Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE ayaa mar kale muddeeyey wakhtiga Shirkiisa Golaha Dhexe oo laba goor oo hore dib loo dhigay.
Sida ku cad wargelin rasmi ah oo uu maanta soo saaray Guddida Qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa loo cayimay Shirka Golaha Dhexe inuu ku qabsoomo magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer 23 August, 2008.
Wargelintaas oo ay ku saxeexan tahay Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Guddoomiyekuxigeenka Guddida Qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE, iyada oo faahfaahsan waxay u qoran tahay sidan:
"Iyadoo la tix raacayo go'aankii shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga ee ku qabsoomay Ambassadoor Hotel 29kii Abril 2008, ee dib loogu dhigay shirka golaha dhexe ee xisbiga muddada 3da bilood ah, waxa guddida qaban-qaabada shirka golaha ee xisbiga Kulmiye uu ku wargelinayaa:
1. Dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye , qaybtii shirweynaha lagu ansixiyey iyo qaybtii dib uga dhacday ama aan magacyadooda la soo gudbin labadaba meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba in shirkii golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 23/08/2008, laguna qaban doono magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, sidaa darteed ay sidaa ula socdaan una diyaar garoobaan.
2. Xubnaha golaha dhexe si guddida qaban-qaabadu u horgeyso shirka golaha dhexe ajande dhamaystiran in ciddii danaynaysa ama doonaysa inay xisbiga dhexdiisa, uga tartanto murashaxnimada jagooyinka MADAXWEYNAHA iyo MADAXWEYNE KU XIGEENKA ee xisbiga uga qayb gelaya doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhici doona 29/03/2009, inay soo xereeyaan CV-yadooda iyo Araajidooda kuna soo hagaajiyaan guddida qaban-qaabada inta ka horryasa 17/08/2008,muddadaa wixii ka danbeeya lama qaban doono wixii araaji ah, wixii faahfaahin dheeraad ahna waxay kala xidhiidhayaan xarunta xisbiga".
Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex bilood ah dib loo dhigay, 29 April, kadib fadhigii koowaad ee Golaha Dhexe oo dastuurka xisbigu u muddeeyey in la qabto bil ka dib shirweynaha, waxa mar kale loo cayimay 29kii July inuu ka dhaco magaalada Burco, hase yeeshee, shirka beesha Bariga Burco uga socda Gar'adag dartii ayaa mar kale dib loo dhigay ilaa wakhti aan la cayimin, wakhtigaas oo uu hadda Guddida Qabanqaabadu soo saaray.
Shirka Golaha Dhexe waxa uu xisbigu ku dooran doonaa musharraxiinta xisbiga uga qaybgelaysa doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhaco 29 March 2009.
No comments:
Post a Comment