14 January, 2010

KU : JENERAL NUUX TAANI IYO JENERAAL SAQADHI DUBAD....

KU : JENERAL NUUX TAANI IYO JENERAAL SAQADHI DUBAD.......
Cumar Daarood Xassan

Gudoomiyaha Guud Nordic – UCID

Ku / Jeneral Nuux Taani iyo Jeneral Maxamed Saqdhi Dubad

Ku /ciidamada qaranka milatari iyo boolis ba

Mudanayaal marka hore waan idin salaamaya waxan idinku salaamay salanta islaamka o ah aslaamu calykum, salaanta ka bacdi waxad la wada socotan marxalada adag ama xaalada qalafsan ee u maanta ku suganyahay dalkeenu, runtiina marna daah idinkama saarna khilaafyadda siyaasadeed ee ka dhex ALOOSAN dawlada iyo mucaaridka oo ad moodo in ey dawladu dibu gurasho rabto in ey ku sameyso heshiiskii 6 qodoba ka kooban ee loogu soo afjaray khilaafkii sanadkii hore, somalidu waxey tidhaahda KUR WAAYEEL WAA WADA INDHO waxa runtii inoo cadeynaya dibu gurashadaasi ay dawladu wada afcaasha ey dawladu ka dhex wado golayaasha qaranka o haatan burbur iyo khilaaf siyaasadeed u dhex MIRANAYO o ad si fiican ula soctan shacabkuna og yahay cida ka danbeysa ee dhabarka soo taabatay shirgudoonka golaha gurtida.

Waxakaloo ad la socotan cadawga badan ee eynu leenahay ee maanta inoo soo dhibi lisanaya ee doonaya inuu maruun goldaloonyinkeenna ka faa'iideysto ee runtii ilqoodhaasi inaga daalacanaya islamarkan inaga daawada habeen waliba UniveralTV iyo mareegaha caalamka, waxad iyan la socotan xaaladaha adag ee maanta madaqadu ku sugan tahay o u caalamka odhami il gaar ah ku eegayo haddii ey tahay budhcad badeed iyo haddii ay tahay islaamiyinta xagjirka ah ee maanta ku soo badaneyan madaqadan eynu ku sugan nahay, iyo dawlada tamarta daran ee caalamku ictiraafsan yahay islamarkan u sacabinayaan kuna sheegayan dawlada soomaliyeed o dalka odhan ka talisa taaso runtii ah mid an waxba ka jirin o nasiib daro ah. Waxa runtii nasiib daro ah inuu  caalamku ictiraafo dawlada ku sugan madaxtooyadii xamar o ah 2kmt oo isku wareega ah, runtiina waa nasiib daro inuu caalamku maanta  indhaha ka qarsado JSLand oo maamuleysa xuduudaha inoo dhexeya dawladaha inagu xeeran ee eynu jaarka nahay Itoobiya, Jabuuti iyo somaliya.

Intooso dhibaantooyin ihi waa kuwo ku xeeran JSL oo runtii loo baahan yahay inaad waxbadan ka qabatan o ad gudatan waajibaadkiina iyo hawlaha nabadgalyo ee la idin igmaday, runtii ciidamadu waa lafdhabarka sugida nabadgalyada dibad iyo gudaba, waxa mar walba waajib ah maadaama eynu qaadaney nidaamka dimuqradeyda ku saleysan inaad iska ilaalisan adeegsiga maamulka maanta jira o ad ka feejinaatan inaad cadaalada iyo waajibaadkiina ka leexatan.

Maanta waxanu idin ka baahan nahay haddii anu nahay axsaabta mucaariidka ah iyo taageerayaashooduba inaad nabadgalyada iyo cadaalada ilaalisan o eydin noqon ciidamo la adeegsado oo wasiiro iyo maamul amar siiyo. Waxanu u baahan nahay inaad ka qeyb qaadatan sidii loo soo gunaanadi laha iney dalkeena ka dhacdo ama ka qabsoonto doorsho xor o xalaal ihi, hawlaasi doorashada ku saabsani waa muhiim inaad ka qeyb qaadatan o ad muxaafid iyo mucaaridba ku dhiiri galisan iney dalka ka qabsoonto doorasho, haddii ey doorasho dhacdo waxa hubaal ah in ciidmadu yeelan doonan yool iyo niyad sami ey dalkooda ku difaacan islamarkan nabadgalyada sugan doonan gudo iyo diba ba.

Haddii an inyar dib ugu noqdo habdhaqanka ey leeyihiin ciidamada wadamada hore u marey ee eynu higsanaynaa, runtii waxey hormood ka yihiin ciidamadoodu cadaalad, difaaca dalka, nabadgalyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka o ey marwalba iska ilaaliyaan in aney ku xadgudbin muwaadinta ama shacabkooda, waxanu haddaba idinka baahan nahay inad qadarisan qodobadaasi o ad noqotan ciidamo shacab, axsaabta iyo dawlada ba u adeega o cadaalada iyo nabadgalyadaba suga, haddii habdhaqankaasi wanaagsan la idinka waayo waxad u biyo shubaneysan ciidamo digtaaro u adeega o an qaranka habayaraate u hiilin, waada la socotan maalmihii xanuunka badan ee u Siyaad Bare ciidamada u adeegsan jiray shacabkiisa iyo dhibaatooyinkii ey geysan jireen, waxan idin rajeynayaa in eydin noqon qaar sidaasi u dhaqma e noqda kuwo cadaalada suga iyo nabdgalyada oo shacabka u hiiliya.

Waxan ku soo gabagbeynaya qoraalkeygan fariintaasi an u dirayo ciidamada nabadgalyada gudo iyo dibad suga ee ah milatari iyo boolisba iyo labad hogaamiye mudane Nuux Taani iyo mudane M. Saqadhi, oo an leeyahay waxanu idinka baahanahayCADAALAD ,DHEXDHEXAADIMO IYO INAD FEEJIGNAATAN O AD ISKA ILAALISAN ADEEGSI GARAB

Guul somaliland

Cumar Daarood Xassan

Gudoomiyaha Guud Nordic – UCID

No comments: