09 August, 2008

Georgia ayaa ku daabuleysa ciidankeeda furunta uu ka socdo dagaalka ee Ocetia
Georgia ayaa ku daabuleysa ciidankeeda furunta uu ka socdo dagaalka ee Ocetia

Tskhinvali (HR Media) Dagaal xoog leh ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda Georgia iyo xoogagga gooni u goosadka ah ee koonfurta Ocetia, ciidamada dowladda Georgia ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhowaadeen magaalo madaxda gobolka gooni u goosadka ah ee Ocetia.

Labada dhinac ayaa goor dhoweynto dagaalkoodu dib u qarxay ka dib markii ay ku heshiiyeen xabad joojin.

Dowladda Georgia ayaa sheegtay inay soo afjareyso waxa ay ugu yeertay Nidaam dambiile ah isla markaana ay dib u soo celiso kala dambeynta.

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen madaafiic labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

Fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ka yeeshay dagaalkan ayaa ku kala qeybsamay inay isku waafaqaan baaq ay soo saartay dowladda Ruushka in la joojiyo isu adeegsiga awoodeed.


No comments: