09 March, 2012

Ardeydda Dhigata Jaamacadda Adis Abab Medical Collage Oo Mudahaaraad Balaadhan Ka Dhigay Magaaladda Hargeysa

Ardeydda Dhigata Jaamacadda Adis Abab Medical Collage Oo Mudahaaraad Balaadhan Ka Dhigay Magaaladda Hargeysa Iyo Mamulka Jamacadaas Oo Xabsiga Lagu Hubsaday.
Dhanka kale gudi ka tirsan ardayda iyagu wax ka barata jamacada...

Hargeysa (GNS)- Ardaydda waxa ka barata jamacada ADDIS-ABABA Medical Collage ayaa cabashooyin laxaad leh la hor hor tagay xarunta maamulka jamacadaas oo ku taal Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxana ay ardaydani sheegeen in ay ka cabanayaan maamulka jamacda, taas oo ay tilmaameen in maamulku u balan qaaday in marka ay waxbarashadooda dhamaystaan ay siin donaa shahadada degree-ga ah isla markana ay heeshiis kula galeen dhamaan ardeydda wax ka barata jaamacadda ADDIS-ABABA Medical Collage, balse waxa ay ardayddani sheegeen in marki ay waxbrashadii dhamaysteen ay mamulka jamacadasi kaga baxeen balanki isla markana ay u shegeen in ay shahadada digriiga aanay qadan doonin balse ay qaadan doonaan Shihaadda loo yaqaan DIBLOMA, taasi oo ardaydu si adag uga biyo dideen. 

Arintan ayaa waxa ay cadho iyo cabsho balaadhan ka keenay dhamaan ardeydda iyo waalidiinta jaamacadda ADDIS-ABABA Medical Collage, waxana ay sheegeen in ay arintani tahay mid aan laga aamusi kareyn iyaga oo tilmaamay in ay arintani tahay tii ugu foosha xumayd ee soo marta sanadihii ugu danbeeyay dalka, qaar ka mid ah ardaydasi aya waxa hadaladoodii ka mid ahaa “waxa na lagu yidhi waxad qadanaysan digrii baad qadanaysan imkana waxa layidh dibloomo qaata yeeli mayno jamacaduna shaqayn mayso’ ayuu yidhi Yuusuf Nuur Warsame oo ka mid ah ardeydda wax ka barta Jaamacadda ADDIS-ABABA Medical Collage. 

Dhanka kale gudi ka tirsan ardayda iyagu wax ka barata jamacada ayaa dacwad u gudbiyey cidamada booliska, iyagoo ka codsaday in xabsiga loo dhigo masuliyinta jamacadaasi intaasi ka dib waxa gobta yimid cidamada booliska iyagoo isla markana xabsiga geyey mamulka jamacada adis abab medical collage 

Ardaydani ayaa iyagu ahaa kuwo wajiyadooda ay ka muqato murugo balaadhan isla markana aad uga cadhaysan sida dhayalsigu ka muuqdo ee mustaqbalkodii loo majaro hababiyey 

Gabiley news desk 
Conatctgabiley@yahoo.com 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: