24 December, 2011

Urur Siyaasadeedka Horeeyey ayaa Maanta Hargeysa Lagaga Dhawaaqay


Urur Siyaasadeedka Horeeyey ayaa Maanta Hargeysa Lagaga Dhawaaqay.

Urur Siyaasadeedkan oo lagu magacaabo Horyaal ayaa waxa.......

Hargeysa (GNS) - Tan iyo intii Baarlamaanka iyo Madaxweynuhu Ansixiyeen Xeerka furashada Ururada Siyaasada ayaa waxa soo badanayey Urur Siyaasadeedyada ku dhawaaqaya in ay ka qayb galayaan tartanka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland, waxaana lagu dhawaaqay mudadaasi ka dib Ururo tiradoodu ku dhawdahay labaatanayee Urur, kuwaasi oo mid waliba soo bandhigayey qorshihiisa iyo nidaamka uu doonayo in uu ku noqdo Xisbi ku guulaysta Kuraasta Golaha Deegaanka iyo Doorashadaba. 
DSC00217 
Ururadii hore ee la furay ayaa kala lahaa maba’aadii kala duwan oo markii ay bulshada u soo bandhigeen siyaabo kala duwan u macneeyeen, waxaana ka mid ahaa maba’aadiidaasi kala duwanaa qaar soo bandhiga in ay yihiin Ururo dhinaca Dhalinyarada wax ka qabanaya oo dhalinyaro ah, qaar dhinaca Arrimaha Bulshada wax ka qabanaya, qaar isku sheega in ay ku jiraan Aqoon yahano iyo Ruug cadaayo Dalkan hogaamin kara iyo Ururo sheegay in ay Shareecada ku hogaaminayaan Dalka. 
DSC00206 
Hadaba Urur Siyaasadeed lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Horyaal ayaa waxa si weyn uga dhex muuqday in uu ku dhisan yahay hayb qabiil iyo reer gaar ah oo ilaa marti sharafta Xisbiyada kale ka socotay ahaayeen dadka ku dhawaaqay kuwo ay isku beel ahaayeen. 

Urur Siyaasadeedkan oo Xafladii lagaga dhawaaqayey lagu qabtay Hutel Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa Guddoomiye ku meel gaadh ah lagu sheegay in uu yahay Dr. Mustafe C/laahi Jaamac, Guddoomiye ku xigeenka Koowaadna ka yahay Cilmi Maxamed Nuur. 
Marti Sharafta ka soo qayb gashay ee ka socotay Xisbiyada iyo Meelaha kala duwan oo ay isku hayb ahaayeen badi masuuliyiinta Ururkan ayaa waxa ka mid ahaa C/raxmaan C/qaadir oo ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye, Cali Maxamed Warancade oo isna ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga UDUB, Xildhiban Baar Siciid oo iyana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada. 
DSC00227 
Wakhtigii ay Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada uu qabteen in ay isku diiwaangeliyaan Ururada Siyaasadu oo muddo yar ka dhiman tahay ayaa baryahan dambe waxa Dalka ku soo badanaya Ururo wajiyo baryihii hore aan mabaadiido loogu arki jirin Saaxada Siyaasada. 
DSC00203DSC00213DSC00232DSC00224DSC00231DSC00197DSC00238DSC00204DSC00205 
Sacad Muse Cabdi 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa/ Somaliland
Published: 2011-12-24
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: