10 February, 2012

Shirweynihii Afraad ee KULMIYE UK.

Waxaa maalitii taariikhdu ahayd 5th feb 2012 shir ka dhacay xarunta loogu talo galay shirarka Harrow civic center London.

Waxaa maalitii taariikhdu ahayd 5th feb 2012 shir ka dhacay xarunta loogu talo galay shirarka Harrow civic center London. Shirkaas oo ahaa shirwaynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye UK,Ujeedada shirkan loo qabtay oo ahayd sidii tageerayaasha Kulmiye Uk isu xogwarasn lahaayeen iyo sidii ay uga warami lahaa xisbigu wixii u qabsoomay iyo waxa ka qabyo ah iyo u dayaar garooga doorashooyinka soo socdo maadaama ay soo dhawdahay doorashooyinkii golaha deegaanka Somaliland waxa kale oo ujeedooyinkaas ku jiray oo ugu mihiimsanaa sidii loo dooran lahaa hogaan cusub oo uu yeesho Kulmiye Uk iyada oo la bedelaayo Gudidii hore oo iyagu ahaa gudi uu wakhtigoodu dhamaaday.


Waxaa goobta uu shirku ka socday isugu yimid dadwayne aad u fara badnaa kuwaas oo ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye Uk,dadkaasi waxa ay isiga kala yimaadeen dhamaan magaalooyinka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay wadanka Ingriisku,


waxaa kale oo iyaguna goobtaas yimid oo dadwaynaha halkaas kala hadlay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha debeda jamhuuriyada Somaliland mudane Ahmed Yoonis safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Ingriiska Mudane Ahmed Sangoore, la taliyaha madaxwaynaha dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga mudane Ahmed Hassan Arwo .

Waxaa shirkn qaban-qaabiyay oo isku soo dubariday gudiga shirgodoonka ah oo kala ah Abdi Ali Mahdi , Ibrahim Mahamood iyo Khadar Ibrahim Warsame. Waxaa ugu horayn sidii caadada ahayd shirka lagu furay aayadaha quraanka kariimka intaas ka dib waxaa hadalka bilaabay shirgoodoonka shirka oo dadkii shika ka soo qayb galay u jeediyay mahad naqa balaadhan. Waxa uu shirgudoonku micarofoonka ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka wasaarada arimayha debeda Somaliland Ahmed Yoosin oo halkaas ka jeediyay hadalo isugu jira talo iyo dardaaran isaga oo dadka ugu baaqay in la is garab taago xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Ahmed Siilaanyo.

Waxaa kale oo isaguna micrifoonak lagu soo dhaweeyay Safiirka Somaliland u jooga wadanka Ingriiska mudane Ahmed Sangoole waxa uu safiirku ka hadlay oo uu aad ugu dheeraaday in qaranimada Somaliland muqadas tahay dadkana u soo jeediyay in ay is barbar taagaan waxa kale oo uu safiirku baaq nabadeed u jeediyay dadwaynaha reer Buuhoodle isaga oo ugu baaqay in ay colaada joojiyaan kuna soo dhawaadaan gogosha nabadeed ee uu fidiyay madaxweynaha Somaliland mudane Ahmed Siilaanyo.


Waxaa kale oo isaguna halkaas ka hadalay la taliyaha madaxwaynaha Somaliland dhinaca dhaqaalaha mudane Ahmed Hassan Arwo isag oo carabka ku adkeeyay in loo bahan yahay in kulmiya guntiga dhiisha isaga dhigo oo la yimaado dadaal dheeraad ah iyo dardur cusub oo ka duwan tii hore iyaga oo ka iibinaya wixii ay qabatay xukuumada Kulmiye iyada oo buu yidhi fukrado cusub iyo dadaal dheeraad ah,waxa kale oo uu ku dheeraaday in midnimadawada iyo wadajirka Somaliland tahay shay inagu qaali ah una baahan in la ilaaliyo waxa uu masuulkani dadka u soo jeedyay in lagu dadaalo sidii wadankeenu horu mar balaadhan u gaadhi lahaa.

Intaas ka dib iyo Doodo aad u dhaadheer iyo is waraysi saacado badan qaatay dabadeed waxaa la isku raacay in la doorto gudiga cusub oo xilka kala wareega gudidii hore oo iyagu ahaa gudi uu wakhtigoodu dhamaaday sidaa laajigeed waxaa goobtaas lagu doortay gudoomiye Cusub oo magaciisa la yidhaahdo mudane Hassan Osman Ismail oo deegaan ahaan ka soo jeeda east London,waxaa kale oo goobtaas iyaguna lagu doortay gudiyo kale iyo xilal kale oo iyaguna ka mid noqon doona hogaanka cusub ee xisbiga Kulmiye UK waxaanad xaga hoose aad ka akhrisan kartaa magacyadii iyo xilallkii la magacaabay oo dhamays tiran.

Shirweynaha 4aad ee KULMIYE UK waxa lagu doortay Guddiga fulinta ee UK iyo Guddi cusub oo loogu magac daray Guddiga musdanbeedka ama backup ama gudida


GUDDIGA FULINTA
  1. No
    Magaca
    Xilka
    1
    Hassan Osman Ismail
    Guddoomiye
    2
    Xariir Xirsi Adar
    G/xigeenka 1aad
    3
    Adan Jama Kaahin
    G/xigeenka 2aad
    4
    Ali Adam Awale
    Xoghaye
    5
    Abdirazak Ibrahim Koshin
    Lacaghaye
    6
    Asha Ayban
    Gud. Garabka haweenka
    7
    Maxamed Abdi Adan
    Xidhiidhiye
    8
    Ahmed Osman Adam
    Xubin
    9
    Abdixakiim Camuud Axmed
    Xubin
    10
    Abdiraxaman Iimaan
    Xubin
    11
    Abdillahi Ali Jama
    Xubin
    12
    Zakaria Dahir
    Xubin 

Magacaabistaa ka dib waxa ay gudidan cusubi balan qaadeen in boodhka ka jafi doonaan iskuna duba ridi doonaan hawlaha baaxada leh ee horyaal gididan cusub ee Kulmiye Uk maadaama ay soo dhawyihiin doorashooyinkii golaha deegaanka Somaliland. Waxa kale oo gudidan cusubi ka codsadeen dadka reer Somaliland in ay taageeraan xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga qudha ee wadanka gaadhsiin kara horumar iyo barwaaqo taas oo ay dadka reer Somaliland ku taamayaan in ay gaadhaan.

Ibrahim Jama
Ibrahimjama2004@hotmail.com
London Uk
Afhayeenka Ku meelgaadhka ah ee Kulmiye UK.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: