28 December, 2011

Urur Siyaasaddeed Cusub Oo Lagu Magacaabo DAMAL

Urur Siyaasaddeed Cusub Oo Lagu Magacaabo DAMAL, Oo Uu Hugaamiye Ka Yahay Prof. Maxamed Cumar Carte Qaalib Oo Lagaga Dhawaaqay Maanta Hargeysa .

"waxaynu isticmaalaynaa in ay Somaliland noqoto laydhkii ka baxayay afrika" Gudoomiyaha Ururka DAMAL Daawo Sawiradda
Hargeysa (GNS)- Urur siyaasaddeed cusub oo la magac baxay DAMAL isla markaana uu gadhwadeen ka yahay Aqoonyahan Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta lagaga Dhawaaqay Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafladdii lagu daahfuraryay urur Siyaasaddeedkan oo lagu Qabtay Hotel Maansoor, ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxdhaqmeedyo, Xildhibaano, Dhalinyarro, Haween, iyo Marti sharaf kale aad ufara badan.

Halku dhegyadda ururkan ayaa waxa ka mid ahaa “ Diinta oo loo gargaaro, dadka oo loo adeego, dalka oo la dhiso iyo dawladdnimada oo la adkeeyo.” “Hogaan daacad ah, aragti siyaasaddeed oo cusub iyo Hufnaan shaqo, DAMAL baa kuugu baaqaya”.

Urur siyaasaddeedkan ayaa la sheegay in uu wax ka qaban doono arimaha Shaqo la,aaneed ee haysata muwaadiniinta reer Somaliland, dayactirka arimaha aasaasiga ah sidda caafimaadka, waxbarashadda, nabadgelaydda, sidoo kale ururkan cusub ayaa la sheegay in uu wax weyn ka qaban doono Ictiraaf raadinta Somaliland.

Ururkan oo ah mid ay baryahanba socotay Hadalhayntiisu ayaa ka mid noqon doona Ururrada siyaasadda kale ee dalka lagaga dhawaaqayey mudooyinkii u dambeeyey, iyada oo la sheegay inuu hogaan ka noqn doono Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ah wiil uu dhalay nin dalka magac wayn ku leh, oo taariikhda dalka Baal dahab ah kaga jira.

Ugu horeyn waxa ka hadlay Madashii lagu daah furayay ururkan ka hadlay C/Fataax Maxamed Daahir oo ku hadlayay afka dhalinyaradda waxana uu sheegay in uu ururkani ahmiyadda saarayo dhalinyaradda reer Somaliland waxana ka mid ahaa hadalkiisii “ururkan DAMAL waa mid si weyn u taageersan dhalinyaradda, waxana uu ururkani aaminsan yahay siddii ay dhalinyaraddu u heli lahaayeen waxa ay xaqa u lee yihiin,ururkani waxa uu doonayaa in xooga la saaro dhalinyaradda lagana dhiso, waxbarashadda, caafimaadka, shaqo la,aanta iyo in la fakar galiyo, ururka DAMAL wuxuu aaminsan yahay in la hor mariyo dhalinyaradda”.

Suldaan Axmed Daahir Warsame, oo madashaasi ka hadlay ayaa si kooban uga warbixiyay taariikhda Gudoomiyaha ururka “Maxamed Cumar waa nin mutacalin ah, maxamed waa hormoodka dhalinyaradda, hablo iyo rag waa hormoodkoodda aniga oo aan ka saarayn dadka cuslaaday, waa nin u halgamaya in wax weyn la badalo, waa in aynu garano maxaynu xaq u lee nahay inaga aan ilaawayn muxuu wadanku xaq inoogu lee yahay markaa aynu kala fahano labadaas”.

Suldaanku waxa uu sheegay in laga shaqeysto khayraadka wadanka, waxana uu intaasi ku daray inaan loo baahanayn in la raadiyo ictiraaf wakhti uu wax soo saarka dalku marayo halkii ugu hoosaysay “maaha in aynu fuujaan qaadano oo aanu nidhaahno na icitioraafa ee waa in aynu waxa la soo baxno oo aynu shaqaysano”. “waxan maqlaa maalmahan dambe waxa laynagu ducoducaynayaa oo la yidhaahdo dimuqraadiyadd, iyo Gander balse diinteena ayaa ka horaysa”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Damal waa geed hadhac ah xisbiga ha loo adeego dhalinyaraddu ha ku soo dhowadaan”.

Ifraax Cali Jibriil oo ka mid ah xubnaha ugu sareeya Garabka Haweenka oo xafladda wanqalka ayaa usoo jeedisay shacabka Somaliland in la taageero urur siyaasadeedkan cusub, waxana ay sheegtay in wakhtigan dalka laga furay ururo fara badan kuwaas oo dhamaantood maamulayaan ragu marka laga reebo hal urur siyaasaddeed waxana ka mid ahaa hadalkeedii “wadanka ururo badan ayaa laga furay, waxana ay ragu u furtay xisbiyaddan badan, faan, balse dumar baanu nahay oo anagiii ayaa musharax u taagan, waayo waatuu siyaad barre xiniin na siiyay oo tii ayaanu la soo baxaynaa”.

Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka DAMAL Cali Xaaji Xirsi oo madashaasi ka hadlay ayaa si kooban ugua hadlay ujeedooyinka ururkan “waxa uu udhismay in uu barbaariyo dayarta, kolay anigu kumna jirro dhalinyaradda waayo waxaan ahay nin weyn, waad ogtihiin wadanku waddo dheer ayuu soo maray wuu soo kufkufay waxana keenay raga waa weyn oo isla fahmi waayay, balse dhalinyaraddu waxay kaga duwan tahay waa maskax cusub oo waxbay isla fahmayaan, ururkani waa mid dhalinyaradda ufurmay, waxana looga baahan yahay in ay si xoog leh u doortaan ururkan”.

Cali Xaaji Xirsi waxa uu si adag uga hadlay Qabyaaladda, waxana uu sheegay inaanay qabyaaladdu keenin horumar balse ay keento dib u dhac iyo burbur.

Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadalay ayaa sheegay in dalku wakhtigan uu u baahan yahay isbadal wanaagsan iyo maskax cusub oo ku dhisan aqoon iyo maamul wacan “ dalku waxa uu u baahanahay isbadal, hal abuur, waxaynu u baahanahay isbadal, maanta haddii labaatan sanno ninkii ahaa wasiir uu doonayo in uu sii maamul wadankii taasi waa dhib waxa loo baahan yahay in jiil cusubi wadanka yimaado sidda maxamed oo kale” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi “Aynu kala daayno dimquraadiyadd ayaynu nahay iyo qabyaaladda, uma baahni reer hebel aya doonaya in ay maanta madaxtinimo noqdaan, ee waxa aynu u baahanahay isbadalk cusub, dalkuna waxa uu u baahan yahay in ay aqoonyahano cusubi ay dalka yimaadaan”.

Aqoonyahan Jamaal ayaa ku booriyay dhalinyaradda in ay kala eegaan musharixiinta maamulaysa ururadda cusub, waxana ku waaniyay in ay ka fiirsadaan siyaasadda ay wataan “Dhalinyaradda waxana ku gubaabibnayaa in ay ka qayb qaataan siyaasadda waxan ku gubabaainyaa in ay kala eegeen musharixiinta iyo ka wax qabanaya, waa in ay eegaan ka ku fashilmay xilka wasiirnimo iyo ka aan waxba qaban Karin iyo ka wax qaban kara intaba waa in ay kala eegaan” ayuu yidhi Jamaacl Cali Xuseen.

Gudoomiye ku meel gaadhka ah ee ururka Damal Pro Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ugudanbeyntii ka hadlay xafladani ayaa sheegay in hogaanka ugu culus ee la doonayo in dalka laga hagaajiyo ay tahay Dawladda Hoose, waxana uu sheegay in haddii la hagaajiyo nidaamka Dawladdaha Hoose ay hagaagayaan waxyaabaha aasaasiga ahi “ marka dawladda hoose laga hadlayo waa aas aasiga caafimaad, waxbarasho nabadgelyo haddii ay bixiso dawladda hoose intaas waxa barri ka maalin adkaanaysa dawladda dhaxe,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte, waxana uu intaas ku daray “waxaynu doonayanaa in aynu u dhiiri galino dhalinyaradda, oo ay ka qayb qaataan golaha dhaxe, kuwaas oo aan balan qaadayo inaanay noqonyan magaca u yaal”.

Gudoomiye Maxaed Cumar Carte Qaalib waxa uu sheegay in ay saaxadda Siyaasaddeed ku soo kordhin doonaan cadaaladda, iyo maamul wanaaga “’ waxa saaxadda siyaasadda ku soo kordhin karnaa cadaaladd, iyo maamul wanaag” ayuu yidhi Pro Qaalib.

Gudoomiyihu waxa uu sheegay in dadka maamulka qaban doonaa ay yihiin kuwo aan ku milmin siyaasaddihii horre ee dalka, waxana uu intaas raaciyay in ay noqon doonaan dad sharaf iyo cisi ku leh bulshadda “ waa dad aan ku milmin siyaasaddii, ma dhiiri galinyano qof siyaasadda ku dhiiqoobay oo aan lala xisbaatamin oo xoolihii umadda cunay” ayuu yidhi Gudoomiyha Ururka DAMAL.

Maxamed Cumar waxa uu si kooban uga hadlay Siyaasadda Arimaha Dibadda waxana ka mid ahaa hadalkiisii “maxaa siyadasadda arimaha dibadda ururkan uga qorshaysan? waxay noqonyasaa waxay ay dantu noqonyaso kuma xidhnaanayso waxa aan dan inoo ahayn in aynu ku meeraysanno, waxaynu doonanayaa jaarkeena nabad ayaynu kula noolaanayanaa, waxaynu isticmaalaynaa xaaladda dimlomaasiyadddeed, waxaynu isticmaalaynaa in ay Somaliland noqoto laydhkii ka baxayay afrika”

Si kastba ha ahaatee Ku dhawaaqista Ururkan Damal ayaa ku soo beegmaya xilli ay Guddida Diiwaan gelinta Ururada Siyaasaddu ay shaaciyeen inay laba maalmood ka dib xidhmi doonaan Diiwaan gelin Ururda Siyaasadda Dalka lagag dhawaaqayo















Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
Contactgabiley@Yahoo.Com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: