Kililka Shanaad Ee Ethiopia Oo Xoriyadoodii Usoo Celisay 43 Xoolo Dhaqato Ah Oo Maxkamadda Jig-jiga Hore U Xukuntay
dhexmaray deegaanka Yoocaale dad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda deegaanka Bali-gubadle iyo kuwo kasoo jeeda Qabribayax.
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta shaaciyay inuu cafis u fidiyay 43-kaa mudo ku dhow sideed bilood ku xidhnaa xabsiga Jig-jiga.
Sida ay sheegayaan wararka laga soo xigtay saraakiisha maamulka Kililka shanaad ee Ethiopia, ayaa sheegay inuu cafiska loo fidiyay dadkaasi ka danbeeyay wadahadalo dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Kililka shanaad, isla markaana waxa sii deynta dadkaa qayb ka ahaa salaadiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaamada labada dhinac.
Sidoo kale dawladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa kaalin weyn ka qaadatay sii deynta dadkaa xoolo dhaqatada ah ee xoriyadooda loo soo celiyay.
http://www.araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2721:kililka-shanaad-ee-ethiopia-oo-xoriyadoodiii-usoo-celisay-43-xoolo-dhaqato-ah-oo-maxkamadda-jig-jiga-hore-u-xukuntay&catid=1:article&Itemid=7
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
No comments:
Post a Comment