07 February, 2012

Ciidamadda Somaliland iyo kuwa Khaatumo oo Madaafiic isweydaarsaday iyo weerar Gaadmo ah oo Buuhoodle laga oo qorsheeyay

Ciidamadda Somaliland iyo kuwa Khaatumo oo Madaafiic isweydaarsaday iyo weerar Gaadmo ah oo Buuhoodle laga oo qorsheeyay

Sool-joogto(Waaheen) Ciidamadda Somaliland iyo kuwa Buuhoodle ee Khaatumo ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay isweydaarsaday Madaafiic cul culus hase yeeshee sida ay wararka Milatari ee aanu ka helayno deegaankaasi sheegayaan wax khasaare ah may geysan.

Madaafiicdan oo ku soo hagaagay wakhti Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayaa dalka Itoobiya u tageen wax ka qabashada kooxda Khaatumo ayaan la garanayn ujeedada ku soo beegtay hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan waxa labada dhinacba ay ku jiraan diyaar garaw iyadoo la sheegayo Maleeshiyadda Buuhoodle inay qorshaynayso weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadaan Ciidamadda iyo dadka Deegaanka ka soo jeedaba.

Ciidamadda Somaliland ayaa heegan culus ka galay dhaqwdhaqaaqa ay kooxdaasi wado si ay uga hortagaan weerar kaga yimaada waxaana la sheegay in ay ku rideen fadhiisimada kooxdaasi Madaafiicda ridada dheer.

Xaalada deegaanka ayaa degan kadib markii madaxda labada dhinacba ku baaqeen Gogol nabadeed inkasta oo aanu jirin wadahadal toos ah oo dhex maray hadana waxa la filayaa in ay wali soo socdaan iska hor imaadyo kale inay dhex maraan labada Ciidan oo la sheegay inay isku hor fadhiyaan Masaafad ka dhaw intii hore.



Short URL: http://waaheen.com/?p=29769



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: