26 December, 2011

Warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiga UCID

Warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiga UCID

Hargysa,Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen xisbiga UCID-ayaa lagu sheegay in shirweynahii xisbigaasi oo in mudo ah dib u dhacay la qaban doono bisha kowaad ee sanadka cusub ee fooda inagu soo haya oo bilaabmi doona dhowr cisho ka bacdi, warsaxaafadeedkaasi oo koobnaa ayaa waxa maanta kulan yeeshay golayaasha xisbigaasi UCID.

Kulankaasi markii uu dhamaaday waxa ay xisbiga UCID-isla garteen isla markaasina soo saareen warsaxaafadeed yar oo kooban, kaasi oo saxaafada loo qaybiyay waxana uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

Shir ay isugu yimaadeen gudida  fulinta ee Xisbiga Caddalada Iyo Daryeelka UCID shirkaas oo ka dhacay xarunta guud ee xisbiga waxa  uu soo saaray go'aankan:

In Shirwaynaha 3aad ee Xisbiga la qabto kaas oo socon doona mudo 2 cisho ah kana bilaabmaya 4 ilaa 5 /1/2012 lana shaaciyo mudadaas wakhtiga ku taariikhaysan, Isla markaana lasaarey gudi qaban qaabo oo ka kooban 17 xubnood

No comments: