29 June, 2008

Dardaaranka Carwo iyo Kulmiye 2

WAXAAN UGU TARTAMI WAAYEY HOGGAANKA XISBIGA KULMIYE


Waxa la saadaalinayaa in rag dowr ah ahi magacooda xerada ku soo dhex turi doonaan. Haddaba waxa rag aanu asxaab nahay i weydiiyeen waxa aan aniguna baratanka uga qayb qaadan waayey??


Waxa soo dhow shirweynahii Xisbiga Kulmiye ee lagu dooranaayey tartamayaashi doorasho ee jagooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo masuuliinta sare. Waxaa se ka weyn himmilada dadweynaha iyo ujeedooyinka shirka, oo nuxurkoodu yahay sidii loo dhisi lahaa barnaamaj iyo siyaasado cad oo xisbigu ku hanto bulsho weynta. Hadafkaas ayaa ka weyn kala saaridda hawl wadeenada xisbiga oo dhammaan xaq u leh inay ka qayb qaataan tartanka xisbiga gudihiisa, iyagoo dhowraaya distoorka iyo nidaamka xisbiga. Waxa la saadaalinayaa in rag dowr ah ahi magacooda xerada ku soo dhex turi doonaan. Haddaba waxa rag aanu asxaab nahay I weydiiyeen waxa aan aniguna baratanka uga qayb qaadan waayey.


Ma xuma inuu ruuxu yeesho damac shakhsi, waxa se habboon inuu noqdo mid runta iyo xaqiiqda ku salaysan. Ma aha inuu qofku noqdo mid naftiisa uun u roora. Oon eegin khasaaraha uu u keeni karo guusha xisbiga. Bal ogow in siyaasadda aanu ku guulaysan marna nin naf jeclaysi hogaamiyo, nin aan aqoon dhismaha wadajirka ( Teamwork), nin aan qiimayn cidda xisbiga kula jirta iyo rag iyo dumarba inta u soo dhabar adeegtay, u soo hurtay waqti, maskax iyo maalba, inta guusha xisbigu gaadhay ka midho dhalisay.


Anigoo qaba in dhammaan raga la tibaaxayaa yihiin dar u qalma madaxnimada, haddana waxa daruuri ah in is barbar yaaca la yareeyo, in laga waantoobu dhabar taabadka ay ka dambayn karto cid guusha xisbiga u diidan, oo doonaaya sabab ay meel kara u digo rogtaan. Yeyna dhicin in raga sharafta lehi noqdaan qaar ay sabab ka dhigtaan dar yidhaahda meel aan doonaayey roob igu eri. Yaan arrintu ka noqon is tijaabi, ee ka fakir sida qaloocan ee looga faa’iideysan karo.


Waa in hadafku noqdaa sidee xisbigu u guulaysan karaa. Waxa keliya ee xisbi ahaan iyo dal ahaanba ina farax gelinaayaa, waa guusha xisbiga. Ma aha tartan leys dul buuxiyo, deedna leynaga dhex qaado. Waxa xaqiiq ah in isha, gacanta, afka iyo lugta UDUB ayna manta ilaa dhammaadka shirka Kulmiye meel kale jirayn. Is barbar yaacu, waa kii dhalay in la waayo SNM, waa kan guusha ay ku heshay UDUB, waa kan raggii naftooda u soo huray dhismaha Soomaliland looga waayey magacooda madasha hogaanka qaranka.



Waxa haboon in qof waliba keligii naftiisa la doodo. Hays weydiiyo, haddaan magacayga qadimo maxaan soo kordhinayaa. Sow kolka ugu horreysa ururka iyo wadajira badh la biximaayo, taasi ma guulbaa xisbigu ku helayaa. Dadka aan xiskooda iyo dareenkooda buuxiyaa, kolka gacan haadinta UDUB lagu daro, haddaan soo bixi waayo, inteebaa sabab u helaysa inay xisbiga ka baxdo.Guusha ma waxaan u aqaaan magac aan qadimo, mise waa guusha xisbiga oo hantiya hoggaanka dalka.



Guul darradu ma aha inaan magacayga lag waayo koofiyada tartanka. Guul darrado waa anigoo ka qayb qaata kala jabka xisbiga, waa anigoo si dadban ugu shaqeeya guusha UDUB, waa anigoo si dadban u soo celiyaa Madaxnimada Riyaale, waa anigoo himmilada ummadda eegaysa guusha KULMIYE baajiya. Guul darada ugu weyni waa anigoo magacayga qadimay, oo waaya guusha xisbiga.



Waxa xaqiiq ah in tartanka aan loo meel dayin keeno fashilaad urur kasta oo siyaasad ku hawlan wiiqa. Waxa hadafku yahay in doorashada dalka laga gool dhaliyo. Cidda la xulayaa waa inay noqotaa, ugu horreyn iyo danbaynba cidda GUUSHA KAYNAYSA. Reer ma leh, beel ma leh, qof ma leh. Waxa mudnaan leh ragga iyo dumarka u dhabar adeegay hawsha aan laga abaal marin ee xisbiga halkan soo gaadhsiiyey. Ogow oo qiimee hawsha ay soo qabteen, isku barbartaag oo ha noqon qof naftiisuun yaqaan. Guusha xisbigu gaadho ayuunbaa dhammaan REER KULMIYE ka farxin karta. Magacayga oo meesha laga dhex akhriyo, xisbiguna guul darraysto, waa fashilaad aan anigu xisbiga iyo qarankaba u keenay.


Waan diiday inaan noqdo laanqayrta leexisa dhabada guusha. Waan diiday inaan nafteyda ka horeysiiyo tan Xisbiga, waan diiday inaan si dadban UDUB ugu adeego, waan diiday inaan nafteyda eedeeyo marka kooxda dibusocodka ah ee dalka hoggaamisa dib u soo noqoto. Waan diiday inaan eex, qabyaalad, musuqmaasuq, cadaalad darro, horukac la,aan iyo dib-u-socod ummadayda u soo celiyo. Waan diiday dal aan in badan ka maqnaa inaan xamaasad naf jacleysi ula tago, oo damac shakhsi ka doorto DANTA DADKEYGA IYO DALKAYGA AAN JECELAY. Waxaan u arkaa KULMIYA INUU YAHAY RAJADA DADWEYNAHA SOMALILAND. TAASINA KA WEYN MID AAN KU IIBSADO MAGAC DOON IYO KURSI JECLAYSI.


Waxaan rabaa dal KULMIYE hogaamiyo, dal Lowyacaddo ilaa Ceelaayo loo siman yahay, dal ay ka maqnaato eex qabiil, reer shegatka maalin walba laga dhex sheeganaayo golayaasha iyo warbaahinta aan la maqal. Waxaan rabaa inaan helo ummad aqoontu hagto, ummad u heelan dhismaha dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. Ummad ka xorowda qabiilka, jabisa silsiladda ay ku xidhan yihiin. Ummad aan mar walba eegin qofka hawl qaran hayaa cidda uu ka soo jeedo, bal se su’aashu noqoto waa maxay aqoontiisu, iyo maxuu qabtay. Waxaan doonayaa dal nabad ku waaro oo badhaahde dhaqaale iyo mid aqooneed leh.


Intaas waxaan ku gaadhayaa markaan dhiso wadojir, koox gacmaha is haysata, koox cidhbaha isku dhejisa oon la dhex gelin. Halka aan nafteyda ka eegaayo, waxaan u diririyaa waa guusha KOOXDA oo ah guusha XISBIGA. Wax qabadku ma aha ruux iyo laba, waa wadajirka iyo is-qadariska, waa kala dambaynta iyo is maqalka, waa qardo jeexa oo la joojiyo, waa soo jeed leyska ilaayo dabinada iyo shirqoolada la soo maleegaayo. Waa waajib inaynu weeraha iska jirin, inaynu isu dul qaadano, inaynu qadarino xubin kasta oo KULMIYE ah madaxa ilaa minjaha. Ma jirto xubin jidhkeena ah oo aadmiga ka maarmaa, sidoo kale ma jirto xubin KUlMIYE ah oo laga maarmaa.


Raganimadu waa tan lagula barbar taagan yahay. Xisbigu waxuu ku dhismaa waa fikradda, ficilka, maalka, iyo is-weheshiga xubnihiisa. Waxa liiciya amba dumiya waa tiirarka uu ku taagan yahay. Tiirarka xisbiguna waa xubnihiisa aan xilka haynin, iyagoo guusha keena, waana badhitaarkooda kan ay guudka saaraan marba cidda ay u gartaan. Talada gunteedu iyagay fadhidaa, ka soo baxdaa, kana soo go’daa.

Waa inoo shirweynha iyo xaqiijinta hadafka ina walaaleeyey. Waa hawl qaran oo culus, waxaana habboon in si qiimo leh looga qayb galo, oo weliba ay bataan inta guusha XISBIGA ka hormarinaysa tan naftooda. Waxaan leeyahay aqoon yahanka iyo qurbo jooga guud ahaan ee KULMIYE, waar cidda guusha xisbiga rabtaa how diyaar garoobaan shirka. Waa hawshii ugu dambeysay ee lagu gaadhi karo GUUSHA, laguna badbaadin karo Qaranka.


Waxaan u baqayaa si gaar ah aqoon yahanka AWDAL, SOOL iyo SANAAG BARI inay si xoogan uga soo qayb galaan shirka. Waxa la og yahay halka waxqab dalku maraayo, halka cadaaladi marayso, halka waxbarasho taagantay. Waxa ina dhaqayaa waa xisbigan ooynu xoojino, wadiiqad horumar u jeexno, ku bahowno oo miisaankiisa kor u qaadno. Aynu ka dhigno shir u horseeda Somaliland houmar, barwaaqo iyo wadojir lagu dhiso qaranimo buuxda, dawlad iyo dad sharci hago. Dawlad dadku leeyahy. Madax ka baqda dadka oo aynu ka baxno dad madaxda ka baqa, dawlad ogol la xisaabtanka, ka jawaabta afkaarta iyo weedhaha ka soo baxaaya dadkeeda, dawlad u dhego furin tilmaamaha Golayaasha, Warbaahinta, Aqoonyahanka iyo Oday Dhaqameedka, Taajirka iyo Danyarta.


GUUSHA WAXAA LAGU GAADHAA WADAJIRKA. KOOXBAA WAX DHISTA EE QOF WAX MA DHISO.NAFTAADU YEYNA KU ILOWSIIN NAFTA WALAALKAA. ANIGA ANIGA KU BADAL ANAGA ANAGA, IYO INAGA INAGA. DIIRADDA DUL DHIG GUUSHA KULMIYE, WAA TAN KELIYA EE DHAMMAAN INA DEEQAYSA.



GUUL ALLAH IYO MIDNIMO


Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@yahoo.co.uk.








No comments: