10 February, 2012

Ciidanka Amaanka Ee Magaaladda Wajaalle Oo Xabsiga U Taxaabay Sheikh Maxamed Geelle


Ciidanka Amaanka Ee Magaaladda Wajaalle Oo Xabsiga U Taxaabay Sheikh Maxamed Geelle Isaga Oo Khudbad Ka Soo Jeedinaya Masaajid Ku Yaalla Magaalada Wajaalle


Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay Sheekh ugu yimaadeen badhtamaha Masjid ku yaal magaaladda Wajalle, ciidanka ayaa wakhtiga
Hargeysa (GNS)- Ciidamada Amaanka Somaliland, ayaa xalay xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Geelle oo ka mid ah culmadda ugu waa weyn somaliland.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay Sheekh ugu yimaadeen badhtamaha Masjid ku yaal magaaladda Wajalle, ciidanka ayaa wakhtiga ay soo galleen Masaajidka waxa la sheegay in ay ku labisnaayeen dirayska ciidanka isla markaana ay siteen hubka.
Sheikh Maxamed Geelle ayaa la geeyay xabsiga isla markaana waxa xiligan ku xidhan yahay saldhiga dhaxe ee magaaladda wajaalle.
Lama garan karro illa wakhtigan sababta dhabta ah ee ka danbeysay xidhi taanka sheikh Maxamed Geelle

Taliyaha ciidanka booliska ee degmadda wajaalle oo aanu la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bxiyo xadhiga
sheikh Maxamed Geelle.

Waa markii ugu horeysay ee ciidanka boolisku ay xabsiga u taxaaabeen masaajid wacdi ka dhex jeedinaya badhtamaha masaajid lagu cibaadeysto.

Gabiley news desk
contactgabiley@yahoo.com http://samotalis.blogspot.com/

No comments: