Aniga ayaa kaa awood sareeya oo kaa yeelaya wixii aan doono!
Written by Ahmed Siciid
Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shaqaalaha shabakada caalamiga ah ee QARANNEWS, marka xigta hadii aan ku bilaabo magacayga waa Axmed Siciid waxaan ka mid ahay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan Ingriiska.
Hadii aan isku dayo in aan ka qayb qaato doodan ku saabsan wax yaalihii fooshaxumaa ee ka dhacay Caasimada Somaliland ee Hargeysa taasoo ay ku keceen dad wax magarato ah oo adeegsanaya awooda ama xilka ay umada u hayaan, run ahaantii dadkii masaakiinta ahaa ee ku ganacsan jiray wadooyinka waxaa lagula kacay oo welina lagu wadaa wax aad iyo aad u fool xun taasoo iskugu jirto Dhac, Dil, Dhaawac iyo hantidoodii oo ladul mariyo Cagaf Cagaf.
Waxaan odhan lahaa arinkaa lagula kacay masaakiinta ku ganac sata wadooyinka waa wayn ee caasimada hargeysa waxay tahay kibir iyo aniga ayaa kaa awood sareeya oo kaa yeelaya wixii aan doono taana waa taan ka diidnay Siyaad Bare.
Hadaba hadii aan ku soo gabo gabeeyo fikir keeyga Qaladka dhacay wuxuu ahaa iyo wax lagu sixi karo.
Qaladka wuxuu ahaa:
1. Waxaa dhacay Dil
2. Waxaa dhacay Dhaawac
3. Hanti la bur buriyay
Waxa lagu sixi karo:
1. In raaligelin ay ka bixiyaan Dowlada Hoose iyo Wasaarada Arimaha Gudaha.
2. In ay magdhaw ka bixiyaan wixii ay u gaysteen danyarta reer somaliland.
3. In ay hantidii meesha sida ula kaca lahayd loogu bur buriyay lasoo qiimeeyo isla markaana la bixiyo.
4. In loo sameeyo meel ay ku ganacsadaan danyarta ku ganacsata wadooyinka.
5. In la maqlo fikirkooda iyo taladoodo ay ku leeyihiin sidii loo rari lahaa.
6. in ay san soo noqon mar labaad.
Ugu dabayn waxaan halkan ugu tacsiyadaynayaa Cidii ku dhimatay Eheladoodo, Asxaabtooda iyo dad waynaha reer somaliland, waxaan kaloo aan ilahay caafimaad u waydiinayaa intii ku dhaawacan tahay.
Axmed Siciid
London, UK
shirwa77@hotmail.com
No comments:
Post a Comment