“U Malayn Maayo In London Ictiraaf laga Keenayo”
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa shalay munaasibad uu ururkoodda UDHIS xafiis kaga furay magaaladda Boorama kaga waramay arrimo badan oo kalla duwan oo la xidhiidha marxaladda ay maanta Somaliland marayso iyo tii hore.
Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali waxaa uu ugu horeyn tilmaamay in ururkoodda wax badan kaga duwanaan doono dhigiisa ay tartanka ku wadda jiraan. hadaladii uu halkaa ka jeedyeyna waxa ka mid ahaa “Maanta dalku wuxuu ku jiraa dagaal, maanaan jecleyn dagaalkaasi inuu dhaco, anigoo dadweynaha reer Buuhoodle ugu baaqaya in xabadda la joojiyo, wadahadalna lagu dhameeyo dagaalkaasi. Dadka ku dhimanayaa waa reer Somaliland, dhinaca ay doonaanba ha ahaadeene”.
Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka hadlaya dhinaca siyaasadda iyo shirka London oo xukuumaddu shaacisay inay ka qayb-galayso waxaa uu yidhi. “U malayn maayo in London Ictiraaf laga keenayo, ictiraafku dalka gudihiisa ayuu yaallaa, haddiise ay faa’iido ka keenayso xukuumaddu waa loo wada joogaa.”.
Mar uu ka jawaabayay weydiimo kullankaas ka dhashay oo la xidhiidha taariikhda Somaliland uu ku leeyahay iyo kaalintii uu ka qaatay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland waxaa uu yidhi. “Hawl wanaagsan ayaanu ka galay siddii ummada Reer Somaliland u nabadi lahayd, colaado ayaa dhacay siddii nabad loogu wadda noolaan lahaa ee loo heshiin lahaa.
Taas isku qoomameyn maayo maanta oo isma lihi maxaad Somaliland arrinkeeda siddaas ugu gashay, maanta farta dhexda kama qaniinsani, waayo waxaanan uga qaniinsaneyn maanta nolosha taala ayaa wax kasta ka weyn. Waan ogahay in aan dariiqyo waaweyn iyo Biriijyo waaweyni inoo dhisneyn, oo aan Warshado dhisneyn. Laakiin, intaba wax ka wanaagsan ayaa dhisan, waxaa dhisan, caqligii dhalinyaraddeena iyo nabad-gelyo ayaa dhisan. Haddii ay beeluhu is dili lahaayeen oo sidda meelaha qaarkood dagaalo la geli lahaa maanta halkan maynaan soo gaadhneen.
Midda kale, 21-kii Sanadood ee uu Siyaad Barre Somalia ka talinayay, iyo sagaalkii sanadood ee ka horeysay maxaa magaaladda Boorama laga dhisay, ama guud ahaan Gobolka Awdal iyo Selel maxaa u kordhay. Waxaan qirayaa wax badani ha dhinaadeen, wax dhamaystirani ma jiro. Laakiin, inta halka wax laga sameeyay in aan 30-kii sanadood ee Somaliland ka horeysay laga sameyn..” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray isaga oo su’aalaha arrimahaas la xidhiidha jawaabtoodda sii wadda oo uu yidhi. “Dawladii Siyaad Bare gurriga maaliyadda oo kaliya ayay dhistay, iska daa ceelasha iyo horumar kale,. waxba wax ayay dhaamaane, taas kumma ciil qabo. Somaliland intii la joogayna khasaare kumma qabno.”
Ka hor Cabdiraxmaan waxa iyaguna halkaasi ka hadlay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Jaamac Abgaal, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood ku baaqay in UDHIS Taageero mudanyahay.
Wargeyska Saxafi
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment