19 January, 2010

HARGEYSA OO XAAL SIISEY BURCO…W/Q:ISAAQ AHMED JAMA


HARGEYSA OO XAAL SIISEY BURCO…W/Q:ISAAQ AHMED JAMA


ina AAR iyo ina DHIDAR waa laba nin oo saaxiibo ah oo ukala dhashey gobolada togdheer iyo maroodijeex ,waxay mudo badan wada ahaayeen deris oodu ukala rogantahay ,waxaana ay ahaayen ganacsato kaganacsata qaadka ilaa iyo horaanti 1970kii waxaana ay markii danbe ku bedesheen xidhiidhkii saaxiibtinimo mid xidid kadib markii ay isuguuriyeen labadoodii caruur aha ee ay ku curteen ,balse marwalba waxa ay yihiin saaxiibo sicaadi ah ukaftama ,waxa ay ku kulmaan maqaaxi ay ka shaaheeyaan labada gelin iyo fiidka hore kuna dhageystaan idaacadaha iyo televisionada,balse beryahan danbe waxa ka xoogweynaadey caadadoodii iyagoo kala taageera labada xisbi ee udub iyo kulmiye,inkastoo aaney ka madhneyn dhanka ciyaaraha oo ay kala taageeraan kooxaha mancherster united iyo chelsea,waxaana ay marwalba fooda isku daraan dhinacwalba oo ay xamaasadu u dhaxeyso.

INA DHIDAR; waar ina aar subax wanaagsan,oo waa maxay joornaalkani? bal noo dhiib oo maxa ku qoran? balse maxaad la qufaceysa ma dureygi doofaarka ee gaalada leyn jirey baa kugu dhacey?
INA AAR; waar wax durey ka daranbaa na hayee ,bal joornalkan eeg soo nin la yidhi waa badhasaabka gobolka hargeisi verus nagumuusii deyn mar hadii uu yidhi reer burco uma qalanto kursiga golaha guurtida …. cajiib
INA DHIDAR; bisinka waar malaa muu odhan ,oo joornalkani waa kii xilima? bal ii yara kaadi aan akhriyee .

JORNAL;  " waxaney hargeisi caado ulahayn baa beryahan danbe nagu soo kordhey nimanka mindiyaha,bilaawayaasha,tooriyaha,budhadhka iyo faashashka sitaa dhamaantood waa reer burco bari bey kayimaadeen ,saleebaan baa burco kayimi nimanka kale baa burco kayimi ,ee waxaanu leenahay reer burco dad wacan wey leeyihiina hanagasoo bedelaan oo niman wacan hanookeenaan oo bahasha hanaga baandheeyaan,markii ay hargeisi golaha maamuleysey wax isqabsada iyo wax ismaaga toona meylahayn ,ina shiikh madar baa hogaaminaayey ,xaaji cabdiwaraaba hogaaminaayey ee waxaanu leenahay reer burco noo keena niman kuwaas lamid ah oo hanaga daayaan dumarkayaga iyo caruurtayadan ay leeyihiin hayaay waanu ishaynaa ee noo soo gurmada ".
INA DHIDAR ; subxaanalaah waar ninka waxaas ku hadley ee reer burco iyo reer haygeisa oo ul iyo diirkeed ah sidaas ukala fogeeyey dee waanu ahayn nin xilhaya iyo nin masuul ah ee malaa waa sheydaan .

INA AAR; Iga walaa baanu ahaynee waa wixii uu riyaale soo urursadey ee uu yidhi gudoomiye iiga noqo gobolka hargeisa ,ee waxaan leenahay hadaanu reer burco nahay riyaale mar hore ayaanu kala goosaney xidhiidhkee reer hargeysaay miyeydaan wiilkiina cidi ag joogin markii uu waxaas ku hadlaayey , markii danbena miyaa la waayey odey ka hadla oo yidhaahda "xaalbanu idinka siiney" ee hadii aydun sidaas yeeliweydaan wey inoo kala dhamaatey ee sidii aad yeeli lahaydeen so tashada.
INA DHIDAR; waar horta xaalbaanu idinsiiney cumaamadeydiina waanigaas ku saarey ee bal wixii aad ku samri lahaydeen noo sheega,wiilkaasyarna si dhakhso ah baanu wax uga qaban doona maanta wixii ka danbeeya cid uu xil u hayaa majirto .
INA AAR;horta waan kaa gudoomey xaalkaas aad bixisey ,balse waxaan dib ugu yara noqonayaa sooyaalkii taariikheed ee burco mar hadii uu yidhi burco umaqalanto ,waxaan doonayaa inaan weydiiyo yarka layidhi waa badhasaab inuu iiga jawaabo su aalahan.
ma ogtahay in dagaalkii 1977 kii ee u dhaxeeyey xabashida iyo somalida markii hargeisa diyaaradaha lagu duqeynaayey iney burco cadhootey oo tidhi maxaa anigana lay duqeynwaayey mar hadii walaashey hargeisaba la duqeeyey?

ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn abwaan u dhigma hadraawi?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn maalqabeen u dhigma indha deero?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn xawaalad u dhiganta dahabshiil?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn suldaan udhigma suldaan diiriye?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn hudheel ka cunto wacan shamaxle?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn daar ka dheer fooqa ilma faduul?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn madaxweyne u dhigma tuur?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn geesi la mid ah lixle?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn weriye u dhigma cabdisalaan hereri?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn derawal udhigma cali been darawal?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn biyo ka macaan maaxda?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn cenimo u dhigma ka nigiroo?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn maqaaxi ka shaah macaan shaahshiil?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn kabadh qaad oo udhigma ma daney?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn carwo ka quruxbadan carwo khayraad?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn wershad u dhiganta ileys?
ma ogtahay inaaney hargeisi lahayn webiga burco oo kale?
ma ogtahay iney burco tahay hooyada somaliland?

INADHIDAR;ilaaheybaan kugu dhaariyee halkaa ku joogi waanu ognahay haybada iyo milgaha ay burco leedahay ee fadlan ha cadhoon sheydaanba cadhoodee oo xaalkana naga gudoma noona sheega wixii aanu idin siin lahayn oo aanu idinku samirsiin lahayn.
INA AAR; horta sidii aan hore kuugu sheegey waan kaa gudoomey ee waa inooyo dooxa burco iyo idinkoo noo wada wixii ay reer burco ku caanka ahaayeen.
INA DHIDAR; horta nimankiinan reer burco waxaad caan ku tihiin geela markaas waxanu idin siiney 60,000 oo geela iyo 600 ee baarqub 60 gabdhood oo gashaanti ah 600 oo kilo miter oo square ah oo ah dhul banaan oo aad degtaan iyo weliba inaanu idiin codeyno doorashada si aad ugusoo baxdaan kursiga madaxweynaha ee aad baadigoobka ugu jirtaan,balse su aalbaa ah inlen dee reer burco wey badanyihiin sideebeydun u qaybsaneysaan?.

INA AAR;waar sharci iyo qaanuunbaa nooyala markaas beesha galbeedku waxay yeelaneysaa 20 gabdhood 250 km/square oo dhul ah iyo 40% oo ku qiimeysan geela,beesha bariguna waxay leedaha 20 gabdhood 170km./square oo dhul ah 37% oo ku qiimeysan geela beesha waqooyiguna waxay leedahay 10 hablood 90km/square oo dhul ah 12%qiimaha geela ,beesha buuhoodle waxay yeelaneysaa 5gabdhood 40km/square 6% qiimaha geela ,beelaha laga tirada badanyahayna waxay leeyihiin 5 gabdhood 50km/square qiimaha dhulka 5%qiimaha geela ,waana sharcigii aanu isla qaadaney shirweynihii 19……

alaa mahad leh ee halkaas ha inoogu joogto maanta waana inoo iyo todobaadka xiga hadii eebe ka dhigo by isaaq

isaaq ahmed jama
oslo,norwey
isaaq83@hotmail.com



--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 1/19/2010 04:11:00 PM

No comments: