02 March, 2012

“Waxaan Cambaaraynayaa Falkii Foosha Xumaa ee Xukuumadda iyo Dawladda Hoose Kula Kaceen Dadka Danyarta”

“Waxaan Cambaaraynayaa Falkii Foosha Xumaa ee Xukuumadda iyo Dawladda Hoose Kula Kaceen Dadka Danyarta” Gudoomiye hii hore ee komishanka xuquuqal insanka qaranka

Hargeysa (somalilandfuture)- Guddoomiyihii hore ee Xuquuqal-insaanka Qaranka Mr. Axmed, ayaa cambaareeyey qaabkii loo fuliyey hawlgalkii dawladaha hoose iyo dhexe ku bannaynaayeen jidadka caasimadda Hargeysa, waxaannu ku tilmaamay inuu ka soo horjeedo xuquuqal-insaanka.
Mr. Axmed oo somaliland future khadka telefoonka xalay ugu warramay, ayaa tilmaamay in maalin maalmaha ka mid ah lala xisaabtami doono masuuliyiintii falkaas ka dambaysay.
“Waxaan cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee xukuumadda iyo dawladda hoose kula kaceen dadkii danyarta ahaa ee ganacsatada ahaa ee sida arxan-darrada ah loo baabiiyey, waana tallaabo ka hor iman karta nabadgelyada iyo kala dambaynta nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland, tallaabadaas oo la nooc ah tay ka dhiidhiyeen bulshada Carabta ah, gaar ahaan Tuunisiya oo ka bilaabantay inan yar oo kaargoone uu watay laga burburiyey.
Dadkan oo ahaa dad danyar ah oo si toosa iyo si dadbanba u quudin jiray qoysaskooda, kana soo dooganaayey abaartii dalka ku habsatay barigii dhawayd, mana awoodaan kamana soo kaban karaan dhaawaca loo gaystay, meel loo sameeyey oo suuq ahina ma jirto, markaa bilicday sheegayaan waa mid ka idho la’ duruufaha ummadday masuuliyiinta u yihiin, marka waxa dhacday in cagafta dawladda hoose intay hantiday haysteen bulshada ganacsatada ah intay burburiyeen dooxa ku daadiyeen oo aanay garanayn meel ay u raacaan, waxaanay meel-ka-dhac ku tahay xuquuqal-insaanka iyo sharciga dalka u yaala, waana arrin maalin maalmaha ka mid ah lagu xisaabtami doono kiiskeedana lagu qaadi doono cidii ku kacday,” ayuu yidhi Axmed_


Wariye siciid xuseen
Somalilandfuture2o3o@hotmail.com—



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: