29 June, 2008

Xukuumadda riyaale iyo xaal bixinteeda


XUKUUMADA RIYAALE SIDA AY XAALKA U QAADATO AYEY U BIXISAA

Ahmed Arwo


Gobolka Awdal ayaa si ka horeysa gobalada kale bilaabay abaabul bulsho oo dadweynahu ku qiimeynayaan waxqabadka dawladda, kagana arrinsanayaan aayaahooda iyo doorashooyinka soo dhow. Waxa taas ka dhashay inay qayb weyn oo ka tirsan siyaasiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka gobalku ku tashadaan inay ku biiraan xisbiga KULMIYE. Taasi waxay walaac ku dhalisay Madaxweyne Riyaale oo amray inay raxan wasiiro ah oo weliba ay baalaha ka socdaan Labada Duq-magaalo ee Hargeysa iyo Gabiilay, ay midig iyo bidixba ka bixiyeen xaal cidda ay ka bixinayaan la aqoon, cidda ay siinayaana garanayso ujeedada laga leeyahay.


Waxa hore u dhacday inta la xidhay suxufiyiinta Haatuf haddana laga dalbaday beelahooda inay xaal bixiyaan. Waa fal aan la gelin oo haddana xaal laga doonay beelaha si fal-dambiyeedku u noqdo mid wadareed. Waa arrin ku cusub hab-maamul dawladeedka Soomaliland. Waxa manta sunahaas xun dheeli tiray, kolka xukuumadda lafteedu ay xaal bixisay, iyadoo ka dhigtay dadweynaha Hargeysa iyo Gabiilay dambiilayaal si ula-kac ah oo cunsuriyeedsan ay u xumeeyeen cayaartooyga Awdal. Waana dambi-wadareed Wasiiradaas ay madaxa ugu duubeen reer Hargeysa, ooy weliba Gabiley ku mataaniyeen ceebta gobalaysan.


Waa dhab in qayb bulshada ciyaaraha daawada ka tirsan ee reer Hargeysa ay fool xumo kula kaceen dhalinyarada Awdal, waxa se la yaab leh yaa amaanka ka mas'uul ahaa. Miyeyna u eekeen amuurtani oohinta yaxaaska, kolka Wasiirka Gudaha iyo Duqayda Hargeysa iyo Gabiilay xaalka bixinayaan. Waxay la noqotay inay dhibaatada ay dareemeen reer Awdal ee wax-qabad la,aanta ah, ee cadaalad darrada ah een gobal iyo dal tooni ka fayoobayn, inay xaal iyo baroor yaxaas ku ilowsiiyaan Awdal. Reer Awdal ka il dheer dad sanqasho lagula hadlo.


Socdaalka duulaanka ahi, waxa uu dabo socodaa qaybta weyne ee reer awdal ee ka gacmo taagtay UDUB, miisaankoodiina ku biiriyey KULMIYE ooy u arkaan mid mustaqbalka Awdal iyo Soomaalilandba u dhaami doona xukuumadda ay soo tijaabiyeen.. Waxay la shir tageen in tuurtuurkii ciyaartoyga, mucaaridku ka dambeeyey.Haddaba waxa la yaab ah in raggii ammaanka dalka gacanta ku hayey, ay noqdaan qaar iyagu baansiin ku kordhiya dab u baahan in la bakhtiiyo. Waxay damqeen nabar ay horeyba bulshada ugu geesteen., iyagoo kala- sooco iyo kala- kaxeynta bulsho weynta Soomaliland bilado ku qaatay. Una yaqaan xeelada kaliya ee wiiqaysa ciddii maamul xumadooda bedeli lahayd.


Teeda kale miyaa codka Hargeysa iyo Gabiley laga quustay. Isla Wasiirada Hargeysa ee madaxdhaqameedka Boorame ku shirinayaa, waa kuwa ka soo saaray wareegtada inayna odayaasha Hargeysa shiri karin, iska daa shir ay iyagu u qabtaane. Huteelka ay ku shiraana ruqsaqdda laga qaadi doono. Miyeyna falalkan is burinayaa iftiiminayn in oohintu orgiga ka weyntay oo meesha aan lala tegin wax-qabad iyo xaal bixin iyo dan gobal toona.


Ma waxay la tahay in maamul xumada Riyaale reer Awdal ku iloobi karaan xaal lagu abuuraayo kala qaybinta bulshada. Waxa hubaal ah sida odayadii Kulmiye ku biiray sheegeen, in Madaxweyne Riyaale ugu jecel yahay Wasiiradiisa kuwa reer Awdal ku yidhaahda …Mucaaridku reernimo ayey u diidan yihiin xukuumadda ee madaxweynaha ilaashada…. Awdal waxa deeqda cadaalad, waxay u baahanyihiin shaqo, tacliin iyo caafimaad, waana isla inta ay gobalada kale u baahan yihiin. Dadweynahu waa isku dan, sida inta xilka afduubtay ee beel walba lihi ugu tagrifalayaan hantidiii ummadda sifo khaas ah oon sharci ahyn. Awoodooduna ayna dhaafsanayn sidii ay xukunka xoog iyo xeeladba ugu haysan lahaayeen. Iyaga dan gaar ah ayaa walaalaysay, dadweynahana dan guud ayaa walaalaysay.


Waxa dhalinyarda Awdal ku dhacay nabar gardaro ooy geesteen budhcad doonayey inay gar iyo gardaraba ku guuleesto kooxdooda Awdal ka badisay. Waxa se la yaab leh haddii Wasiirada manta xaalka bixiyey. arkeen in mu'aamarad siyaasiyeysani ka dambeyso falalka gardaro ee ciyaartoyga loo geestay, maxay ciyaartii Kubbadda Koleyga dib ugu dhigi waayeen, maxaa se Wasiirka Ciyaarahu qaladka u saaray Awdal ee uu koobka guusha u siiyey Hargeysa oon u dhididin. Labdaas arrin ee kala ah, xaalka manta la bixiyey, iyo gefka Wassirka Ciyaarahu saaray Awdal, ee labaduba ka imanaayaan Wasiirada Riyaale keebaa sax ah.

Miyeyna ahayn arrin laba-wajiyeen ah, oo qofba dhinaca uu jecel yahay la tusaayo.


Ammaan darada ciraatooygu ka cowday miyeyn daliil u ahayn kartida xukuumadda. Miyeyna markhaati ka ahayn tamarteeda, miyeyna ka sii xumeen in ciddii bulshada hoggaankeeda loo dhiibay noqdaan dar bulshada kala kaxeeya, kala qaybiya, oo cuqdad qabiil oo bulshadeena curyaamisay ay macaan iyo qadhaadhba ku iidaamiyaan. Bal xusuusta hadalka Mayorka Hargeysa ee yidhi waxii dhacay eedeeda waxa leh Wasaaradda Ciyaaraha. Haddaba Wasaaradda Ciyaaruhu miyeyna ka tirsanayn xukuumadda Riyaale. Haddii se xaalka iyo raaligelintu dhab tahay, maxaa Wasiirka Ciyaarahu xaalka u bixin wayey, inayn isagaa arrimahan u xil saarane.


Wasiirka Qorsheynta oo hawl weyn oo xukuumadda ka maqan laga sugaayey, ma waxuu noqday nin koox wal oo meel loo dhaqaajiyaba lagu daro. Waxay arrintu u eegtay inuu yahay ilaa imika nin eed yar oo shaadhkiisu cad yahay oo wufuudda loogu soo joogsado. Waxaana la gudboon inuu iidaanka looga dhigaayo soor aan dhandhan lahayn ka digtoonaado, hawsha ballaadhan ee Wasaaraddana uu naftiisa iyo qarankaba kor ugu qaado. Waxa loo baahan yahay inuu qorshe iyo daraasaad ku sameeyo ballamada muga weyne ee wershedda sibidhka leh, ee dhoofinta xoolaha leh ee isgaarsiinta casriga leh, ee jidadka kunka mayl ah leh. Mise waxuu ogyahay in arrintu tahay dhalaan habaabis. Waxa dhab ah haddii mashaariicdaasi naf iyo naruuro leeyihiin inaanu Wasiirka Qorshayntu helayn waqti ciddii boqooshaba uu la talaabsado. Waa nin aqoon iyo khibrad leh, bal se nidaamka jiraa, laciifinaayo wax-tarkiisa. Aynu u rajayno inuu dheesha iska garto, kuna tuntuunsado waxii wasaaradiisa iyo dalka wax u taraaya.


Siyaasad ahaan ninka arrimaha dalka reernimo ku eegaa, waa nin daad qaaday oo xunbuu cuskanayaa. Waayo reer wanaag u gooni ihi ma jiro, sidoo kale reer xumaan u dhashay ma jiro. Mana jiro reer keligii is baxayaa. Waxa is weheshanaaya inta xaqa wada aragta, waxaana is garabsanaaya inta boobka iyo xumaanta ku bahowday.Sababta keentay in reer Awdal badankoodu ka goos qabsadaan xukuumaddu, waa wax-qabad la,aan ay gobalada kale kala siman yihiin, iyo xil gaar ah oo xukuumaddu si guracan u saarayso. Waxa ay ka cabanayaan waa maamul xumo, musuqmaasuq iyo cadaalad darro. Bal akhri cinwaankan ku soo baxay websiteka wacan ee Harowo.com 2007/08/20….QURBOJOOGA REER BOORAME WAXAAN LEEYAHAY MEEL AAD KU SOO NOQOTAAN MA JIRTO OO DAALIMIIN AYAA DHULKII MAAMULKIISII HAYSTA…..


Balan madhan, beerlaxowsi, laba-wejiyeen, iyo qaybi oo xukun manta Soomaaliland wey wado aragtay. Dhaqdhaqaaq olalaha hortiis la abaabula, afar sano iyo badhna aan far la taagin, waa markhaati ay isku furtay xukuumaddu. Waxay qirteen hagrasho, waxay qirteen inay wax walba dib ugu dhigeen si ay indho-sarcaad ku hafiyaa indhaha muwaadinka dalkiisa jecel xiliga doorashadu soo dhawaato.


Aan nidhaahno, shacbigu waxuu leeyhay: Marbaa nala degay, ee marlabaad maye.

Waxaynu wax ku sixi karnaa run sheeg, wadajir iyo digtoonaan. Iska jir beel hebel beel kale ka hor gee. Waxa reer qudhac u dan ah ayaa reer galoolna u dan ah.


Somaliland ha noolaato.


Illaahay ayaa Mahad Leh.


Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com



No comments: