09 January, 2010

Ninkii dabinka Dhigtay Ee Libaaxu u galay wuxuu yidhi anigu tan u...

Ninkii dabinka Dhigtay Ee Libaaxu u galay wuxuu yidhi anigu tan umabaan daban "Sh Axmed Sh Nuux Furre"
 
news image Hargeysa (RH)  Shirkii golaha guurtida ee la filayaayey in uu ku bilaabmo jawi aad u kulul ayaa noqday mid aad u dagan kadib markii ay kulamo gooni gooni yeesheen shirgudoonka guurtida iyo xubnaha koomishanka dooraashooyinka qaranka Somaliland.

Kulanka saaka ayaa waxaa gudoominaayey ku simaha gudoomiyaha Sh. Axmed Sh Nuux Furre.

Waxaana si weyn golaha usoo buux dhaafiyey xildhibaanada golaha guurtida iyo marti sharaf kale oo ka socday wakiilada iyo bulshada ra'yidka ah.

Kulanka ayaa ku furmay hadalo murti ah oo ka soo burqday markiiba Sh Axmed Sh Nuux Fure, eryadaasi oo u muuqday guul daro ku habsatay ajandihii qarsoonaa ee la filaayey in saaka la meel mariyo.

Gudoomiye Furre ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii uu ku furay shirka " Shirku waa salaaman yahay, saaka maan filayn in la yidhaahdo golahii qalaase ayaa ka taagan, hadiise ay sidaas u dhacday waa ilaahay qadarkiisa. Nimanbaa bari yidhi " Dabinbaanu meel dhiganay kadibna waanu ka hooyanay, markii waagi baryey ayey dabinkii ku soo kalaheen kadibna waxay ugu yimaadeen libaax ku jira dabinkii, kadibna waxay yidhaahdeen waar yaadhaheen umaynaan daban waxan meesha inoo galay"

Hadalkaasi kadib waxaa mar kaliya golahu isla oogsaday qosol iyo qaylo ka dhana maah maahda Sheekh Furre oo u dhacaysay in uu ku guul daraystay qorshihii lagu badalaayey guddigii joogtada ahayd iyo wax kabadalkii xeer hoosaadka guurtida.



Mar kale isaga oo ka hadlaya arrinta guurtida hor taalay waxa uu yidhi

"Inagu waxaynu nahay golihii guurtida, golaha guurtidana laga filimaayo in uu khilaaf dhex maro, hadiise qaar inaga midihi warbaahinta mariyeen in khilaaf jiro waxaan leehayay waar inaga ayaa dhamaysan doona wixii dhexdeena ah, arrintanina waa arrin shirgudoonka ku eeg, markaa waxaan idin leeyahay anaguna shir gudoon ahaan dib ayaanu isugu noqonaynaa, golahana waxaan leeyahay waar idinku gole weyno buuqa iyo mushkilada inaga yareeya.

Intaasi kadib waxaa insa hadalkii lagu wareejiyey gudoomiye ku xigeenka labaad ee guurtida waxaanu hadalkiisii ku bilaabay

" waxaan idinka waramaya in aanu jirin wax khilaafa oo imika golaha ka taagan, hadii laga tagi waayo waxaa jirta hawl ku eeg shirgudoonka oo aanu goluhu la qabin, waxa weeye ilaa 1993-kii ilaa iyo maanta guddi hoosaadka guurtidu waxa uu soo maray maraaxil kala duwan oo guddi hoosaadka xildhibaanada guurtida layskugu bad badaaayey"

Gudoomiye ku xigeenka labaad ayaa intaasi ku daray in aan xildhibaana awood u lahayn in uu iskii u doorto guddiga uu galaayo, waana arrin u taal ayuu yidhi shirgudoonka guurtida.

Isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey

"Hadeerna waxaan idinleeyahay waar golow arrintani waa arrin shirgudoonka u taala ee arrin golaha u taala maaha, anagu shirgudoon ahaan ayaa kula qaybsan arrinta, waxaana lasyku muquuninayaa waa awoodaydii shigudoon, markaa inta aanu anagu isla meel dhigayno arrin waa in idinkuna aad xamaasada ka daysaan golaha"

Intaasi kadibna kusimaha golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay in shirku xidhan yahay laga bilaab maanta inta aynu dib isugu imanayno".



Studio-ha 2-aad Ee Radio Hormuud
Siciid Awil Axmed Xajiin
Hargeysa/Somaliland
Cawil.siciid@gmail.com



--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 1/09/2010 03:45:00 PM

No comments: