan uu wax ka qabto oo qaar hadeer tagan yihiin sida nabad gelyo xumada ka jirta Laascaanood ee gobolka Sool Sidoo kale Saaxil oo laftigeedu ay ka jito Magaalda Berbera  Wajaale oo aynu ogayn in laba qof si gardo ah oo badheeh ah lagu dilay oo aan leeyahay ilahay naxariisti jano ha waraabiyo taasna waxaanu u arkaynaa in ay tahay arinta badab galyada wax yeelaysa"

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka Ucid waxa uu sheegay in Riyaale uu sheegay in qurba jogto qaadhaanka ku xiyaan burburinta Somaliland taasoo uu sheegay mudane Waqaf  in aanay qurba joogto gayin arintaas iyaga oo dalka dhisay dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyadaba waxanuu yidhi:

"Iyada oo arimahaas oo dhami jiraan oo ay ahayn in ay xukuumadu ka hadasho sidi ilagu dawayn lahaa ayaad moodaa in ay u tafo xayteen in yidhaahdaan qurbajoogta lacagtan iyo qaadhaankan aad bixinaysaan waxaad ku bixinaysaa Somaliland waxaan ahayn , taasna waxaan leeyahay ma gayaan qurba joogo iyaga oo dalka ka dhisay dhaqaalihiisa iyo nabad galyadii kaalin mug leh ka qaan in maanta lagu yidhaahdo ha ku bixinina lacag burburka Somaliland taas oo anayn ahayd dad burburinaaya ee ay yihiin dad dhisaaya "

Dhinaca kale waxa uu sheegay in madaxda mucaaradku u tafoxaydan yihiin sidii ay Somaliland u iib gayn lahaayeen taas oo uu shegay in ay xukuumadu ka seexatay

"Maanta madaxda muucaaradka ah ee dabada ku galaa bixinayaa waxay wadaan hawshii ay ka baaqatay xukuumada taas oo ahayn in ay aduunka ka dhaadhiciso Somaliland waxay qabsatay iyo kaalintay joogatay iyo waxay uga baahantahay ictiraafka siday uga dhaadhicin lahaayen ayey ugu maqan yihiine uguma maqna dumis iyo kala qayb qaybin "

Waqaf isaga oo ka hadlaaya xukuumada waxa uu sheegay in aanay meel inoo fayaw jirin taas oo uu yidhi masuuliyiinta xukuumada ayaa qayb qaybin wada sidoo kale waxa uu sheegay in cabudhin ay wado xukuumadu dhinaca saxaafada  oo sadex wargays oo maalinle ah looga yeedhayo CID a iyaga oon waxay galab sadeen jirin

"Kala qayb qaybin waxaa inoogu filan masuuliyiintan xukuumada oo baarka la baxay ee aflagaada iyo kala qayb qaybinta beelaha Somaliland iyo dadka siyaasiyinta iyo saxaafadii kala qayb qaybisay oo meel maanta inoo fayow , oo maanta saxaafadi oo ay ka mid yihiin Saxansaxo ,Jamhuuriya, Geeska,intaba maanta la eedaynayo oo looga yeedhayo CID a taasina waxay u muuqanaysaa mid cabudhin ah oo xoriyatul qawlaka iyo qofku waxa uu sheegi karo ay ku cabudhinayaan , taasna waxaan leeyaahy xukuumada iyada kala wad wada qoqob iyo wax yaalahaas wadee waxaan leedahay masuliyiinta xukuumadu ha ka daayeen waxa kala kaxaynaya umada wada jirkeeda iyo mid nimadeeda"

GUDOOMIYE KUXIGEENKA XISBIGA UCID AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) OO WARSAXAAFEED QABTAY FADLAN RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments: