23 July, 2008

VOA News - Soomaliland: Muran Ka Taagan Ganacsiga Xoolaha -



VOA News - Soomaliland: Muran Ka Taagan Ganacsiga Xoolaha



VOICE OF AMERICA VOA Home VOA Somali Mawduucyada Warka E-mail ku codso Xulo Luqadaha About VOA
Soomaliland: Muran Ka Taagan Ganacsiga Xoolaha
By Sahra Ciidle Nuur
Hargaysa
21-July-2008
Warbixinta Sahra Ciidle - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Sahra Ciidle - Dhegayso (MP3) audio clip

Sayladda Xoolaha Hargaysa
Sayladda Xoolaha Hargaysa
Ganacsadata dhoofinta xoolaha ee Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland ayaa ku gacansayray go'aannadii ka soo baxay kulankii dhawaan dhex maray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan ganacsatada dhoofisa xoolaha.

Go'aankan ka caraysiiyay ganacsatada xoolaha ayaa waxa qodobada ku xusan ka mida in qandaraaska shirkadda Al-Jaabiri loo cusboonaysiiyo muddo shan bilood ah, iyo in sidoo kale qiimaha neefka lagu kordhiyo lacag gaaraysa lix doollar neefkiiba, taasoo qiimaha neefka ka dhigaysa 42 doollar-ka Maraykanka ah.

Gancasatada dhoofinta xoolaha ayaa ku doodaya in madaxwaynuhu uu dhawaan meesha ka saaray gabi ahaanba qandaraaskii shirkadda reer Sacuudi ee Al-jaabiri lagu siiyay in ay iyadu dhoofiso xoolaha, balse sida ay sheegayaan uu kulankii danbe kaga noqday go'aankiisii hore, taas oo ay ku tilmaameen ballan ka-bax.

Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa isagu difaacay go'aanka xukuumadda isaga oo sheegay in ay xukuumaddu gashay heshiis ayan ka bixi karin.

Is-jiid-jiidkan ayaa keenay in habayn hore la xiro guddoomiyihii ganacsata xoolaha Cabdullaahi Maxamed Cabdiraxman iyada oo sida la sheegay ciidanka bilaysku ka taxaabeen hoteel uu ka daganaa magaalada Hargaysa. Arinkan ayaa waxa si wayn uga carooday ganacsatada, dillaaliinta iyo dadka reer baadiyaha ah ee sayladda Hargaysa xoolahooda u beec keena.

Ku dhawaad sannad iyo bar ka hor ayaa xukuumadda Somaliland waxa ay qandaraas buuxa ku siisay naaxinta iyo iibgayna xoolaha shirkad laga leeyahay boqortooyada Sacuudi Carabiya, go'aankaas oo tan iyo markii la saxiixay daris la noqday diidmo iyo dood inta badan ka timaadda ganacsatada xoolaha iyo xubno ka tirsan xisibiyada mucaaradka.

Shirkadda Al-jaabiri oo ah tan iyada la siiyay qandaraaska naaxinta iyo iibgaynta xoolaha ayaa iminka faraha ku haysa dhimse maxjar oo laga hirgalinayo magaalada Berbera halkaas oo ay ku taal dekadda ugu wayn ee Somaliland.

Tafaasiil maqal ah oo warkan ku saabsan kor ka dhagayso.




No comments: