Madaxwaynuhu waxa uu xilkaasi u magacaabay Maxamuud Cabdiraxmaan Cali.....
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka intii aanu u safrin ka qayb-galka shirka London magacaabay xidhiidhiyaha jaaliyadaha Somaliland.
Madaxwaynuhu waxa uu xilkaasi u magacaabay Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, kaasi oo u dhignaa sidan:
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Jaaliyadaha Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland, xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda."
dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada somaliland ayaa waxa uu udhignaa sidan:
Ka dib markii uu Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland Maanta uu Magacaabay Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Soomaaliland ee Wasaaradda Arrimaha dibeda iy Iskaashiga Caalamiga Gudoomiye cusub ayaa Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskashiga Caalamiga Dr.Maxamed C/llaahi Cumar isaga oo dhamaystiraya dar-dar galinta shaqada Xafiiskan oo muhimad wayn u leh qaranka Jamhuuriyada Somalilan uu maanta xilal u magacaabay Masuuliyiin kala ah sidan:
1. Cabdi Maxamed Ismaaciil Gudoomiye ku-xigeen
2. Jibriil Cali Muuse Xidhiidhka Dibeda
3. Cabdicasiis Axmed Muuse Agaasimaha Fulinta.
Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga
Hargeysa, Somaliland http://samotalis.blogspot.com/

No comments:
Post a Comment