30 March, 2009

Xubnihii u Fooday Moddo Kordhinta iyo Magacyadoodii

Xubnihii u Fooday Moddo Kordhinta iyo Magacyadoodii iyo Beelaha ay Magacooda Ku Foodaan.



Annaga oo idiin soo gudbinay qaybtii hore ee magacyadii xubnihii ka fooday muddo kordhinta, waxaanu haddeerna idiin soo gudbinaynaa, magacyadii iyo xubnihii u fooday muddo kordhinta xukuumada Somaliland.  Gollaha Guurtida Somaliland qaab-dhismeedkiisa, sidii aanu hore u sheegnay wuxuu ku salaysan yahay beelo, weli ma hano qaadin, mana gaadhin heer lagu soo doorto qaab dimoqraadiya oo ka baxsan beelaha iyo kalsoonida ay ka haystaan beelaha soo xushay bilowgii ee ay magacooda ku fadhiyaan. Waxa ay ku fadhiyaan xubnaha Gollaha Guurtidu hanaankii beelaha ahaa ee lagu soo xulay aasaaskii Somaliland. Waa gollaha sharciyeed ee qudha ee aan weli loo qaadin cod ka turjumaya dadweynaha, oo aanay ka dhicin doorasho xalaal ah oo lagu tartamo xubinimada Gollaha Guurtida. 

Iyadoo sidaas ah ayaa awooda distuurka Somaliland siinayaa, in ay xaq u leeyihiin muddo kordhinta, haddii xukuumada Somaliland ku timaado xaallado sababaya in loo kordhiyo. Sidoo kale waxa ay dhex u yihiin ama ay tahay in ay u ahaadaan dhex xisbiyada qaranka Somaliland, waxaase cad in ay intooda badani ka tirsan yihiin xisbiga xukuumada haya ee Udub.

Annaga saxaafad ahaan waxa nagu qasab ah, maadama aanu ka hadlayno nidaamka Somaliland ee guurtida oo ku dhisan qaab beeleed, in aanu idiinku soo gudbino xaqiiqada iyo sidii ay wax u dhaceen, annaga oo eegayna meel walba, golle kasta iyo nidaamkiisa iyo sida looga fooday ama doodiisu u dhacday.

Maanta waxaanu idiin soo gudbinaynaa bal sida xubnaha Gollaha Guurtida oo ku metela dadweynaha qaab beelaysan ay u codeeyeen. Annaga oo idiin soo gudbinay xubnihii u codeeyey markii hore diidmada, hadderna waxaanu idiin soo gudbinaynaa kuwa u codeeyey ogolaanshiiyaha in muddaa loo kordhiyo xukuumada. waxaanu uga jeednaa in aad heshaan war sugan oo xaqiiqo ah, in aad ogaataan geediga dimoqraadiga iyo hanaqaadkiisu halka uu marayo iyo in xubnaha ka tirsan xisbiyada dimoqraadiga ah ee ku bahoobay hanaanka axsaabta badani ay u jaleecaan, bal in dimoqraadiyadii ay ku bahoobeen si hufan u hanaqaaday. 

Tirada guud ee codaysay waa 35 diiday, 42 yeelay iyo 2 ka aamusay. waxaanu idiin soo gudbinay, shan iyo sodonkii xubnood ee diiday, haddeerna waxaanu idiin soo gudbinaynaa 42 xubnood ee diiday iyo labadii ka aamusay.

Shalay doorashadii ka dhacday Gollaha Guurtida iyo sidii loo kala fooday waakan ee jaleec wacan:

Beesha Samaroon.

1. Yuusuf Sh. Axmed Cabdilaahi ( Ugaaska). Waa U Fooday Kordhinta.
2. Nuur Rayaale Khayre. Waa U Fooday Kordhinta.
3. Xuseen Madar Xoosh ( Suleex ). Waa U Fooday Kordhinta.
4. Ibraahim Ciise Buux. Waa U Fooday Kordhinta.
5. Cabdiraxmaan Axmed Araaye. Waa U Fooday Kordhinta.
6. Diini Cabdullaahi Hande. Waa U Fooday Kordhinta.
7. Maxamoud Xareed Rooble. Waa U Fooday Kordhinta.
8. Daahir Cali Jaamac. Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Ciise.

1. Axmed Daahir Maxamoud ( Jirde).  Waa U Fooday Kordhinta.
2. Sh. Maxamoud Xirsi Faarax. Waa U Fooday Kordhinta.
3. Nuur Sugaal Geelle. Waa U Fooday Kordhinta.
4. Axmed Waaberi Maydhane. Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Ayuub.

1. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Waa U Fooday Kordhinta.
2. SH. Axmed Nuur Furre . (Guddomiye ku xigeenka Gollaha). Waa U Fooday Kordhinta.
3. Cali Aden Qalinle.  Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Habar Awal.

1. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Maxamed ( Jibriil Abokor). Waa U Fooday Kordhinta.
2. Sh. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse. ( Makaahiil). Waa U Fooday Kordhinta.
3. Sh.Khaliif Sh. Xasan Cusmaan ( Reer Liibaan). Waa U Fooday Kordhinta.
4. Muxumud Aw Axmed X Aden.( Adaraxmaan sacad). Waa U Fooday Kordhinta
5. Saleebaan Garas Seed. ( Ciise Muuse) Waa U Fooday Kordhinta
6. Maxamed Carab ( Ciise Muuse).  Waa U Fooday Kordhinta
7. Xasan Axmed Faarax ( Boobe) ( Ciise Muuse). Waa U Fooday Kordhinta
8. Xaashi Cabdi Shiil ( Maaya khaarij). ( Coofle Badhi). Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Toljecle.

1. Cabdi Cabdillaahi Xasan ( Cabdi Waqooyi). Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Ciidagale.

1. Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf ( cabdi Waraabe). Waa U Fooday Kordhinta.
2. Maxamoud Maxamed Yaasiin ( DHeeg) Waa U Fooday Kordhinta.
3. Maxamoud Cabdillahi Qaalib ( Ina diri-qadhaadh) Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha HabarYoonis.

1. Axmed Muuse Obsiiye ( Reer Caynaanshe). Waa U Fooday Kordhinta.
2. Ibraahim Aw Nuur Jiciir. ( Reer Xuseen). Waa U Fooday Kordhinta.
3. Farxaan Ciise Ubaxle. ( Isxaaq). Waa U Fooday Kordhinta.
4. Saciid Cabdillahi Yaasir. (Muusse Cbdalle). Waa U Fooday Kordhinta.
5. Ina Xiris Guur-xume ( Reer Ugaadh). Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Arab.

1. Cabdiqaadir Aw Xuseen Mire ( Samane). Waa U Fooday Kordhinta.
2. Cabdicaasiis Maxamed gaaxnuug ( Saleebaan). Waa U Fooday Kordhinta.

Beesha Warsangeli.

1. Siciid Jaamac Cali. Waa u Fooday Kordhinta

Beesha Dhulbahante.

1. Cawil Cabdullaahi Caydiid ( Baharasame) Waa u Fooday Kordhinta.
2. Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho). Waa u fooday Kordhinta.

Beelaha Kale ee Xubnaha Ku leh Gollaha.

1. Cabdillaahi Shiikh Xasan Cismaan ( Abba-yoonis). Waa u fooday Kordhinta.
2. Shiikh Cumar Shiikh Axmed Fure ( Akishe). Waa u fooday Kordhinta.
3. Yuusuf Cabdillaahi Cawaale ( Madigaan). Waa u fooday Kordhinta.
4. Axmed Nuur Aw Cali aadan ( Magaado). Waa u fooday Kordhinta.
5. Jirde Siciid Maxamed ( Muuse-dheriye). Waa u fooday Kordhinta.

Waxaa kaloo aan codayn Gollaha laba xubnood oo kala ah.

Xubnaha Aamusay Ee Aan Codayn

Guddoomiyaha Gollaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo xubin kale oo ka soo jeeda beesha Habarjeclo, waana Xildhibaan, Maxamed Ducaale Faarax ( Ina Ducaale Qurux). Wuxuuna ku fadhiyaa magaca beesha habarjeclo, Axmed Faarax Cabdiile.

Riix halkan si aad u jaleecdo magacyada kuwa diiday muddo kordhinta iyo beelahooda.
http://www.somalilandfuture.com/ee/index.php/weblog/more/magacyada_xubnaha_gollaha_guurtida_kuwooda_codeeyey_maanta_iyo_kuwa_aan_cod/

Kala soco wararka dhabta ah iyo faalloyinka danbe Shabakada wararka ee Somalilandfuture Online.

Somalilandfuture Online.



--
Posted By Samotalis to GARGAAR at 3/29/2009 08:37:00 PM

No comments: