14 January, 2010

Guurtidu Murankan aan sababta lahayn ey alooseyso, Kiiska dhgarta ah ee Laas-Caanood ayey dadka kaga jeedineysaa 00 Wanan waaweyn Badka keenaya!!

Ereyga,Bulsho iyo gacantaag ma garadka dadka oo la soo ururiyey, wax ma ridi karaan, waxa loo ham iyo dig leeyahayna waa , wax aan suura-geleyn, Mujaahid Saleebaan Maxamuud Aadan oo Dalka ka maqan, Fasax rasmi ahna ku baxay isaga oo Guddoomiyihii Golaha Guurtida ah welina ah, sheekadanu waa mid inqilaab ah oo Mas'uul maqan sabab sharciya oo waajibineysa xil ka qaadkiisuna jirin lagula kacayo, waqti uu Dalku u fadhiyo Doorasho xor ah oo xalaal ah oo saddexda musharrax ee Jagada Madaxweynnimada u tartamayaan ay ku kala badiyaan, heshiis adduun-weynuhu goobjoog ka ahaana leh!!
 
Waxa uu Golaha Guurtidu sidan ku jideynayaa in ay Somaliland Bari iyo Galbeed u kala dhaqaaqdo beelo ahaan, illeyn beelo ayeynu wax ku qaybsanaye. Mas'uul waa laga qaadi karaa xilka , waxase shardi ah in uu goobjoog yahay, wax lagu qanci karaana sababo xil ka qaadkiisa.!! Iyada oo Bulshada Somaliland qaraxyo Gudaha laga maleegayo ay gumaad ku hayaan , wasaaraddii u xil saarneydna ay ka qidhim tidhi, rggii waqtiyada doorashada khilaaf abuurka u buseyli jirey , inay ku riyoodan, inqilaabkan oo laf cunaha aan u dhaafeyn noqonaya, waa mid ay ku khaatumo xumaysanaayaan, warqadda ay wax ku qoraanna aan geesnaba u dhaafeyn.
 
Dalkani waxa uu noqonayaa mid Doolar lagu iibsado ama mid ay ummad ilaa lixdankii ummadda lehi qaali iyo raqiiba u hurtey oo afartameeyahan afku ka dheereeyey jid baa looga sameyn doonaa. Xaabsade oo dhawr sano ku heystey Laas-Caanood , shirqool ka dhexeeyey isaga iyo Riyaale isaga oo ahaa Wasiirkii Amniga Gudaha ee Maamulka Budhcad Badeedda Puntland, maantana aragtida Madaxtooyada ka muwaadinsanaadey Mujaahid Saleebaan Maxamuud Aadan, Bulshada ayaa kala xukumi doonta .
 
Riyoda ah, Guddi hoosaadyo nacamle-yaala ha la sameeyo oo sacab ugu jadiidiya Riyaale Xilku waa intixaar Siyaasi ah oo ay UDUB hoggaankeedu riyo ku arkeen. Waaqica Dalka yaallana waa, Bulshadu wax aan ahayn Madaxweyne Doorasho Xor ah oo xalla lagu soo doorta mooyaane in aan cid yeelan karta awood ay xil ku jadiidin kartaa jirin.
 
dhubuq-dhubuq hore dhabanna hays dambe ayey leedahay ee aan eegno uureysataye waxay umuli doonto !!!!
 
Dr. Cali Cabdi muxumed

No comments: