01 March, 2012

Wasiirrada Warfaafinta iyo Daakhiliga Somaliland oo Aragtiyo is Khilaafsan ka Bixiyey Gogosha Nabadda ee Madaxweyne Siilaanyo Fidiyey

Wasiirrada Warfaafinta iyo Daakhiliga Somaliland oo Aragtiyo is Khilaafsan ka Bixiyey Gogosha Nabadda ee Madaxweyne Siilaanyo Fidiyey-jamhuuriya
Last Modified: Tue 28th Feb,2012
Doodda Wasiir Xaabsade iyo dareenka Wasiir Duur ee la xidhiidha gogosha Madaxweynaha Somaliland u fidiyey reer Buuhoodle

"Waxaannu leenahay gogosha la dhigayo ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyey ha ku daro wixii uu wax ku sixi lahaa.. illeyn lama oga oo gogol uun baa la fidiyeye"

"Waxa loo baahan yahay dadkaa in la qanciyo, tabashaduna waa mid jirta, mana qarsoona oo dagaal bay gaadhay, gacan-ka-hadal bay gaadhay, kala-tag bay gaadhay"

Wasiirka Warfaafinta

"Horta in la wadahadlo ayaa muhiim ah oo gogosha lagu soo fadhiisto, markaa ayaa tallaabooyinka kalee wax lagu sixi karo la qaadi karaa"

Wasiirka Daakhiliga

Hargeysa (Jam)- Wasiirrada Warfaafinta iyo Daakhiliga Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa aragtiyo is-khilaafsan ka bixiyey gogosha nabadda ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey shacabka ku dhaqan degaannada Buuhoodle iyo Sool.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu soo bandhigay mowqifkiisa la xidhiidha qaabka loo gudo-geli karo gogosha nabadda, isaga oo tilmaamay in marka hore loo baahan yahay in Madaxweyne Siilaanyo soo bandhigo wixii gogosha nabadda loogu soo fadhiisan lahaa, halka Wasiirka Daakhiliguna xusay in marka hore loo baahan yahay in lagu fadhiisto gogosha nabadda, wadahadalkuna bilaabmo si loo ogaado wixii xannuun ah ee jira ee tabashooyinku la xidhiidhaan, kadibna daawada loo helo.

Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo toddobaadkan u warramay telefishanka HCTV, waxa uu sheegay, isla markaana ku dooday in madaxweynaha Somaliland looga baahan yahay inuu gogosha uu fidiyey ku daro wixii lagu sixi lahaa tabashooyinka jira.

"Dadkaasi waxa weeye dad wax tabanaya oo tabashadoodu muddo badan soo taagnayd. Marxuum Cigaal bay ahayd oo yidhi waar ordoo naga taga. Wixii markaa la tabanayey ee lagu tegay ilaa la saxo dee waxba hagaagi mayaan, waxaanuna leenahay gogosha la dhigayo ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyey ha ku daro wuxuu wax ku sixi lahaa.

Madaxweynaha ayey ku xidhan tahay inuu miiska soo dhigo wixii uu wax ku sixi lahaa, illeyn lama oga oo gogol uun baa la fidiyeye, laakiin gogosha wixii lagu fadhiisan lahaa iyo sidii loo akhrisan lahaa iyo wixii lagu qanci lahaa baa loo baahan yahay, markaa waxa loo baahan yahay dadkaa in la qanciyo, tabashaduna waa mid jirta, mana qarsoona oo dagaal bay gaadhay, gacan-ka-hadal bay gaadhay, kala tagbay gaadhay, waxaanuna leenahay gogoshii si habboon oo caqli leh ha loo dhigo.

Qoladaa (reer Buuhoodle iyo Sool) ee walaalahayo ah waxaan leeyahay meel la kala aadayaa ma jirto, dal la kala goynayaana ma jiro, dalku wuu isku yaal, qolona guuri mayso, qolona la tirtiri maayo, dagaalna wax ma tarayo wiil uun baa ku dhintee wiil kuma dhasho, markaa waxaan leeyahay talada qaata, gogoshana ku fadhiista, waxaad sheeganaysaana si cad u sheegta," ayuu yidhi Wasiir Xaabsade.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo Jamhuuriya weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha qaabka Wasiirka Warfaafintu u doonayo in loo galo gogosha madaxweyne Siilaanyo fidiyey ee la xidhiidha wax ka qabashada tabashooyinka degaannada bariga, waxa uu sheegay, isla markaana dareenkiisa ku muujiyey in marka hore ay muhiim tahay in la wadahadlo oo gogosha lagu soo fadhiisto, kadibna la qaadi karo tallaabooyinka kale ee cadcad.

"Horta in la wadahadlo ayaa muhiim ah oo gogosha lagu soo fadhiisto, markaa ayaa tallaabooyinka kalee cad ee wax lagu sixi karo la qaadi karaa. Marka aad xannuunka jira baadho ayaa la ogaan karaa dawadiisa, laakiin xannuunkii oo aan la ogaan dawadiisa lama garan karo, waxana muhiim ah in marka hore gogosha lagu soo fadhiisto oo wadahadalku furmo, markaa kadib ayey wax kastaaba iman karaan oo wadahadalka ayuu xalku ka soo bixi karaa, wax cad oo la taaban karana markaasaa la helayaa," ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Duur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhawr jeer ku celceliyey inuu gogol nabadeed u dhigayo bulshada ku dhaqan degaannada bariga dalka, gaar ahaan Buuhoodle iyo Sool si wax looga qabto tabashooyinka jira, balse ilaa hadda gogoshaas cid ku soo fadhiisatay ma jirto.

No comments: