Khudbadda Madaxweynaha ee xuska maalinta Ciidanka Somaliland oo maanta lagu qabtay Degmada OOG ee Gobolka Saraar.
Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay maanta in aan ka soo qayb-galo Xuska Sannad Guurada 22aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Aniga oo ka faa'iidaysanaya madashan iyo munaasibadan taariikhiga ah, waxaan jecelahay inaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan hawada u mariyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka Qaranka Madax iyo Minjo.
Mar kale, munaasibadan awgeed waxaan hambalyo u dirayaa Qoysaska Ciidanka Qaranka iyo guud ahaan Shacbi-weynaha Somaliland.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hal-doorkii u kala danbeeyey hal abuurka iyo hogaaminta Ciidanka Qaranka, ragaas oo ay ka mid yihiin:
1. Mudane, Xasan Cali Abokor, Taliyihii u horreeyey ee Aasaasay Ciidanka Qaranka.
2. Mudane, Cismaan Cawed Xaashi (Cismaan Dacas).
3. Mudane, Xasan Yoonis Habane, ilaahay ha u naxariisto.
4. Mudane, Cabdi-samad X. Cabdillaahi (Gamgam).
5. Mudane, Nuux Ismaaciil Taani
6. Mudane, Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif).
7. Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale).
Waxaan u ducaynayaa dhammaanba geesiyaashii u shahiiday Difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland, waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu denbi dhaaf siiyo, naxariista janadana ka waraabiyo.
Duco Qabayaal
Qaran aan ciidan iyo cudud adag lahayni, cadaw iskama caabiyi karo, wuxuuna ka dhigan yahay ruux curyaan ah oo aan haba yaraatee cago lahayn.
Cuudka, Caqliga iyo Cududa Milateri, waa cawada iyo ayaanka uu maanta caalamku is-dheer-yahay. Sidaa darteed, waa ilaahay mahadii in uu ciidankeenu gaamuray oo laba iyo labaatan gu oo gaw ah uu baarka ka gooyey.
Shaki kuma jiro mudaddaa dheer in uu tisqaaday aqoon ahaan, agab ahaan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
Ujeedada Ciidanka Qaranka loo abuuray ma'aha in bulshada loogu caga-jugleeyo ama lagu cabudhiyo. Hase yeeshee, waxa loogu talo galay in ay sugaan amaanka dadka, isla markaana difaacaan cadaw kasta oo ku soo duula Dalkeena Hooyo.
Arrintaas waxaa markhaati ma doon u ah goob kasta oo ay Ciidanka Qaranku ka hawlgalaan min Bari ilaa Galbeed waxa ka suurtagashay nabad waarta iyo nolol wanaagsan.
Miyaanay ahayn wax lagu farxo ama lagu faano awoodda, aqoonta, anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee Ciidamada Qaranka meel kasta oo ay joogaan maanta lagu majeerto.
Duco Qabayaal
Waxaan idin leeyahay Shacbiga aad ciidanka u tihiin caad kama saarna xilka culus ee aad u haysaan.
· Waxaa hubaal ah in aad nafihiina u hurtaan difaaca Dalkiina Hooyo.
· Waxaa hubaal ah in aad heegan ugu jirtaan habeen iyo maalin ilaalinta amniga iyo adkaynta nabadgelyada ummaddiina.
· Waxa hubaal ah in aad si hufan u gudateen xilkii iyo waajibkii idinku beegnaa.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Duco Qabayaal
In kasta oo aynu xaqiijinay guulaha waaweyn ee aan soo sheegay, hadana uma jeedo in aanay jirin qabyo ama ay wax kastaa inoo dhan yihiin, hore ayaa loo yidhi:
Shaqo Dawladeed Ma Dhamaato, ee Ninkeeda ayaa Dhammaada
Sidaa darteed, waxaan idinku boorinayaa in aad dedaalkiinii hore laban-laabtaan, isla markaana feejigo iyo fiiro dheer u yeelataan cid kasta oo doonaysa in ay khal-khal geliso degenaanshaha iyo xasiloonida dalka.
Dhinaca kale, waxaan idiinka digayaa in aad ku milantaan loolanka iyo laacdanka siyaasadda, taas oo ah mihnad iyo meherad rag kale leeyahay.
Waxaan idinka waaninayaa Qabyaaladda iyo Qaadka oo aan ku tilmaami karo in ay yihiin Aafo Qaran.
Waxaan jecelahay in aad ka faa'iidaysataan Qorshayaasha Waxbarashada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigu idiin diyaarisay xilliyada aad firaaqada tihiin, taas oo loogu talo-galay in kor loogu qaado aqoontiina, isla markaana la idinkaga mashquuliyo boholyowga balwadaha iyo wixii la mid ah.
Duco Qabayaal
Beryahan danbe waxa soo batay dilalka Ciidanka Qaranka dhexdiisa, gaar ahaan dilka Saraakiisha.
Arrintani waa denbi iyo dhaqan fool xun oo aan loo dulqaadan Karin, waxaan u cadaynayaa in cid kasta oo geysata dil sharci-darro ah in cadaaladda la horkeeni doono, cawaaqibka ay leedahayna la dhadhansiin doono.
Intaas waxa dheer, toddobaadka soo socda insha Allah, waxaan magacaabi doonaa Guddi Kooban oo baadhis qoto dheer ku soo samaysa sabaha abuuray ama dhiiri-geliyey dilalka Ciidammada dhexdooda.
Duco Qabayaal
Xukuumadda aan madaxda ka ahay, waxay ku talaabsatay wax-qabad iyo horumar weyn oo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo haybadda Ciidamada Qaranka.
Sida aad wada ogtihiin waxaannu kordhinay mushaharkii 130% laba jeer oo isku dhaw.
Ka dib 19 sanno markii uu sinnaa Subeehiga iyo Sarkaalka Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ku dhiiranay bixinta derajada garbihiina ku xardhan.
Waxaannu u samaynay gunno dheeraad ah, gaar ahaan ciidamada jiidaha hore, gunnadaas oo dhan Askarigiiba 100,000 Somaliland Shilin.
Mar labaad, waxaan amray sannadkan 2016 in gunnadii aad u bixiseen geed fuulka loogu daro Askari kasta oo ka hawlgala jiidaha hore 180,000 Somaliland Shilin, taas oo ka bilaabmaysa bishan January ee dhamaatay.
Duco Qabayaal
Xukuumadayda waxa ka go'an dedaalada ay ku xoojinayso dhismaha, awoodda iyo niyadda Ciidamada Qarankan.
Sidaas darteed, waxaan idin leeyahay AMBA FAYDNIYE, WAXBA HA I FARIN ee ku niyad samaada, sabir, dulqaad, iyo dedaal. isku duubni iyo adkaysina ogaada
Alahayow …………. Alahayow
Ciidanka Qaranku Ha Guulaysto
Somaliland Ha Guulaysato
No comments:
Post a Comment