12 January, 2010

Maxaa ka jira wararka sheegaya in xilkaqaadis ay ku soo socoto Badhasaabka Awdal Maxamuud Cir

Maxaa ka jira wararka sheegaya in xilkaqaadis ay ku soo socoto Badhasaabka Awdal Maxamuud Ciro

SAYLICIPRESS-Todobaadkii u  dambeeyay waxa isa soo taraya wararka sheegaya in uu Madaxwayne Rayaale damacsan yahay in uu xilka qaaadis ku sameeyo mid ka mid ah badhasaabada ugu cimriga dheer ee ka taliya gobolada Somaliland kaasi oo ah badhasaabka Awdal Maxamuud Cbdilahi Cige -Ciro oo mudo 8 sano ah soo hayay xilka.

Wararkan oo ah kuwo yaala suuqyada magaalada Boorama ayaa ah kuwo carabka u badinaya in badhasaabka ay ku soo socoto xilka qaadis oo sii ogyahay ka dib markii ay isaga iyo Rayaale xurgufi ku kala dhex martay qaabkii uu u maareeyey Badhasaabku salaadiintii dhawaan booqatay Saylac ee ka soo horjeeday damaca dhulboobnimada ah ee uu caadaystay baryahan dambe Madaxwayne Rayaale.

Waxa kale oo ay wararku sii odorosayaan dhawr nin oo ay suurta gal tahay in lagu badali karo Maxamuud Ciro kuwaasi oo iyaguna ah qaar ay aad isugu dhow yihiin qoyska Rayaale. Dadka badidiisa ayaa waxa ay carabka ku hayaan in ay suurto gal tahay in lagu badalo Maxamed Xasan Mataan oo ka soo jeeda Beesha Madaxwaynaha ahna qurbo jog hawl gab ah oo ay aad isugu dhaw yihiin qoyska madaxwayne Rayaale kuna can baxay in uu naftiisa iyo maalkiisaba u huro difaacida danaha shaqsi ee Rayaale.
Qofka labaad ee badi dadku ay carabka ku hayaan ayaa waxa uu yahay  Maxamad Jibriir Faahiye oo ka soo jeeda beesha Marwada Madaxwaynaha horana badhasaab uga soo ahaan jiray goblka Awdal iyo Saaxil, inkasta oo ay dad badani aaminsan yihiin in Maxamed Jibriir Faahiye uu yahay nin wax qabad lagu xasuusto mudadii uu gobolkan maamuli jiray ayaa hadana waxa jira saadaal xumo laga qabo magacaabidiisa taasi oo ku salaysan in Beesha Rayaale oo looga bartay in ay wax walba dhinaceeda marsato aanay raali ka ahayn magacaabistiisa, isla markaana aanaysuurta gal ahayn in loo magacaabo nin kale oo ka baxsan Xayndaabka Beesha Jibriir oo laga filo inuu cadaalad iyo dhexdhexxxdnimo la yimaado.

Xaalku sida uu doono ha noqdee wararkani waa kuwo daadsan meel walba oo suuqyada Boorama ah waxana ay ku soo aadeen waqti uu aad u xun yahay caafimaadka Maxamuud Ciro oo ay dadka qaar aaminsan yihiin inay suurto gal tahay in uu isagu caafimaad ahaan uga codsaday Rayaale in xilwareejin uu ku sameyo.

XIG: Saylicipress

No comments: