07 March, 2012

Ololihii Dawlada Hoose oo Saaka Garab Maray Gidaar Nin Ganacsade ahi lahaa oo Jidka ku jira Kadib Markii

Ololihii Dawlada Hoose oo Saaka Garab Maray Gidaar Nin Ganacsade ahi lahaa oo Jidka ku jira Kadib Markii la Siiyay Laaluush, Danyartiina Cagta marisay.
Cagafta Dawada hoose ee duminaysay Guryaha iyo wadhatada jidka ku dhaw ayaa ku soo beegantay......

Hargeisa (GNS)-Dawlada hoose ee Hargesia oo wali sii wada duminta iyo Barakicinta Ganacsatada yaryar ee Tukaanadda, Makhaayadaha, hudheelada iyo Dadka kaaryoonka wax ku dul iibiya 
Olole balaadhan oo Todobaadkii hore ay iska kaashadeen Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland iyo Dawlada hoose ee Hargeisa ayaa Ka socda Caasimada Somaliland kaasi oo la sheegay in lagu Qurxinayo isla markaana lagu banaynayo jidadka Magaalada Hargeisa. 
Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa Gawaadhida Cagafta dawlada hoose Dumiyeen Barandayaasha Hudheelada Barriga suuqa Magaalada hargeisa halkaasi oo Cagta mariyeen Taangiyada Biyaha ee hor yaala Xamaamyada lagu maydho iyo dukaamo yaryar oo dad danyar ahi ku ganacsan jireen.. 
Hawlgalkan Dawlada hoose ayaa ah mid si gaar ah Awood u saaraya Danyarta halka Dadka Maalqabeenada ee Jidadka sida tooska ah ugu jira aan Waxba laga dumin habayaraatee kuwaasi oo laga Qaado lacago laaluusha oo ka joojinaya Ololaha dawlada hoose ee dhinaca ka raran. 

Dhacdo aad ulayaab badan oo Saaka Subaxdii hore ka dhacday Suuqa waaheen taasi oo ka yaabisay dad badan Danyar ah oo laga Raray Suuqaasi isla markaana loo diiday intaa taako jidka soo galaan. 

Cagafta Dawada hoose ee duminaysay Guryaha iyo wadhatada jidka ku dhaw ayaa ku soo beegantay Gidaarka Wayn Daarasalaam Super Market qaybta Woqooyi oo dhawaan lagu kordhiyay dhisme hore usoo galay jidka, kaasi oo markii inyar loo soo jiro ay wada hadleen Masuuliyiinta Dawlada hoose iyo Mulkiilaha Fooqa Daarasalaam isla markaana laga weeciyay Cagaftii ka dib markii uu ku Wareejiyay Xaajiyad Cusub oo Laaluush ah taasi oo markii ay furihii ka qaateen ayay iska laabteen, maaha markii ugu horeysay ee Ciidanka ka Amar qaadanaya Dawlada hoose laga leexiyo Jid banaynta dadka qaar ku dhacaysa iyada oo hore looga baydhay Barandaha Wayn ee Cadaani oo ku yaala Badhtamaha Jidka Wadnaha Magaalada Hargeisa. 
. 
Arintan ayaa noqonaysa Khiyaamooyinka Qaran ee ay ku Talaabsanayso Dawlada hoose ee Hargeisa isla markaana bulshada danyarta ah iyo Xukuumada ku kala fogaynayso. 
. 
Waa kii Abwaan Xasan Daahir Weedhsame lahaa 
Sharcigan wadhatada ganaaxa 
Wasiirkana gool u looga 
Sharcigan gabay maatadiisa 
Af-miishaarkana gunneeya 
Sharcigan kii galay abaalka 
La gawdhshee gebagebeeya 
Sharcigan lagu guulwadeeyo 
Sharcigan uu gado macdaarku 
Sharcigan geneyoow agoonta 
Gidaar seexshee gumeeyey 
Sharcigan kii ginida haystay 
U siiyey dan-guud badheedhka 
Sharcigan nabadana u guuxa 
Wixii gubayana jideeya 
Sharcigan beentuna gef weyntay 
Runtana gurigeeda biiyey 
Sharcigan dadka lagu gabraarto 
Dantoodana dhacan ku giijay 

Sharcigan geerida ka ooya 
Haddana noloshii galaaftay 
Sharcigana gaarida ammaana 
Goonbaartuna derejo dhaanto 
Sharcigan dusha laga gudboonyey 
Salkana lagu kala gol-roonyey 
Sharcigan booliga gasiinta 
Xalaashana tola galkeeda 
Sharcigan geed weyn ka soomay 
Gudmaha yacaygana u haysta 
Sharcigan horumarka gardaadsha 
Haddana himiladu gamaarto 
Sharciga guushana u heesa 
Haddana aan dhalinin goolka. 
Sharciga saddex gole ka kooban 
Haddana guri qudhi istaadho 
Sharcigan kud markaad ka guurto 
Qanjaha loo galab carraabo. 
Sharciga jajabkii gumaaday 
Sharciga gabankiisa toogta 
Sharciga ii qoda gammaada 
Sharciga galladiyo abaalka 
Rasaas ku gudee la eeday 
Sharciga garanwaaga beera 
Sharciga gofanaha barbaarsha 
Sharciga gudhan ee gabloolay 
Bal eeg goldalooladiisan 
Inaad garataa canaantay. 
Sidii saca giir dadweyne 
Gondaal lagu sabo la eedye 
Hadduu dadku kuu garsheegto 
Hadduu tabashada gadoodo 
Garwaaqisigu waa sed weyne 
Gunuuskiyo yuuska jooji. 
Dadkoo gofanuhu ka haagay 
Wax-qabad gaanana sugaaya 
Jihayn iyo talo u goomman 
Hadduu gurgurshaa ku moodo 
Hadduu aamino goshaada 
Intuu soo guro caleemo 
Hadduu ubax kugu gedaamo 
Guddoon ku idhaa hankiisa 
Ha odhan wada gebi-dhacleeya 
Ha odhan wada gala siyaasad 
Ha odhan wada kala go’dooma 
Ha odhan jilib jilib u goosta 
Ha odhan wada gura xashiishka 
Ha odhan guddi baan u saaray 
Gebliyo ha u tumin ciyaaro 
Ka daa geesaas la oyga.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: