26 December, 2011

Wasiirada Waxbarada iyo Caafimaadka, oo Saylac Mashaariic Qabyo ah ka Furay, Iskuna Khilaafay.

December 26, 2011

Wasiirada Waxbarada iyo Caafimaadka, oo Saylac Mashaariic Qabyo ah ka Furay, Iskuna Khilaafay.

Boorama (Harowo) - Wasiiradda waxbarashada iyo wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi Samsam Cabdi Aadan iyo Cali Xaamud Jibriil, ayaa shalay kusoo laabtay Hargeysa kaddib markii ay magaalada Saylac isku maandhaafeen wasiirka ciyaaraha IYO DhallinyaradaCabdi Siciid Faahiye iyo raxan xildhibeenada G/selel kasoo jeeda, kana wada tirsanaa wafdiga labada wasiir iyo kuxigeenka.

Sida wararku sheegeyaan labada wasiir iyo wasiirkuxigeenka, ayaa saylac u tegey si ay usoo furaan dugsi sare oo boodhin ah, oo muddo sannado ah halkaa ka dhisnaa balse an shaqaynin, iyadoo dhinaca kalena wafdi ka socda wasaaradda waxabarashada ee dalka Jabuutina lagu ballansanaa shalay, hase yeeshee wafdigi ka iman lahaa dalka Jabuuti uu ka baaqday munaasabaddaasi, ka ddibna wasiiradda iyo kuxigeenkeedu kasoo dhaqaaqeen Saylac kaddib markii ay ka cadhoodeen baaqashada wafdiga Jabuuti, hase yeeshee wasiirka ciyaaraha iyo raxan ka tirsan xildhibeenada degaankaasi kasoo jeeda aya ku adkaystay inay joogayaan halkaasi ,furayaanna dugsigaasi sare.

Inkastoo anay jirin cid si cad uga hadashay waxa dhacay, hase yeeshee sida wararku sheegeyaan wasiiradda waxbarashada ayaa si cad u sheegtay inaysan furayn dhismahaasi ilaa loo dhammaystiro nidaamkii iyo habmaamuuskii lagu furi lahaa .

Dhinaca kale wasiirka ciyaaraha iyo iraxanta xildhibeenada ah ayaa la sheegayaa inay maanta magaaladaasi ka fureen afar dhisme oo qabyo ah isla markaana anay hawllaha lagu qaban doonaayi hoos imanin wasaaradda ciyaaraha balse ay hoos yiumaadaaan wasaarado kale oo masuuliyiintoodu furi lahaayeen, iyadoo wasiirka ciyaarauhu xaq u leeyahay inuu furo xarumaha ciyaaraha dhallinyarada iyo garoomada .

Sida la sheegay wasiirka ciyaaraha ayaa furay dhisme qabyo ah oo ay leeyihiin shaqaalaha dekedda Saylac, dhisme u leeyahay xafiiska golaha degaanka iyo dhisme oo leeyahay xafiiska socdaalku iyo xafiis kale oo an la carrab baabin, kuwaasoo dhammaantood sida la sheegay an la dhammaystirin dhismahooda

Lama oga sababaha ka dambeeya furitaanka mashaariicda qabyada ah iyo sababaha wasiiradda waxbarashdu iyadoo an koob shaaha ka ka cabbin Saylac ugasoo baqooshay casarkii shalay.

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo, Boorama

No comments: