12 February, 2012

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaadhey Magaaladda Burco,

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaadhey Magaaladda Burco, Dhaawacyo Isugu Jirra Ciidamdda Qaranka Somaliland Iyo Dadkii Ka Soo Horjeedayna U Qaybiyay Midkiiba Boqol Iyo Konton Doolar

“kuwani waa shacakeenii oo dagaal ku dhaawacmay, waxana aan halkan u imi inaan ogaaddo xaaladda ay ku sugan yihiin.."C/raxmaan Saylici
Burco (GNS)- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici), iyo wafti baaladhan oo uu hugaaminayo ayaa maanta safar ku tagey magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa duleedka magaaladda Burco ku soo dhoweeyay Masuuliyiin iyo Dhalinyaro aad kalla duwan, waxana uu Mudane Saylici markii uu magaaladda Burco gaadhay uu booqdey Cusbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo Cusbitaal gaar loo lee yahay, waxana uu halkaasi kala kulmay dhaawacyaddii ku soo waxyeeloobay dagaalkii dhowaan ka dhacay Deegaanka Buuhoodlle.

Dhaawacyadda uu Madaxweyne ku xigeenku booqdey ayaa isugu jirey Ciidmadda Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaddii ka soo horjeeday, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay afaratan Dhaawac, balse Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu si siman u booqdey dhamaan dhaawacyaddii ku sugnaa halkaasi, waxana uu mid mid ugu qaybiyay Hal malyan oo shilinka Somaliland ah, lacagtaas oo u dhiganta, Halkii qof 150, lacagta Doolarka maraykanka ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in labaddan dhaawac waa kuwa ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda ka soo horjeeday e, ay yihiin dhamaantood dad reer Somaliland ah, sidaas awgeedna ay Somaliland doonayso in ay soo afjarto dagaalkan, waxana uu ka warbixiyay dhibaatadda ay colaadu lee dahay.

C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil Saylici waxa uu farta ku fiiqay in dhaawaca maleeshiyadda ka soo horjeedda Somaliland ee ku sugan cusbitaalka Burco ay yihiin shacabkii Somaliland “kuwani waa shacakeenii oo dagaal ku dhaawacmay, waxana aan halkan u imi inaan ogaaddo xaaladda ay ku sugan yihiin iyaga iyo Ciidmadda Qaranka Somaliland, iyo inaan ku qanciyo ahmiyadda ay lee dahay nabaddu” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

C/raxman Saylic waxa uu sheegay in ay dawladdu diyaar u tahay in dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Buuhoodlle in ay u qaado goob kalle oo caafimaad haddii aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn “dadkan dhaawac ah waxaanu u qaadaynaa meel kasta oo lagu dawayn karro ha ahaadaan dhaawaca ciidanka qaranka ama kuwa kalle ee shacabka Somaliland ee ku waxyoolaabay dagaalka” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
Contactgabiley@Yahoo.Com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: