10 January, 2010

Odeyga yidhi"Tanba annagu dabinka umaanu dhigan" Waqtigii xil uu qaran u hayo, looga ducayn lahaa weeye!!


Somaliland 20 sano ayaa kaga lumey, turxaan saarka carqalado iyo colaado ay sababeen  dad waayeel ah oo Cumrigii loo saldhigi jirey Cibaadada ku jira !! Arrinta ay Golaha Guurtida shir-guddoonkeedu dhaqdhaqaajiyeen ee kalliftey in mar labaad uu hinqado , Dadweynihii Caaimadda Somaliland, si awoodeysanna ay isu hortaageen waxa lagu Maluuqayey Golahaas oo nuxurkiisu noqonayayey in raggii ka maxaafsiga dhammaadka Xilka Madaxtooyada ee horeba lixda bilood sida Dastuurka khilaafsan ugu kordhin jirey Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisa ay ku damacsanaayeen in ay Xeer-Hoosaadka Golaha Guurtida wax ka beddelaan inta uu maqan yahay Guddoomiyihii Golahu oo dalka dibdda kg maqan si Guddoomiye Cusub iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha oo isna cusub loo dhaqan geliyo, kuwaas oo "Nacameyn" lagu soo Xulo, Kaddibna mooshin Xil kordhin ah ay odeyaashii tilmaannaa keenaan shirguddoonka Golha , si loogu codeeyo Aqlabiyad samays ah!!
 
Malintii ugu horreysay soo hadal-qaadka sheekadan waxaanu moodney in filim holy-wood ay samayneyso laga hadlayo !! waayo , Golehan, heshiis iyo turxaan bixin ayaa laysku gacan saarey kaddib markii lagu kala qaybsamay , dhacdadaa hore ee sida boobka ah lixda bilood loogu kordhiyey Madaxtooyada  Xilka ay gudan weydey!!. Waxa kale oo Meesha yaalley, heshiis lix qodob ahaa oo ay axsaabta qaranka ,Deeq-bixiyeyaasha, Guddiga Doorashooyinka iyo Bulshada Caalamku wada saxeexeen oo ay qaramada Midoobeyna Dusha kala maamuleysay . Sheikh odhan maayo'e , Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtidu , qodobkan aan kalfadhigan  Golaha ku jirin ee uu soo dhex-dhigey Golaha ee wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Goluhu Xaguu ka yimid, ya ku daray Ajendaha qorsheysnaa ee Kalfadhigan ee uu maalintii la furayey, shir-Guddoonku u qaybiyey Golaha? Tallaabada imika looga fadhiyo Ku Simaha Guddoomiyaha Golahan waxa weeye, Cidda ku dartey qodobkan qaraxa keenay ajendaha? Mar labaadkana in uu fasiro " Annagu tanba , dabinka umaanu dhigan" oo ah qiraal in ay wadeen shiqool ama dabin, haddana aad mooddo in uu iska fogeynayo arrintan kacdoonka Bulsho kentay ee uu dhex fadhiistey!!
 
Haddii aanu jirin sharci Xakamaynaya , hab dhaqanka Mas'uuliinta qaarkood iyada oo uu Dalku Dastuur Maqaar-saar ahaan loo isticmaalayaa jiro, sow Bulshadu sharciga gacanta ku qaadan mayso.? Marka uu Booliska Dalku , Ciidan amar xisbi ku hawlgala noqdo ee uu iska indhotiro , Xorriyaadka asaasiga ah ee Muwaadiniinta , sow in ay iyaga iyo Bulshada ay ku nool yihiin kala fogaan maayaan? Sideedaba shaqaalaha qaranka waxa u yaalla cimri haddii ay gaadhaan aan xil dambe loogu igman karin, tan UDUB cimrigeeda shaqo ma mid "age-proof" ahbaa?!! Ninkan Ammaanada ,qawmiyadnimada iyo Mas'uuliyaddaba dhinc iska dhigey ee "Dabinka ay dhigteen ka hadlaya" waqtigii loo ducayn lahaa waxa hubaal ah in uu Cumri soo dhaafey. Inta uu noocani Magac Dawladeed ku hadlayana, Dalkani wuu shirqoolan yahay!!.
 
Guurtida iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhuba waa in ay ogaadaan in ay Ummadda ka go'an tahay, Madaxweyne aan si xor ah oo Xalaal ah ummaddu u soo doorani in aanu ka soo daahireyn Madaxtooyada qaranka, Ummadduna is-beddel u jihaysatey sida ay labada kacdoon ee kan imiku ugu dambeeyey ay ku muujiyeen. Haddii aanay ajende kale oo ay ku diyaarsadeen, Deegaan aan somaliland ahayn jirin, Ummadda ha kula dhaqmeen Dastuurka ay 97%ka ku ansixiyeen Doorashada xorta ah. Qoladan ka hortimid Iraadada Ummadana waxaanu leenahay , Toobaddu wey furn tahay ilaa qofka naftu ka baxayso, waxbase may taransan aan foolxumo iyo taariikh madow ahayn !!
 
Falkan oo afar jeer oo hore quluul loogu ridey Golaha Guurtida laftiisa oo cod aqlabiyad ah lagu horjoogsadey, ee lagu daro turxaan saarka iyo heshiisiintii Golaha dhexdiisa, soo nooleynta  kala jebinta Golaha iyo Argagixisadan  bar-tilmaansaneysay Sheekh Aadan Siiro laguna dhigey gacanta ilaahay fadligii, iyo kuwa kale ee Dhex maaxaya Caasimadda, saraakiihii shirqoollada lagu laayey ee Ciidanka jiidda hore, Gobollada "rbush badawga iyo Degmooyinka Sawirk ah" ee qorshe la'aanta loo magacaabey, dhoofka Xoolaha lacagta aan dhannaba jirin lagaga qaado neefkiiba maxjarka ee ka maqan khasnadda Dawladda ama foojarradeedaba, Fadeexaddii jeelka ka dhacdey ee Mujrimiintu ku baxsan gaadheen, intuba xidhiidh toos ah ayey leeyihiin !! Somaliland Dadkii xilka loo igmadey wey gabeen , iyaga ayaana ka Mas'uul ah waxan dalka ka dhacaya!! Waa lays ogaadaye, ha is-banbaaniyaan maanta wixii ka dambeeya!! inta ay Doorashadu ka dhacayso.
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed


No comments: