12 January, 2010

Fadeexad Iyo Musuqmaasaq Ka dhashay SafarAgaasimaha Guud ee Maaliyadu ku Tegay Burco.

Fadeexad Iyo Musuqmaasaq Ka dhashay SafarAgaasimaha Guud ee Maaliyadu ku Tegay Burco.

 Burco  – Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Md. Axmed Daa'uud Geeddi, ayaa xilkii ka qaaday madaxii iyo khasnajigii xarrunta cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadu ku leedahay magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer. Xilka qaadista labadan masuul, ayaa sida ay Jamhuuriya xalay u xaqiijiyeen ka dhalatay, kadib markii ay agaasimaha guud weydiiyeen cashuur sannadeedkii macaashal-macaashka ee ku waajibtay hudheel iyo dhismayaal uu ku leeyahay magaaladda Burco, arrintaasi oo sida la sheegay qayb ka ah fadeexadaha musuqmaasuq ee ka dhashay safar agaasimaha guud ku tagay Burco.

Waxa kale oo Agaasimaha guud ee maaliyadu ku hawlan yahay qorshe xarrunta wasaaradda maaliyadda ee magaaladda Burco loogu kala qaybniyao bari iyo galbeed, taasi oo buuq iyo sawaxan ka dhaliyey magaaladda, iyada oo dadweynuhu ka cadhoodeen qorashaha lagu kala qoqobayo dadweynaha waalalaha ah ee ku wada nool magaaladda Burco.

Talabaadan oo  dadweynaha iyo waxgaradka Burco si weyn uga horyimaaddeen oo ka  biyo diideen, ayaa waxa xiisada cirka ku sii shareertay ka dib markii agaasimuha amray in la labanlaabo cashuuraha macaashal-macaashka ee laga qaado goobaha ganacsiga yaryar illaa meheradaha waaweyn ee ganacsiga, go'aankaasi oo uu ilaa hadda ka taagan yahay buuq badani, iyada oo dadku isweydiinayaan sababta agaasimuhu cashuuraha ugu kordhiyey ganacsatada, masuuliyiintii meheradiihiisa cashuurta waydiiyeyna uu xilka uga qaaday.

Fadeexadaha waaweyn ee hadheeyey agaasimaha muddadii uu joogay Burco,ayaa lagu sheegay inay ka mid tahay markii uu xilkii  ka qaaday madaxii cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda ee magaalada Burco, ka dib markii ay masuuliyiinta cashuuraha berrigu weydiiyeen cashuur sannadeedkii macaashal-macaashka ee hudheel iyo dhismayaal uu agaasimuhu ku leeyahay magaalada Burco ku waajibtay sannado badan, taasi oo keentay inay galaafato madaxii ama masuulkii cashuuraha berriga oo isaga loo aaneeyey inuu bixiyey amarka cashuurta lagu weydiiyey hudheelka iyo dhismayaasha kale ee ganacsatadu leeyihiin.

Agaasimaha guud ee maaliyadda oo arrintaasu aad u cadho gelisay ayaa si gudoodi ah kaga soo dhaqaaqay magaaladda Hargaysa, isaga oo subaxnimadii Sabtidii toddobaadkan ku waabariistay magaaladda Burco, waxaanu islamarkiiba xilka ka xayuubiyey labada masuul oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda qaybta cashuuraha berriga ee Togdheer.

Inkastoo arrintani fajac iyo yaab ku abuurtay dadweynaha magaaladda Burco, balse waxaa kale oo la sheegayaa in saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo iyagu hore ugu sungnaa magaaladda intii aanu iman agaasimuhu, ay ka sii shaqeeyeen kala qaybinta xarrunta wasaaradda maaliyadda ee Burco iyo eriga masuuliyiintan xilka laga qaaday, taasoo la tilmaamayo inuu agaasimuhu u soo xambaariyey qorshahan ay ku hawl galayeen saraakiishaasi.

Tallaabadan kala qaybinta magaaladda Burco, ayaa noqonaysa tii labaad ee xukuumaddu ku tallaabsato,iyadoo sannadkii horena taliyaha guud ee ciidanka booliska Maxamed Saqadhi Dubad laba qaybood u qaybiyey magaaladda, islamarkaana u magacaabay laba taliye qaybeed oo boolis ah,  taasoo weli uu taagan yahay buuqii iyo buuqii ka dhashay, isaga oo saamayn weyna uu ku yeeshay degganaansha magaaladda. Bulshadda Burco, ayaa Agaasimaha ku sifeysay inuu yahay astaan u taagan musuqmaasuqa tan iyo dawladdii Siyaad Barre, islamrkaana yahay baraha madaw ee sida weyn uga dhex ifaya Musuqmaasaq ragaadiyay goobaha dakhliga ee Somaliland.

Waa markii labaad ee masuuliyiin ka tirsan cashuuraha barigu xilkooda ku waayaan weydiinta agaasimaha guud cashuuraha maacashal-macaashka eek u waajibtay dhismayaasha uu ku leeyahay magaaladda Burco, iyada oo bishii November 2006, xilkii laga qaaday maamulhii iyo xisbaabiyihii cashuuraha bariga gobolka Togdheer, kuwaasi oo agaasimaha weydiiyey inuu iska bixiyo cashuuraha ku waajibtay dhismayaashiisa.  La Soco Warbixino kale oo daaha ka Rogaya Musuqmaasuqa iyo Wax is dhaafinta Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliayada Somaliland Mr.Axmed Daa,uud,Iyo Fadeexadii uu kala kulmay Magaalada Burco…

Kayse Axmed Digaale

Kdigale@yahoo.com

Burco.

No comments: