19 January, 2010

Madaxweynaha oo ka hadlay khilaafka Guurtida, Doorashooyinkaiyo eedo ay Mucaaradku u jeediyeen

Madaxweynaha oo ka hadlay khilaafka Guurtida, Doorashooyinkaiyo eedo ay Mucaaradku u jeediyeen

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka hadlay ku-talo-galka Xukuumaddiisa ee Doorasho dalka ka dhacda iyo eedo ay Axsaabta Mucaaradka ahi u jeediyeen Xukuumaddiisa. Waxaanu baaq u jeediyay Golaha Guurtida.

Madaxweyne Rayaale oo maanta Shir-jaraa'id oo loo diiday Warbaahinta Shabakada Wararka ku qabtay aqalka Madaxtooyada, ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo Doorasho ka dhacda Somaliland iyo sida waxa u qorshaysan Xukuumaddiisa. "Hadalladii ahaa in aanay Xukuumaddu diyaar u ahayn Doorasho dalka ka dhacda way dhammaatay, waxaanay ku egtahay maalinta ay Komishanku u cayimaan, ninkii war dambe ka keenana waa nin ujeeddo leh. Xukuumaddu waxay sugaysaa maalinta ay Komishanka Doorashadu cayimaan." Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale wuxuu jawaab ka bixiyay eedo ay Axsaabta Mucaaradka qaar ka mid ahi u jeediyeen Xukuumaddiisa. "Waxa ayaan-darro ah in rag Mucaaradka ka tirsani ay Dawladda ku eedeeyeen in ay ka dambaysay Qaraxyadii dalka ka dhacay, dawladdu iyadaa baadha ee kama dambayso Qaraxyo. Waxaanan ugu baaqayaa dadweynaha inay feejignaadaan." Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Rayaale wuxuu ka digay khataro Somaliland kaga soo wajahan Koonfurta Soomaaliya iyo qalalaasaha ka socda, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay meel uga wada-jeestaan sugitaanka amniga iyo inay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska. Waxa kale oo waxyaabaha uu ka hadlay ka mid ah khilaafka ka taagan Guurtida oo uu dedafeeyay inay Xukuumad ahaan gacan ku leeyihiin, waxaanu shirguddoonka Guurtida u jeediyay inay dhexdooda khilaafka ka jira dhammeeyaan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: