08 March, 2012

Gudiga diiwaangelinta ururada oo aad loo dhaliilay.

Prof.Abdisalaan Yasin oo si kulul u dhaliiley gudiga diiwaangelinta ururada

Hargysa,-Gudoomiyihii hore ee Jaamacada Burco Prof.Cabdisalaan Yasiin Maxamed iminkana ka mid ah hogaanka urur siyaasadeedka HORYAAL, ayaa si kulul u dhaliiley hawsha iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan gudiga diiwaangelinta iyo ansixinta ururada siyaasada oo ka kooban todoba xubnood oo madaxweyne Siilaanyo si gaar u soo magacaabey balse la saluugay wadashaqeyntay la leeyihiin ururada siyaasada Somaliland .
 
Prof.Cabdisalaan Yaasiin oo shalay ka hadlay munaasibad gudiga diiwaangelintu u qabteen 15ka urur siyaasadeed ayaa daaha ka faydey dhaliilo iyo tuhuno badan oo yaala xayndaabka xafiiska gudigan oo ah gudi dadweynahu ku tilmaamo inay yihiin kuwo aan ku habooneyn hawshan loo magacaabey khibrad ahaan,karti ahaan iyo aqoon ahaanba.
 
Prof.Cabdisalaan Yaasiin ayaa gudigan ku dhaliilay xidhiidh (Poor communication) xumo iyo qaabkay ururada ula shaqeeyaan ama u wajahaan oo gaabis ah sidoo kale Prof.Cabdilaahi Yassin wuxuu intaas ku raaciyey in wada shaqeynta ay la leeyihiin 15 ka urur siyaasadeed ee ay tahay inay kala reebaan tahay  mid liidata.
 
Prof.Cabdisalaan wuxuu sheegay sidii gudiga diiwaangelinta iyo kala reebida ururada loo magacaabey inay hal mar uun u yeedheen ururada siyaasadda una qaybiyeen waraaqo ay ku qoran yahiin shuruudaha ururada doorsahada dawladaha hoose u taagan laga rabo oo ah kuwan ay maantana ku celiyeen balse ay ugu xigtay iyagoo fariin u soo diray ah inay xafiisyada ururada ee gobolada soo kormeerayaan balse aaney waxba ogeysiin 15ka urur oo maanta uun ugu xigto.
 
Isku soo wada duuboo Prof.Cabdisalaan Yaasiin wuxuu ka dalbaday gudiga diiwaangelinta axsaabta siyaasada inay la yimaadaan wada tashi,wada shaqeyn wanaagsan iyo jadwal habaysan oo kama danbeyna oo la raaco oo iyaga iyo ururad ku wada shaqeeyaan.Dhinaca gudiga diiwaangelinta ayaa hadaladaas uu u soo jeediyey cabdisalaan yaasiin si xoogle uga cadhoodey siiba gudoomiyaha gudiga diwaangelinta ururada Ciyaale oo ay ka muuqatey wejigiisa inaanu la dhacsanayn soo jeedintaas Prof.Cabdisalaan. 

No comments: