02 February, 2012

“Aniga Waligay Askari La Igama Qaban Laygana Qabanmayaayo” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Jidhif

“Aniga Waligay Askari La Igama Qaban Laygana Qabanmayaayo” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Jidhif

“Waxa naloo sheegayaa in Dagaal oogihii Cali Khaliif Galaydh xalay lagu qabtay Magaaladda Jigjiga oo si xun loo qaadey" Taliye Jidhif
Hargeysa (GNS)- Taliyaha Cidanka Qaranka S/Land General Maxamed Xasan C/Lahi (Jidhif) ayaa shaaca ka qaadey inaanay jirin Ciidan Maxbuusyo ah oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo laga qabsaday Dagaalkii u danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Buuhoolle.

Taliye Jidhif waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta xafiiska Miiska Saraakiisha ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Dalka waxana uu yidhi “Ciidamada Qaranka Somalilalnd wax alalle iyo wax Ciidana oo ay dagalameen majiro waxa dagalamay laba kooxod oo midna Somaliland tageersan tahay oo diidan tahay Cali Khalif Galaydh iyo qaar tageersan Galaydh, ay ku dhexmaray dagalkasi anaguna (S/land) waanu kale dhex galay wax cidana oo aniga (S/land) la iga qabsaday majirto la iga qabsan mayana waligayn askari maan lumin” ayuu yidhi Taliye Jidhif.

Dhanka kale Taliye Jidhif waxa uu sheegay in la qabtay Dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh, waxana uu sheegay in Sirdoonka Dalka Itoobiya ay xabsiga ku hubsadeen Siyaasiga guurguurka badan ee Cali Khaliif Galaydh “Waxa naloo sheegayaa in Dagaal oogihii Cali Khaliif Galaydh xalay lagu qabtay Magaaladda Jigjiga oo si xun loo qaadey dawladda itoobiyana wax aanu ka wadda soconaa dhanka nabadgelyadda, waxaanu lee nahay wadda tashi, waxaanu leenahay inaanu ka ilaalino wixii dhibaato ah, waanuna ka ilaalinaynaa” ayuu yidhi Taliye Jidhif


Ugu danbeyntii waxa uu Taliye Jidhif Hambalayo u direy Ciidamadda Qaranka Somaliland, waxana uu ALLE uga baryay in uu sandkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Cimri dheer iyo Caafimaad qab.

Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
Contactgabiley@Yahoo.Com http://samotalis.blogspot.com/

No comments: