06 February, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

Marxuum- Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Warshadaha 

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, waxaan
 dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal,  culumada, shacbiweynaha Somaliland Geerida Naxdinta leh ee ku timid 
Marxuum- Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Warshadaha 
  
Marxuumku waxuu ahaa siyaasi weyn iyo oday nabaddoon ah oo qayb weyn ku lahaa nabadeyntii bulshoweynta Somaliland iyo dhismaha qarannimada dalkeena.
 
Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Culimada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somalilandna uu waafajiyo Samir iyo Imaan
   Axmed Xasan Carwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

No comments: