06 February, 2012

Dawladda Jabuuti oo la tacaalaysa Kiniin dhibaato weyn ku haya Amaanka dalkeeda oo Somaliland uga talaaba

Dawladda Jabuuti oo la tacaalaysa Kiniin dhibaato weyn ku haya Amaanka dalkeeda oo Somaliland uga talaaba

Lawyacado(Waaheen) Ciidamadda ka hortaga Kootarabaanka ee dalka Jabuuti ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyayba la tacaalayay qab qabashada iyo ka hortaga Kiniin Kootarabaan dalkeeda kaga gala dhinaca xuduuda Somaliland ee Lawyacado kaasoo sababay inay Ciidamada dalkaasi ka soo talaabaan Xuduuda isla marka ay hakad galiyaan mararka qaarkood isku socodka Gaadiidka ee labada Dal.

Kiniinkan oo jabuuti can ka ah isla markaana ay dadka reer Jabuuti ugu yeedhaan Damaaci ayaa la sheegay inay isticmaalaan dhalinayarada reer Jabuuti kaasoo ku keena inay ku kacaan falal Amaandaro badan Dalkaasi ka dhaliyay kaasoo sababa inay ku kacaan Kufsi, Dil, dhac iyo dagaal kooxaysi ah oo dhalinyarada dalkaasi iskaga hor yimaadaan magaalooyinka waaweyn kuwaasoo keenay mararka qaarkood in khasaare balaadhani ka soo gaadho dad iyo Hantiba.

Kiniinkan oo noqday Ganacsiga ugu weyn ee ay dadka Kootarabaanlayaasha ahi dalka Jabuuti u waaridaan ayaa markii uu xasilooni daro dalkaasi ka abuuray Amar lagu bixiyay in laga hortago oo laga baajiyo dhalinyarada dalkaasi sidii looga badbaadin lahaa khatarta kaga soo fool leh Kiniinkaasi oo ah Maandooriye ka khatarsan Maandooriyayaasha caadiga ah ee la cabo oo la sheegay marka hore in loogu talogalay in loo Isticmaalo dhinaca Hamada ama Galmada iyo Hurdada.

Marka laga yimaado dhibaatada uu Dalkaasi ku hayo Kiniinkaasi waxa dhinaca kale ay soo kordhiyeen hawlagalada ay kula tacaalayaan ciidamadda Dalka Jabuuti in xasilooni daro ka dhacdao xuduudka labada dal ama gudaha Somalilandba sila markaana ay Ciidamadda Jabuuti farogalin toos ah kaga sameeyaan Meheradaha ku yaala Magaaladda Lawyacado taasoo tiraba toddobaadkii hore ay dhawr jeer u soo talaabeen isla markaana Meherado uu yaalay ay ku baadheen iyagoo ka qaatay karaatoon iyo qaar ka mid ah dadkii watayba kuwaasoo ay ula talaabeen dhinaca dalkooda.

Sida ay ku soo waramayaan dadweynaha ku nool deegaanka u dhaxeeya Somaliland iyo jabuuti waxa ay arrintani sababaysaa in uu xumaado xidhiidhka labada dal haddii aanay Somaliland talaabo cad ka qaadin khatarta uu Kiniinkan dalkeeda ka galayaa jabuuti uu ku hayo Nolosha iyo Amaanka dalkaasi iyadoo sidoo kalena loo baahan yahay in ay ka hortagto dhibaatada uu gudaha Somaliland ku hayo Kiniinkan oo la sheegay isticmaalkiisu inuu ka jiro Somaliland.

Masuuliyiin Caafimaadka iyo kuwa Amniga Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan ayaanay noo suurtogalin kadib markii ay Telefoonadooda qaban waayeen isla markaana waxaan ilaa hada laga haynin Madaxda Somaliland faragalinta ay Ciidamadda jabuuti ka wadaan gudaha Somaliland.

Short URL: http://waaheen.com/?p=29676



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: