Warqad furan :Khatarta Warshadda Hargaha ee Degmada Dacarbudhuq.
Warqad furan
26.12.2011
Ku: Xukuumadda JSL
Ku: Golayaasha Sharci Dejinta
Ku: Maamulka Gobolka Maroodijeex
iyo Degmada Laasgeel
Ku: Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka
Khatarta Warshadda Hargaha ee Degmada Dacarbudhuq.
Kullan wada tashi oo ay yeesheen Ururka kulan ( ee qurbajooga beesha Ciise Muuse ), iyagoo ka werwersan, dhibaato in muddo ah ka taagneyd Magaalada Dacarbudhuq iyo Nawaaxigeeda, taasoo saamayn ballaadhan ku yeelatay dadka, duunyada iyo degaanka degmada Dacarbudhuq. Innagoo og inaan Somaliland aanay ahayn meeshii ugu horeysay ee ay ka dhalato dhibta warshaddaha Hargaha iyo Saamuhu ay u geystaan degaanka, dadka iyo xoolahaba. Dhibtan oo kale waxaa kale oo ay dhacdaa wadamada saboolka ah ee aan lahayn sharciyad iyo aqoon ku fillan oo ay kaga hortagaan.
Hadaba waxaa dhibkani uu ka dhashay warshadaha Laga dhisay degaanka dacarbudhuq, dhibkaas oo ah ; Nidaamka loo isticmaalay goobaha dhismaha iyo farsamaynta qashinka warshadaha. Waxaa muuqata inaan la qorshaynin sidii looga ilaalin lahaa khtarta qashinka warshadahani ay ku keenayaan ; Dadka, Duunyada iyo Degaankaas oo markii horeba la il darnaa dhibaatooyin ah daryeel la'aan caafimaad iyo arrimaha bulshabada ahba. Waxaa aannu ka digaynaa dhibka ka dhashay warshadahani inaanu ahayn mid ku koobnaan doona degaankan oo keliya, waxaase cad innuu saamayn ku yeelan doonno, guud ahaanba wadanka Somaliland oo dhan si toos ah iyo si dadbanba.
Ugu dambeyn waxaannu u soo jeedineynaa in :
la saxo nidaamka loo maamulo hadhaaga warshadaha (ka adag ah , dareeraha iyo neeftaba), lana hubiyo si aanay dagaanka waxyeelo ugu gaysan. Haddii ay mulkiilayaasha warsaduhu fulin waayaan arrintaasna laga xidho warshadahaas ,wax walbana laga horeysiiyo nolosha qofka bani-aadamka ah.
Waxaannu si gaar ah uga codsanaynaa;
1. Wasaaradaha Ganacsiga iyo warshada, W. Caafimaadka, W. Degaanka iyo reer Miyiga , Inay si wadajir ah , oon isku riix riix lahayn uga hawgalaan, arrinkan oo wada khuseeya dhammaantood, waxna uga qabtaan sidii ay u soo afjarilahayn dhika taagan.
2. In laga fiirsado marka hore heeshiisyada lala gelayo maalgeliyayaasha- iyada oo la eegayo waxyeelada ay ku keeni karo degaanka, dadka iyo duunayda.
3. In wax laga qabto kuwa hada jira dhibta ay u geysteen dadka, duunyada iyo degaanka wixii ay khasare hore ay keeneen dhammaan , in ay magdhaw ka bixiyaan.
Ururka Kulan ( Qurbajoogga Beesha Ciise Muuse)
Cabdiraxmaan Baaruud Jaamac
Xoghayaha Ururka Kulan

No comments:
Post a Comment