Afar iyo labaatanka saacadood ee loo qabtey sharikadda indhodeero inay ku joojio mashruuca ay Maxjarka ku dhiseyso, oggolaanshaha dhoof ee Xoolahana looga hayo Sucuudiga , oo Bulshada shaqada la, dakhliga Dalka iyo koboca tayada nololeed ee Bulshada Berbera dan weyni ugu jirto, iyo weliba Gobolk Saaxil gaar ahaan, wax macno ah oo qawmiya ma laha ee waa mashruuca Maxjarka Carabka lala wadaago , buugaagta dakhliga qarankana laga waayey $7.5ka neefkiiba laga qaadey ,xoolihii dhoofey oo meel ay mareen lays weydiinayo, Guddiga dhaqaalaha ee Wakiilladuna k sugayaan wasiisrka beryahanba ka muuqdey T.vga ee u ololeynayey sharikadda Al-Jabiri ee Carabka in aan laga ag furin Mxjar kale!! monopolyna uu ku haysto , waana arrin aan waafaqsaneyn Dastuurka qaranka Somaliland ee aynu Dawladda ku nahay. Arrintan Berbera ee Maamulka Dalku sida qaladka ah u wado, Goleyaasha sharci-Dejintu haddii aanay si Degdfegh ah uga hawlgelin, waxay keeneysaa dhibaato iska horimaadyo iyo qas aynaan u baahneyn, wx kallifaya oo aan dano ashkhaaseed ahaynna jirin. Dawladda cashuur ayaa ka soo geleysa Mashruucan, Bulshada reer Berberana shaqooyin ayay ka heleysaa, Ganacsiga iyo shrikadaha lacagtana dakhli iyo xarako dhaqaale ayaa ugu jira. Is-hortaagga Mashruucnu , dhinc kale marka laga eego, waxa uu suurad xun oo cunsuri ah ka bixinayaa Maamulkan Bulshada ku kala qaybinaya Gobollada ay halganka hubeysan, wadajirka ugu xoreysteen, ee Meel keliya oo aanay ku wada dhiman , ku wada dhaawacmini jirin!! Hddii ay reer hargeysa ka sheegtaan Dalka Caasimadda oo reer Berbera ka sheegto Bulshada Berbera, sidee ayey Dawladnimo u jireysaa? Waxan Maamulku wado, maaha xikmad waayeel ka socota ee remote control wax lgu hagayo ayuu u eeg-yahay !! Wixii isku-dhac ama dhibaato shakliga ay doontanba ha lahaadee, ka dhasha is-hortaagga aan wax sharciya ku dhisneyn ee Mashruucan Muwaadiniintu maalka gashatey, iyo mustaafiriska lala maaggan yahay injineerrada wadey Mashjruucani , waa mid ay Mamulka UDUB iyo Mas'uuliintii loo adeegsadey fulinta arrinkani Mas'uul ka noqonayaan "liabilities"kiisa. Waxa Alle mahaddii ah in ay mas'uuliintii Xisbiyada qaranka ee Mucaaridka ah, barafkan Aduunkii wareeriyey uu ka horjoogsan waayey in ay Albaabada Dawladaha waaweyn u garacaan Aqoonsi radiska Somaliland iyo Dibudhiska, halka ninkii u xilsaarnaa uu khilaafka Golaha Guurtida iyo siyaasadda kala firdhinta Bulshada ee Goboleysiga ku dhisan ka Maamulayo. Weedhii Gud. Gobolka Caasimadda, Wagladan Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Maxjarka labaad, iyo weedhii Kol. Saqadhi ee uu ku daadifeeyey amarka Guddoomiyaha Golaha Guurtida , ku simihii-Guddoomiyhana yidhi waan maqlayaa, lagu daro hadallada deelqaafka iyo gefka ah ee Xisbiga Udub oo rafanaya, ka burqanayey beryahanba, waa siyaasad Maamul oo nasiib darro Mas'uuliin Dalka ah loo adeegsanayo. Waqti yar ka dib, tiniinte aboko wuu tegiye, raggan xiiqsan iyo Xumaantan ay u dhiganayaan Bulshada yaa kala furfuraya hadhow, illeyn xumbo noqon mayno oo gudhi meynee !!? Hagoog-Xume yeelkadiisee, Cadceedda Dawladnimo ee dhoosha la soo Baxdey, UDUB in aanay gacanta ku demin karin, Doolar ma garatada iyo inta gacan-saarka , wax ku maqasha lagu rusheeyona Dawladnimo hoggaankeed ma hayso. Waa muteysi Madaxnimo waxqabad loo halgamo, magane weeyaane, Maxad qabatey Udubey, illeyn maad muteysannine!! Haat Burhaanak. Dr. Cali Cabdi Muxumed. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
19 January, 2010
Maxjarka labaad ee Berbera, waa danta Dalka. Is-hortaaggiisuna waa dhaqaale la dagaallanka Dalka!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment