Madaxtooyada: Qodobkii ugu dambeeyey xaqiijinta Doorashada oo laga
sugayo Riyaale
July 9th, 2008
Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si
rasmi ah u cayimay maalinta ay dalka ka dhacayso doorashada
Madaxtooyada, taas oo noqonaysa 29 March 2009.Maalintan Komishanku u qabtay doorashada Madaxtooyadu waxa uu ku soo baxay jadwal Komishanku u dejiyey qorshe-hawleedka doorashada iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxana uu Komishanku ugu soo bandhigay
saddexda xisbi kulan shalay lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Nabadda
ee magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu lafaguray jadwalka, dhinacyada
oo dhamina ay iskula qaateen.
Jadwalka shaqo ee Komishanku u dhigay qabashada Diiwaangelinta iyo
Doorashadu waxa ku cad in diiwaangelintu bilaabmayso bisha Oktoobar,
2008, isla markaana ay dhammaanayso horraanta bisha January 2009, ilaa
29 March-na ay noqonayso diyaargarowga doorashada Madaxtooyada.
Qorshe hawleedkan iyo cayimidda maalinta la qabanayo doorashada
Madaxtooyada oo loo xilsaaray Komishanka Doorashooyinku wuxuu ka mid
ahaa heshiiskii hoggaamiyayaasha saddexda xisbi ka gaadheen khilaafkii
adkaa ee ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddadii sannadka
ahayd ee Guurtidu u kordhisey Daahir Riyaale Kaahin oo muddadiisii
sharciga ahayd ee xilka loo doortay ku ekayd 15 May, isla markaana ay
u kordhiyeen inuu xilka sii hayo ilaa 15ka April 2009.
Waxa kale oo qorshe-hawleedka Komishanku u dhigay Diiwaangelinta iyo
qabashada doorashada ku qancay wefti ka socdey Midowga Yurub iyo
Deeqbixiyayaasha la hal-maala ee Somaliland ka caawinaya
doorashooyinka oo toddobaadkan booqasho ku yimi dalka, isla markaana
wadahadalo la yeeshay Komishanka, Axsaabta mucaaridka ah iyo
xukuumadda xilka sii haysa. Waxayna ogolaadeen inay siidaayaan qaybtii
u horreysey lacag gaadheysa 8 Milyan oo Doollar oo ay u qoondeeyeen
inay kuu caawiyaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo ay xayireen
kadib khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, siideynteedana ay
deeqbixiyayaashu ku xidheen shuruudo ay ka mid yihiin in heshiis buuxa
laga gaadho khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka aloosmay, xal kama
dambays ahna loo helo mushkiladda dib u dhaca soo noqnoqday ee
wakhtiga doorashada iyo sababaha keenaya, sida in meesha laga saaro
dhammaan caqabadaha sharci ee horyaalla doorashada iyo in la sameeyo
wakhtiga doorashada oo aan dhaqdhaqaaq lahayn.
Shuruudahaas ayaa dhammaantood ku jirey heshiiskii hoggaamiyayaasha
saddexda xisbi gaadheen, kaas oo intii ugu muhiimsanayd ay fushey,
deeqbixiyayaashana loo gudbiyey.
Hase yeeshee, shuruudaha deeqbixiyayaashu ku siideynayaan lacagtaas
iyo weliba xaqiijinta iyo hubinta in wakhtigan Komishanku u cayimay
doorashadu uu sugan yahay oo aan la dhaqaajin karin waxa ka qabyo ah
hal qodob, kaas oo ah in Daahir Riyaale Xeer Madaxweyne ku soo saaro
maalinta Komishanku u cayimay Doorashada Madaxtooyada ee ah 29ka March
2009, taas oo rasmi ka dhigaysa wakhtigaas Komishanku cayimay.
Wararkuna waxay sheegayaan in kulanka Saddexda xisbi iyo Komishanku
iskula qaateen jadwalka, kadib loo gudbiyey Daahir Riyaale, isla
markaana loo qabtay laba toddobaad gudahood inuu ku soo saaro dikreeto
wakhtiga doorashada loo cayimay. Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in
weftiga Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaashu ay ogolaadeen in Komishanka
loo siidaayo lacag dhan 4.6 Milyan Doolar, laakiin, weli ay ku xidhan
tahay warqadda laga sugayo Madaxweyne Riyaale inuu rasmi ahaan ugu soo
saaro wakhtiga doorashada loo cayimay.
Xigasho: Somaliland.org
No comments:
Post a Comment