10 July, 2008

Somaliland: Haweeney iyo ubadkeedii oo ku mudaharaaday Madaxtooyada.

Qoys Ku Hor Mudaharaaday Qasriga Madaxtooyada Somaliland


Hargeysa-(Lug)-Muxubo Saleebaan iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa
maanta mudaharaad salmi oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin,
xadhiga ninkeedii Abshir Xasan Xaashi, ku hortagay Madaxtooyada
Somaliland, ninkaasi oo mar ahaa Madaxa

Gaadiidka ee Qasriga madaxtooyada, oo xabsiga Mandheera loo
dhaadhiciyay 28-kii April 2008-ka, ka dib markii uu sanadkii hore
Wargeyska Haatuf ku daabacay maqaalo Musuq Maasuq, oo uu ku eedeeyay
Qoyska Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Hooyo Muxubo Saleebaan, iyo afarteeda carruuta ah oo kala ahaa gabadh
iyo sadex wiil oo da'doodu ahayd 5 jir ilaa 10 jir,a ayaa carruurtaasi
waxay xidhnaayeen Garamaan ay ku xardhanaayeen weedho ay ka mid
ahaayeen "Mudane Madaxweyne Aabahayo Abshir Xasan Xaashi, sii daa iyo
Aabahay Waxa uu u xidhan yahay Qoyska Madaxweyne Rayaale", waxa kale
oo ay gacmaha ku hayeen maro weyn oo ay ku xardhanaayeen hal ku dhigyo
ay kaga soo hor jeedaan Xadhiga Aaabahood, waxana ay madaxtooyada hor
taagnaayeen muddo saacad ku dhow.

"Jeelasha waxa loo sameeyay in dadka sharciga khilaafa lagu ciqaabo,
waxase weeye in qofka marka la xidho la horkeenoMaxkamad sharci ah,
waxaan idiin sheegayaa in aan ninkayga oo muddo sadex bilood ah ku
xidhan Mandheera, aan mar qudha la hor keenin Maxkamad, isla markaana
aan la caddayn dambiga loo haysto, waxa kaliya ee lagu odhanayaa
Madaxweynaha ayuu u xidhan yahay,"ayay tidhi Muxubo Saleebaan, oo
saxaafada ugu waramaysay madaxtooyada horteeda.

"Anigu waxaan Madaxweynaha Somaliland aan ka codsanayaa in ninkayga oo
aan la sheegin wax dambi ah oo uu galay in la maxkamadeeyo ama la sii
daayo"ayay intaasi raacisay.

Muxubo Saleebaan, oo aan weydiinay sababta ay u tagi weyday
Maxkamadaha iyo Ciidanka Booliska, waxay ku jawaabtay, oo ay tidhi
"Taliyaha ciidanka boolisku markaan la xidhiidhay waxa uu noo sheegay
inaanu isaga u xidhnayn ee uu Madaxweynaha u xidhan yahay, waana wax
lala yaabo in qof dambi loo haysto la horkeeni waayo Maxkamad Muddo
intaasi leeg."

Muxubo, waxay sheegtay in loo diiday inay jeelka ku booqdaan saygeeda
Abshir Xasan Xaashi.

Gabadhaasi oo wadatay carruur magacyadoodu kala ahaayeen Ayaan,
Osama, Jacfar, Iyo Xudayfa, waxa markii dambe u yimid ciidanka
Booliiska oo ka qaaday Maradii ay gacmaha ku hayeen, ka dibna waxay
dib ugu laabteen Gurigoodii.

Abshir Xasan Xaashi, oo 28/4/2008 laga qabtay Hutelka Imperial ee
magaalada Hargeysa, waxa uu Mar ahaa madaxa Gaadiidka madaxtooyada iyo
darawalka khaaska ah ee Marwada kowaad ee Madaxweynaha Somaliland,
Marwo Hudda Barkhad Aadan.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa

Xigasho: lughaya.com

No comments: