Hargeysa - Laba qof ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Booliska ee Magaalada Wajaale toogteen xalay, taas oo keentay in ay dadweynaha ku dhaqani magaalo-xuduudeeddaasi ay maanta isu-soo-bax ka sameeyaan Magaaladaas.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya, labadan qof oo Wiil iyo Gabadh ah ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Boolisku xalay Rasaas ay ku fureen Gaadhi ay saarnaayeen, taasina waxay sababtay inay labadooduba dhintaan.
Dadweynaha ku dhaqan Wajaale, ayaa arrintan maanta kaga jawaabay isu-soo-bax ay cabasho kaga muujiyaan, waxaanay socod ku marayeen Jidadka Magaaladaas. Iyaga oo wararku intaa ku dareen in meelaha qaarkood ay shiideen.
Maaha markii u horraysay ee Ciidamada Somaliland Rasaas ay rideen ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan, hase ahaatee, waxa sanadkii u dambeeyay ee 2009 dhammaadkiisii Ciidamada Booliska Hargeysa rasaas tan la mid ah ku dileen 3 dhalinyar ah oo isu-soo-bax ka qayb qaadanayay.
No comments:
Post a Comment