15 May, 2012

In ka badan 60 mida Madax-dhaqameed reer Somaliland oo Kulan Ujeedooyin Huwan ku yeeshay Magaalada Hargeysa

In ka badan 60 mida Madax-dhaqameed reer Somaliland oo Kulan Ujeedooyin Huwan ku yeeshay Magaalada Hargeysa

Kulan sharafeedkan dhaqan oo ay soo qaban qaabiyeen salaadiinta iyo madax dhaqameedka beesha

Hargeysa(GNS)-In ka badan lixdameeyo isugu jira salaadiin, boqoro iyo cuqaal ka soo jeeda beelaha Subeer Awal ayaa isugu yimid Kulan ballaadhan oo qado sharaf iyo is barasho isugu lammaanaa oo maanta ku qabsoomay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa.

Kulan sharafeedkan dhaqan oo ay soo qaban qaabiyeen salaadiinta iyo madax dhaqameedka beesha Sacad Muuse ayaa ahaa mid ujeedadiisu tahay is barasho dhex marta guud ahaan madax dhaqameedka beelaha Subeer Awal oo isaga kala yimid gobolada Togdheer, Saaxil iyo gobolkan Maroodi Jeex, iyada oo ay kulankaasi ka hadleen salaadiin, Cuqaal iyo boqoro kala duwan oo dhammaantood Sheegay baahida loo qabo in la mideeyo cududa dhaqan ee beesha iyo sidii loo xoojin lahaa natiijada kulamadii dhawaanahan u socday madax dhaqameedka Subeer Awal si loo helo hannaan madax dhaqmeed oo isku duuban kana hawl gala ujeedada ay u idman yihiin oo ah sidii ay beesha ugu hogaamin lahaayeen hab maamuuska milgaha leh ee lagu doortay oo ah in ay samaha ka taliyaan xumahana iska gargaarsadaan sidii umadda ay matalaan iyo guud ahaan beelaha kale ee reer Somaliland loogala shaqayn lahaa. 

Kulankan oo ahaa mid aad u ballaadhan markii ay madax dhaqameedku ka soo jeedsadeen hadhimo sharafeedii Crown lagu asteeyey waxa makarafoonka qaatay mid ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan waxaanu mid mid u hormeeyey madax dhaqameedkii madasha ka hadli lahaa, iyada oo ugu horrayn hadalka furitaanka lagu soo dhaweeyey ku xigeenka suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo mahad naq ballaadhan u soo jeediyay madax dhaqameedka beelaha Subeer Awal.
Suldaanku waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in danaha reerka guud ahaan loo midoobo oo laga shaqeeyo sidii wax qabad dhaqan oo rasmi ah loo gudan lahaa iyada oo laga digtoonaanayo dan shakhsi, mid siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneed toona. 

Suldaanku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo iska xil saartay abaabulkan iyo wada jirka madax dhaqameedka beeshu muujiyay, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu Suldaan Cismaan yidhi: “Waxa sharaf naga mudan guud ahaan madax dhaqameedka Subeer Awal ee isaga kala yimid daafaha deegaanada beeshu degto. Walaalayaal waxaan u taaganahay in aan wanaaga ka shaqayno, nabad gelyada ka shaqayno, nidaamka iyo danta caamka ah meel uga soo wada jeedsano”.
Intaa kadib waxa hadalka qaatay Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ku dheeraaday sida ay madax dhaqameedka beesha Subeer Awal uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan isku xidhka iyo u midawga danta beesha gaar ahaan iyo guud ahaan sidii ay beelaha kale ee reer Somaliland ugala shaqayn lahaayeen nabad gelyada iyo wax kasta oo ay ku jirto danta dalka iyo dadku. Suldaan Samaale waxa uu si adag u sheegay in aanay dhici Karin nin magac madax dhaqameed sita oo Xamar kaga qayb gali kara shirka halkaasi ka socda iyada oo aan marnaba beelaha Subeer Awal ku dhaqaaqi Karin wax lid ku ah jiritaanka Somaliland ee aynu ku soo caano maalay ee aynu 21-ka sano soo dhisaynay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:
“Xoogii iyo cadadkii madax dhaqameedka Subeer Awal waaka halkan fadhiya, waxaan idiin sheegayaa in aan si hagar la’aan ah marka hore ugu mahad naqo walaalaha beesha Subeer Awal ee ka yimid ilaa Togdheer iyo Saaxil. Sharaf ayay naga mudan yihiin. Fadhiga noocan oo kale ahi waxa uu muujinayaa tawfiiq iyo walaalnimo lagu midaysnaanayo si aynu ugu guntanno gudashada shaqada aynu u xil saaranahay”. 

Suldaan Axmed Nuur waxa uu hoosta ka xarriiqay in hadhimo sharafeeddan ay soo abaabuleen madax dhaqameedka Beesha Sacad Muuse oo walaalhooda kale u muujinaya in loo baahan yahay isdhex gal, wada shaqayn iyo ka midho dhalinta dadaaladii la sameeyey ee madax dhaqameedka beeshu go’aamada iyo xeerarka ku dhigteen.
Intaa kadib waxa isna madasha hadalo kooban oo guubaabo iyo dardaaran ah ka jeediyay Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo xusay in sagaal iyo sagaashan madax dhaqameedkii Subeer Awal madasha fadhiyaan loona baahan yahay in ay ka midho dhaliyaan shaqada ay u hayaan beesha ee dhaqan. Suldaanka oo arrimahan ka hadlaya waxa hadaladiisa ka mid ahaa: “Walaalayaal Inkasta oo Suldaankii Guud ee beeshu inaga habsaamay hadana waxaan leeyahay ninbaa laga hayay hadii aad sagaal iyo sagaashan tihiin anna boqolbaan idinku ahay. Sidaa darteed waxaan leeyahay Suldaankuna waa inagu boqole aynu u guntanno sidii aynu umadeena iyo dalkeena ugu shaqayn lahayn. Arrinta Xamar waxaan qabaa in aanay macquul ahayn in qof damiir lihi halkaasi u hanqal taagi karo sidaa darteed 21 sanadood ayaynu tan dhisaynay ee maxaa Xamar yaalla”. 

Boqor Xasan Maxamed Ciid oo isna ka mid ahaa madax dhaqameedka madashan ka hadalay ayaa isaguna si waafi ah ugu dhaadhacay ujeedada dhabta ah ee kulamada noocan oo kale ah ka dambaysa waxaanu xusay in Subeer Awal maanta mid yahay, lana doonayo in madax dhaqameedku hantaan doorkii ay umadooda ku lahaayeen, iyaga oo wax kasta ka hor marinaya danta caamka ah ee beesha iyo tan guud ee dalkaba. Madax dhaqameedkii kale ee madashan hadalada ka soo jeediyay waxa ka mid ahaa Caaqil Cabdi Ciidle Ammaan iyo Chief Caaqil Ismaaciil Muxumed oo dhammaantood iska daba maray sida ay ugu faraxsan yihiin kulan nocan oo kale ah, madax dhaqameedka beesha Subeer Awalna u baahnayd iyada oo la xurmayn doono natiijooyinka kulamadii iyo dhismaha xeerarkii madax dhaqameedku dhigtaan iyada oo dhinac looga soo wada jeedsan doono danaha reerka, cidda kali ah ee magaca beesha ku hadli kartaana tahay salaadiinta beesha. Dhinaca kale waxa ay madax dhaqameedka shirkan isugu yimid iska daba mareen in aanay madax dhaqameedka beesha Subeer Awal wax siyaasad ah faraha la gali Karin iyada oo dhammaan xisbiyada iyo ururada siyaasaddu u siman yihiin qof kasta oo siyaasi ahna ku ixtiraami doonaan doorkiisa.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: